Somali News
    Hees  

Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo goordhow loo dhaariyay inay ka mid noqdaan Baarlamaanka Soomaaliya

Mogadishu Sabti 8 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo goordhow loo dhaariyay inay ka mid noqdaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa goor dhow la dhaariyay 9-xildhibaan oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamanka Soomaaliya kuwaas oo uu horay uga jiray khilaaf ah inay ka mid noqdaan xubnaha Baarlamanka Soomaaliya, balse markii dambe Maxkamadda sare ay sheegtay inaysan mudanayaashaasi lahayn wax dembi ah.

Xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socdo hadda khudbadaha ay jeedinayaan qaar ka mid ah musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana maanta goobtaasi lagu dharaariyay 9-Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya kuwaas oo ay horay u soo gudbiyeen Odayaashooda dhaqanka Soomaaliyeed.

Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamanka oo shir guddoominayay kulankii maanta ayaa dhaariyay xubnaha sagaalka ah ee ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)