|
Augustine P. Mahiga: "Dalka Somalia waa mid 21 sanno ah dhibaato deris la noqday , waxana xilligan laga baxay waqtigi KMG-nimada.."
Mogadishu Jimco 7 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Augustine P. Mahiga: "Dalka Somalia waa mid 21 sanno ah dhibaato deris la noqday , waxana xilligan laga baxay waqtigi KMG-nimada.."
Iyadoo gelinkii dambe ee shalay Muqdisho ay ku kulmeen guddoonka cusub ee barlamaanka iyo ergo QM iyo midowga yurub mataleysa Ayaa Augustine P. Mahiga waxa uu soo saaray warsaxaafadeed uu barlamaanka Soomaaliya uu kaga dalbanayo inay soo doortaan madaxweyne daacad ah oo dalka Soomaaliya ka gudbin kara dhibaatada 21ka sano ah.
Augustine P. Mahiga waxa uu warsaxaafadeedkiisa ku yiri "Dalka Soomaaliya waa mid 21 sanno ah dhibaato deris la noqday, waxana xilligan laga baxay waqtigi KMG-nimada, waxana loo baahanyahay in horumarka hadda siyaasadda Somalia ay sameysay horay loo sii wado sidaa darteed mudanayaasha iyo marwooyinka ku jira barlamaanka Soomaaliya, waxaan ku dhiiri gelinayaa inay dhageystaan musharax waliba waxqabadka uu soo bandhigayo islamarkaana ay ka soo dhexsaartaan mas’uulka ay is dhihi kartaan kan ayaa afarta sano ee soo socota dalka somalia horumar gaarsiin kara ".
Ambassador Augustine P. Mahiga waxa kale uu warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in QM iyo beesha caalamka ay si aad ah u daawandoonto waxa dhici doona maalmaha soo socda siiba maalinta ay taariikhdu ku beegantahay 10 bishan september oo doorashada madaxtinimda ay dhaceyso.
Uqaabilsanaha QM arimaha Soomaaliya warsaxaafadeedka uu soo saaray waxa uu ku tilmaamay in marka la eego sanadaha badan oo somalia ay dhibaneyd ay aad u adagtahay in la helo mas’uul daacad ah oo wadani ah kaas oo u danqanaya dadkiisa, waxana arintaasi ay u taalaa ayuu yiri barlamaanka Soomaaliya oo ah kuwa matalaya shacabka soomaaliyeed.
Saddex maalin kadib ayaa lagu wadaa in dalka Soomaaliya uu yeesho madaxweyne hadda qarsoon oo ka soo dhex bixi doona muharixiin 25 gaaraya oo madaxtinimo u tartameysa.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|