|
Dowladda Uganda oo Ku dhawaad 3,000 oo askari Soomaaliya u soo dirtay
Mogadishu Jimco 7 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dowladda Uganda oo Ku dhawaad 3,000 oo askari Soomaaliya u soo dirtay.
Dowladda uganda ayaa sheegtay in askar badan oo kamid ahaa howlgalka AMISOM ay ka saartay dalka somalia islamarkaana ay ku soo badashay kuwo cusub oo tiradoodu ay gaareyso ku dhawaad 3,000 oo askari kuwaas oo dalka uganda Tababar loogu soo gabagabeeyay.
Saraakiisha dowladda uganda ayaa warbaahinta u sheegay in askar waqti badan qeyb ka ahaa howlgalka AMISOM laga qaaday Airporka Magaalada Muqdisho ee Aadan cadde.
Gen Katumba Wamala oo ah sarkaalka ugu sareeya ciidamada Lugta dowladda Uganda ayaa sheegay in askarta cusub oo dhan 2,830 uu horkacayo Michael Ondoga , wacxana uu sheegay inay ka qeybqaadan doonaan howlgalka ka dhanka ah Al shabab oo AM ISOM somalia ay ka wado.
Marar badan ayaa dowladda uganda waxa ay bedelaad ku sameysay askarteeda somalia kaga sugan , waxana dowladda Uganda ay tahay dowladda ugu askarta badan oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|