|
Augustine P. Mahiga: "Dalka Somalia waa mid 21 sanno ah dhibaato deris la noqday , waxana xilligan laga baxay waqtigi KMG-nimada.."
Mogadishu Jimco 7 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Guddi qiimeeya ammaanka magaalooyinka caalamka oo si buuxda shaaca uga qaaday Muqdisho aan laysku haleen Karin ammaanka Magaalada Muqdisho.
Guddi qiimeeya ammaanka magaalooyinka ayaa warbixin ay soo saareem ku sheegay in amaanka magaalada Muqdisho aan laysku haleen karin.
Sida lagu qoray wargeeska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya gudiga qiimeenta amaanka magaalooyinka caalamka oo lagu magacaabo Safer World ayaa sheegay in dowladii KMG ahayd ay ku fashilmatay wax kaqabashada amaanka muqdisho ee caasimda dalkeenaan Soomaaliya.
Gudigaan ayaa qoraal ka kooban 27 Beige waxay ciwaan kaga dhigeen muqdisho iyo marxaladaha ay mareyso.
Gudiga ayaa qoraalkiisa kusheegay in amni darada muqdisho ay sababeen arrimo dhowr ah ay ugu horeeyaan dilal qorsheesan, qaraxyo,ciidamada meliteriga iyo Booliska qaarkoodo oo fuliya dan gaar ah oo uu leeyhay siyaasi
Waxaana qoraalkooda ay ku sheegayn in ay jiraan ciidamo Boolis iyo Military isugu jira oo qaarkood aynan ka shaqeyn hanaanka amni ee magaalada Muqsidho, taa badalkeedana ay ka shaqeeyaan amaan darrida Muqdishu , waxana sidoo kale guddigan ay sheegeen in askar qoryo wadata wadooyinka Muqdisho lagu arkayo.
Dhanka kale war bixintan ayaa waxaa ku xusun dilal qorsheysan oo loo geestay saxufiyiin badan oo muqdisho ku sugneyd iyo shaqsiyaad kale, waxanada dowladdii TFG ay ku guul dareysatay in wax ay ka qabato arimahaas oo idil.
Marka laga tago warbixinta guddigan uu soo saaray ayaa labadii maalmood aynu soodhaafnay ayaa magaalada muqdisho kadhacayay dilal iyo qaraxyo sababay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|