Somali News
    Hees  

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maslax Maxamed Siyaad oo qubado ka hor jeediyay mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya

Mogadishu Sabti 8 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maslax Maxamed Siyaad oo qubado ka hor jeediyay mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya

Waxa si habsami leh uga socda guriga Umada Soomaaliya fadhigi mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee manta uga dhageysanayeen qudbadaha ay jeedinayaan musharaxiinta utaagan xilka madaxtinimada Soomaaliya.

Musharax Xasan Sheekh Maxamud iyo Maslax Siyaad Bare ayaa kamid ahaa musharaxiinti saakay jeedisay qudbadahooda ku aadan hanaanka ay doonayaan iney dalka kuhogaamiyaan marka loo doorto xilka madaxtinimada Soomaaliya.

Xasan Sheekh maxmaud ayaa kamid ah musharaxiinta ugu caansan utartamayaasha xilka madaxtinimada Soomaaliya bacdama uu magaalada Muqdisho geeska geesk lagu xardhay boorarka ugu waa weyn ee dhajiyeen taageerayaasha musharaxiinta.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu yahay aqoonyahan door weyn kazoo ciyaaray sara uqaadida waxbarashada Soomalaiya isagoona laf dhabar ka ahaa Jaamacada SIMAD oo kamid ah jaamacadaha ugu waa weyn ee kajira magaalada Muqdisho.

Xasan waxa uu sheegay inuu wax badan ka qaban doono xaalada amaan , caafimad isla markaana uu la diriri doono Musuq maasuqa ladagay dalkeena Soomaaliya.
Dhanka kale waxa isna qudbad kooban jeediyay Jeneral Maslax maxamed Siyaad bare oo kamid ah musharaxiinta dalka Soomaaliya.

Mudane Maslax waxa uu kudheeraaday kasheekeenta mashaariicda uu dalka kazoo qabtay xiligi ay talineesya dowladi uu daadihinayay Alaah Unaxariistee aabihiis Maxamed Siyaad Bare.

Maslax waxa uu tilmaamay in wax laga naxo tahay sida uu yahay Muuqaalka Muqdisho oo ay ugu danbeesay sanadihi Sagaashameeyadi xiligaasi uu aad kaga duwanaa sida uu yahay.

Maslax waxa uu yiri xiliga aan Muqdisho katalinayay waxa heestay shirkad Dhismo taasi oo dhistay dhismooyin oo ilaa iyo hada bilicda magaalada safka hore kaga jiro dib danbana aan loo dayactirin kuwaasi oo tusalae usoo qaatay iney kamid yihiin tuulada Isboortiga ee Stadium Muqdisho.

Musharax Maslax ayaa tilmaamay in taladada utartamida xilka dalka inuu go’aasnsaday kadib marki uu dareemay inuu yahay kan kadhabeen kara niyada shacabka Soomaliyeed ee xiligaan umuuqda kuwa gaaray biseyl dhab ah.

Musharaxiinta maanta Khudbadaha jeedinaya ayaa waxay kala yihiin sidan:

1-C/raxmaan Macalin Baadiyow
2-C/waaxid Cilmi Goonjeex
3--Xasan Sheekh Maxamuud
4-Yuusuf Garaad Cumar Axmed
5-C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi
6-Bashiir Nuur Xasan Bidaar
7-Xaaji Maxamed Ismaaciil Yaasiin
8-C/qaadir Cosoble Cali
9-C/raxmaan C/shakuur Warsame
10-Ibraahim Cali Xuseen
11-Saciid Ciise Maxamuud
12-Cismaan Maxamed Gacal
13-Maxamed C/wali Sheekh Yuusuf
14-Maslax Maxamed Siyaad Barre
15-Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)