|
Dhaga badan: "waxaan doonaynaa inaan dhawaan la wareegno magaalada Kismaayo, iyadoo uusan shacabku soo gaarin khasaaro.."
Mogadishu Khamiis 6 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dhaga badan: "waxaan doonaynaa inaan dhawaan la wareegno magaalada Kismaayo, iyadoo uusan shacabku soo gaarin khasaaro.."
Abaanduulaha ciidamada Milatariga somaliya oo Shir jaraa'id u qabtay saxaafada ayaa waxa uu sheegay in iyadoo aan khasaaro ah la gaarsiin dadka shacabka ah lala wareegayo magaalada Kismaayo oo uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha Badan ay ku qabsanayaan.
Waxa uu sheegay in weerarka laga qaadayo dhowr Jiho oo magaalada ah sida lagu qabtay Suuqa Bakaaraha , waxaana uu Meesha ka saaray wararka sheegaya in khasaaro la gaarsiiyo dadka shacabka ah, balse waxa la bartilmaameedsado ay Shabaab yihiin.
Abaanduulaha ciidamada Milatariga ayaa sidoo kale sheegay in la wareegeen Dekada Ceelmaan iyo Cisileey kadib Markii ciidamadooda ay ka dhaqaaqeen fariisimihii ay ku sugnaayeen halkaasina waxa uu sheegay Inay u gaareen sidii ay u qaban lahaayeen deegaanada kale ee gobolka Shabelaha dhexe.
Ugu dambeyntii Jen Cabdi Kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan waxa uu sheegay in dad Badan ay u qabteen dhaca dadka shacabka ah kuwaasi oo uu sheegay inay xiran yihiin kuwa kale ee falalkaasi ku howlana waxa uu sheegay Inay qabqabanayaan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|