Somali News
    Hees  

Dagaalo Beeleed khasaare geystay oo laba beelood ku dhaxmaray Gobolka Galagduud

Mogadishu Khamiis 6 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dagaalo Beeleed khasaare geystay oo laba beelood ku dhaxmaray Gobolka Galagduud.

Dagaal ay ku dhinteen dad gaaraya 10-ruux tiro intaas ka badana ay ku dhaawacantay ayaa laba beelood oo walaalo ah waxa uu ku dhaxmaray deegaanada Bangeela iyo Xinjilaab oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Beelahaaan ku dagaalamaya Galgaduud ayaa la sheegayaa in gurmadyo ay uga kala imaanayaan degamada cadaado iyo deegaanka Bangeelada oo labada beelood ay ka soo kala jeedaan.

Wararkii ugu danbeeyayna waxaa ay tilmaamayaan in odayaal iyo waxgarad labada beelood ka soo kala jeeda ay ku baxeen maleeshiyada dagaalameysa si ay u qaboojiyaan xiisada.

Dhinaca kale maamulka Ximin iyo Xeeb oo ka mid ah maamulada ka jira dalka ayaa isna dhankiisa ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay joojiyaan xabada isla markaan ay ka shaqeeyaan nabadda.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)