|
Ambassador Matt Baugh : “Xaqiiqdii fursaddan oo kale weli somalia ma soo marin, dalku waxa uu ka baxay KMGnimadii.."
Mogadishu Jimco 7 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ambassador Matt Baugh : “Xaqiiqdii fursaddan oo kale weli somalia ma soo marin, dalku waxa uu ka baxay KMGnimadii.."
Safiirka dowladda ingiriiska u qaabilsan arimaha Somalia Ambassador Matt Baugh ayaa warsaxaafadeed maanta uu soo saaray waxa uu musharixiinta soomaalida kaga dalbaday inay u hogaansamaan go’aanada Barlamaanka somalia islamarkaana ay ku qancaan natiijada doorashada madaxtinimada dalka somalia ka dhici doonta 10ka bishan September , isagoo sidoo kale guddiga doorashada ka dalbaday inay iska ilaaliyaan in codadka hab qaldan ay u maamulaan.
Ambassador Matt Baugh waxa uu warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in musharixiinta laga guuleysto looga baahanyahay inay la shaqeeyaan musharaxa ka guuleystay oo ay ka fogaadaan talaabo waliba oo carqalad abuuri karta.
“Xaqiiqdii fursaddan oo kale weli somalia ma soo marin , dalku waxa uu ka baxay KMGnimadii , waxa uu leeyahay barlamaan maalmo kadib soo dooran doona madaxweyne , waxaa muhiim ah in soomaalidu fursaddan ay ka faa’ideystaan”ayuu yiri safiirka ingiriiska u qaabilsan Somalia , waxana uu intaa ku daray in QM , ururka midowga africa, IGAD iyo dowladda ingiriiska ay sii wadayaan taageerada ay siinayaan shacabka soomaaliyeed.
Barlamaanka somalia ayuu ku dhiiri geliyay inay isticmaalaan codeyn qarsoodi ah oo ay codkooda ay ugu shubaan masharaxa ay is dhihi karaan waa dalka somalia horumar gaarsiinaya.
Dowladda ingiriiska ayaa qeyb ka ah dowladaha sida aaadka ah u daneeya arimaha Somalia .
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|