Somali News
    Hees  

Talye ku Xigeenka Ciidamada Booliska Magaalada Nayroobi oo sheegay in Hub iyo walxa qarxa oo Shabaab leeyahay Nairobi lagu qabtay

Mogadishu Sabti 8 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Talye ku Xigeenka Ciidamada Booliska Magaalada Nayroobi oo sheegay in Hub iyo walxa qarxa oo Shabaab leeyahay Nairobi lagu qabtay

Talye ku Xigeenka Ciidamada Booliska Magaalada Nayroobi Moosis Amuuti oo Uwaramayay Wakaalada Wararka Rootaris ayaa Sheegay Baaritaano ay Si Wada Jir ah Usameeyeen Ciidamada Booliska iyo Kuwa Nabad Sugida ay Kusoo Qabteen Waxyaabaha Qarxa.

Mosis ayaa Sidookale Sheegay inay Ka Go’antahay Ciidamadooda Sugida amaanka Guud ahaan Dalka Kenya Wax Yaabaha Qarxa ay Soo Bandhigeena Ay Kasoo Qabteen Magaalada Nayroobi ee Xarunta Dalkaasi Asagoona Carabka Kudhuftay inay Gaarayaan Waxyaabaha Qarxa Celcelis ahaan Culeeskooda 150kg,Wuxuuna Hoosta Kaxariiqay Inay Lahaayeen Xarakada Al Shaabab Waloow uusan Shaacin inay Sooqabteen Cidii Wdatay Qaraxyadaasi iyo Inkale.

Ugu Danbeentii Talye Kuxigeenka Booliska Magaalada Nayroobi Moses Amuuti ayaa Tibaaxay inay Soo Wajahday iminka Cabsi Ay Kaqabaan in Weeraro Laga Fuliyo Hudaha Kenya in ta Lagu Guda Jiro Doorashada Kadhici Doonta Dhawaan Gudaha Dalkaasi.

Dhaawan ayaa Waxaa isasootarayay Caga Jugleenta Kasoo Yeereesa Xarakada Al Shabaab oo Ku Aadan inay Weeraro kafulinayaan Gudaha Wadanka Kenyailaa iyo intii kadanbeesay Bishii octobar Sanadkii Hore Markii ay Ciidanada Kenya ay Gudaha Usoo Galeen Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)