|
IGAD oo sheegtay in meesha ugu dambaysa ee la doonayo in laga saaro Al-Shabaab inay tahay Magaalada Kismaayo
Mogadishu Khamiis 6 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

IGAD oo sheegtay in meesha ugu dambaysa ee la doonayo in laga saaro Al-Shabaab inay tahay Magaalada Kismaayo.
Urur goboleedka IGAD ayaa sheegay in Dowlada Uganda ay door muhiim ah ka qadatay howlgalka Nabad illaalinta ee ka socda dalka Soomaaliya kaasi oo loogu talagalay in lagula wareego guud ahaan gobolada ay Maamulaan Ururka Al Shabaab.
Xoghayaha guud ee Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa uu sheegay in dalka Uganda uu yahay dalka ugu Ciidamada badan ee dalalka ay Ciidamo ka joogaan Soomaaliya, islamarkaana hadda uu gabo gabo yahay howlgallada la doonayo in lagu xaqiijiyo ammaanka Soomaaliya.
IGAD ayaa waxa ay sheegtay in hadda meelaha ugu dambeyo ee la doonayo in laga saaro Al Shabaab ay tahay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose, iyagoo sheegay inay heleen warbixinno muujinaya in Al Shabaab guud ahaan ay ka huleeleen Ciidamada Al Shabaab.
Urur goboleedka IGAD ayaa horey u sheegay in uu garab taagan yahay howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya, iyagoo ballan qaaday inay kaalmo Militari iyo mid dhaqaale ay u fidin doonaan Ciidamada AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|