Somali News
    Hees  

Musharax Madaxweyne Yuusuf Garaad oo qudbad siyaasadeesan kahor jeediyay Baarlamaanka

Mogadishu Sabti 8 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Musharax Madaxweyne Yuusuf Garaad oo qudbad siyaasadeesan kahor jeediyay Baarlamaanka

Yuusuf Garaad Cumar oo kamid ah musharaxiinta utaagan madaxtinimada Soomaaliya ayaa waxa uu manta mar uu kaqeyb qaadanayaa wajiga labaad ee utartamayaasha xilka madaxtinimada ay qudbado ugu jeedinayeen baarlamaanka Soomaaliya waxa uu kahadlay arimo dhwr ah.

Yuusuf Garaad ayaa ugu horeyn qudbadiisa kaga sheekeeyay noloshiisa iyo tan qoyskiisa isagoo sheegay inuu yahay muwaadinimadiisa ka sokow in dadka iyo dalka Soomaaliyeed ay kuleeyihiin abaal adag bacdama uu ku soo koray canshuurti dalka aabihiisna ahaa sarkaal ciidanka dowlada una dhintay lana siiyay isaga iyo walaalihiisba guno ilaa ay ka qaan gaaraan.

Musharax Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale xusay inuu howlo shaqo kutagay dhamaan gobolada dalka Soomaaliya uuna garan karo halka ay kaqurunsantahay siyaasada dalka Soomaaliya hadii la doortana uu horseedi doono horumar.

Yuusuf ayaa mar uu muujinayayc uleeska ay leedahay mas’uuliyada uu raadinayo ayuu yiri "Hooyadee oo kamid ah barakacayaasha ka cararay dalka oo kusugan magaalada Hargeysa ayaa waxa kudhahay hooyo waxa doonaya inaa isu taago xilka madaxtinimada Soomaaliya, runtii hooyo waa iga xumaatay weyna iga diiday iyadoo igu tiri Khaatumadaada iney lutno ayaa dooneysaa hasa yeeshe dood dheer kadib waxa ku qanciyay hooyo inaan ahay nin aqoon uleh xaalada dalka kajirto isla markaana bad baadin karo umadiisa oo daacad ah, weyna iga aqbashay", ayuu yiri Yuusuf Garaad Cumar.

Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale kudheraaday kahadalka siyaasada sadbursiga kudhisan ee Soomaalida isagoo xusay in wax laga naxo tahay in beelo waa weyn sida Jareerta oo kale lagu yiraahdo waxa tihiin haaf isagoo sidoo kale xusay in cadaalad darada lafteeda ay gashay beelaha isku tilmaamay kuwa waa weyn oo dhaxdooda ay kajirto Is quursi kale.

Yuusuf garaad ayaa sidoo kale amaan usoo jeediyay maamulada kajira dalka Sida Somaliland iyo Puntland isagoona tilmaamay wadahadalada Somaliland iyo Somaliya ay yihiin kuwa uu umarayo hanaan qurux badan oo ay ku qanci karaan walaalaha waqooyi oo isaga qaas ahaan dareemi karo halka ay ka dudsan yihin isla markaana uu kusugnaa xiliyada loo geestay cadaalada darada.

Musharax Yuusuf Garaad Cumar ayaa ugu danbeenti kudhiiraday kahadalka qolyaha seef laboodka oo Soomaaliya ksuoo batay waayadi danbe ee bur burka isagoo shaaca kaqaaday in Soomaaliya ay diinta soo gaartay kahor inta aysan diinta gaarin magaalada barakaeysan ee Madina waxa uuna tusaale usoo qatay sheeko dhax martay isaga iyo nin Somalida Ingiriiska ah oo 1960-ki katagay dalka Soomaaliya.

"Ninkaan odayga ah ayaa Magaalada Harygeysa kusoo laabtay bari dhaw xili hooyadii geeriyootay marka uu dib ugu soo laabtay London ayaan su’aalay waxa uu kala soo kulmay dalki maadaama uu wax badan kamaqnaa", ayuu weydiiyay mr Garaad isagoo ninkina kujawaba celiyay.

"Aniga dalka waxa kazoo tagay iyadoo umadu tahay Muslim hasa yeeshe waxa iminka ulaabtay iyadoo dadka la leeyahay iminka ayaa la idin muslimaanaa".

Waa wax lala yaabo dad intaa iyo intaa kabadan islaam ahaa in manta la yiraahdo iminka ayaa islaamka la idin galinayaa waxana waajib igu ah inaan wax kaqabto arintaas oo aan diyaariyo gudi culimo ah oo nadif ah oo dadku ay ku kalsoon yihin isla markaana dowlada kala shaqeeyo arimaha diinta.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)