|
Maraykanka oo musharaxiinta Soomaaliyeed ugu baaqay inay ku qancaan natiijadda soo baxda doorashada
Mogadishu Sabti 8 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maraykanka oo musharaxiinta Soomaaliyeed ugu baaqay inay ku qancaan natiijadda soo baxda doorashada
War ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay ku dhiiri gelineyso musharixiinta u tartameysa xilka madaxtiminada Soomaaliya inay ku qancaan natiijada guddiga doorashada marka ay dhacdo isla markaana oo ay ka fogaadaan inay carqaladeeyaan doorashada.
Warka ayaa lagu yiri "Dowladda Mareykanku waxay musharixiinta Soomaalida ka dalbaneysaa inay u hogaansam aan go’aanada guddiga guddiga doorashada oo ay ku qancaan natiijada si dalka Soomaaliya uu kaga baxo dhibaatada sanado badan uu ku jiro.
"Tobanka September waxa ay noqon doontaa maaalin taariikhi ah waayo dalka Soomaaliya waxa uu yeelanayaa madaxweyne bilaw u ah dawlad aan ku meel gaar aheyn , waxaana tartamayaasha 25 musharax ah ugu baaqeynaa inay aqbalaan natiijada soo baxda" ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Maraykanka kasoo baxay.
Dawladda Mareykanka waxay sidoo kale gudiga doorashada ay ka codsatay inay dareemaan mas’uuliyadda saaran oo waajibkooda si cadaaladeysan ay u gutaan.
Maalin kadib ayaa loo ballansanyahay in 25 ka musharax ay u tartamaan doorashada dhacaysa.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|