|
Tartanka Jaaliyada Soomaaliyeed ee Jidda oo soo gaaray Semifinal
Mogadishu Sabti 8 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Tartanka Jaaliyada Soomaaliyeed ee Jidda oo soo gaaray Semifinal
Sida ku cadeyd jadwalka tartanka jaaliyada Soomaaliyeed ee magaaldea
Jidda waxaa lagu balansanaa in wareega 8-da ee tartanka oo la hakiyay
bishii Ramadaan uu bilowdo 07/09/2012, waxaana dib loo bilaabay shalay
oo laba ka mida kooxaha ay u suuragashay inay usoo gudbaan
semifinalka.
Laba ciyaarood ayaa la qabtay shalay waxaana ugu horeyn halkaasi fooda
is darey Kooxaha kala ah Banaadir iyo Goley, halka sidoo kale kooxaha
Jubba Airways iyo Blue stars ay wada cayaareen.
Hadii aan ku horeyno ciyaartii dhexmartey Kooxaha Banaadir iyo goley
ka hor inta aysan ciyaartu bilaaban waxaa la saadaalinaayey in kooxda
Goley wacdaro soo bandhigi doonta iyagoo wareega koowaad aheyd kooxaha
laga baqo marka lala ciyaaraayo group –A- ayba kaalinta koowaad kaga
soo baxdey laakiinse sidii loo filaayey uma dhicin ciyaarta ee waxaa
iyana ciyaar iyo farsamo aan laga fileynin la soo baxday kooxda
banaadir bilowga ilaa iyo dhamaadka ciyaartana ay hogaanka ciyaara ay
iyada laheyd waxba yaanan hadalka kugu daaline waxaa 4 : 0 ay guusha
ku raacdey Kooxda Banaadir.
Ciyaartii labaad oo ay dadweynuhu wada sugaayeen oo aheyd mid aan
saadaal laga bixin Karin waxaa kuwada kulmey kooxda Jubba Airways iyo
Kooxda Blue Stars waayo labada kooxood waxey ka mid yihiin kooxaha
looga bartey ciyaar wanaag iyo Asluubta waxeyna halkaasi ku soo
bandhigeen Ciyaar farsamadeedu aad u sareyso oo ay raali ka wada
noqdeen dhamaan dadweynihii daawashada ciyaartaasi ka soo qeybgaley.
Bilowga ciyaarta ayaa waxey ku bilaabatey mid feejignaan ah labada
kooxoodna ay kala baqaayeen wallow markii dambe ay is fahmeen
ciyaaryahanada labada kooxood qeybtii hore waxaa ay kusoo gabgabowdey
1 : 1 . laakiinse markii leysugu soo laabtey qeybtii labaad ee
ciyaarta ayaa inamadii ku ciyaarayey kooxda jubba Airways farsamdii
ciyaarta wax ka bedeleen una suurto gashey inay halkaasi ku dhaliyaan
3 gool oo darandoori ah ciyaartiina ka dhigey 4 : 1 oo ay kooxda jubba
Airways ku hogaamineysay.
Kooxda blue Stars iyana kama niyad jabin ciyaarta dadaalkooda ayey
halkaasi ka sii wadeen waxaana u suurto gahsey inay 2 gool oo
darandoori ay halkaasi ka dhaliyaan waxeyna noqotey ciyaarta 4 : 3
laakiinse nasiib daro waxaa ku dhamaadey waqtigii ciyaarta loogu tala
galey waxey kusoo gabgabowdey 4 : 3 oo ay guusha ku raacdey kooxda
Jubba Airways.
Waxaanan la ilaawi Karin gool aad iyo aad u quruxbadnaa oo halkaasi ku
dhaliyey Ciyaaryahan Xaajiyow oo dhamaan ka yaabiyey dadweynihii
daawanaayey Ciyaartaasi waxaa la dhihi karaa labada kooxoodba kalama
liidan oo koox la dhihi karo waa ay awood sareysey ma jirin nasiibka
waa iska halkiisa ciyaaryanahadii halkaasi ka muuqdey waxaa ka mid
ahaa Xaajiyow – Cusbo – Aweys Madey – Amiinow – Zakariye – Maxamed
Cali – iyo Cali Suqle oo Jubba ahaa iyo Ciyaaryahanada Nambarada 9 –
10 – iyo Goolhayaha Kooxda Blue Stars oo iayana wacdaro halkaasi ka
dhigey . tababarayaasha labada kooxood iyo labada Guddoomiye kooxeed
oo iyana halkaasi ku soo bandhigeen ciyaaryahano tayadooda sareyso .
Hadaba labada kooxood ee Banaadir iyo Jubba Airways waxey usoo gudbeen
Ciyaarta semi finalka.
Waxaana kormeereyayaal ka ahaa ciyaarahaasi Guddiga Maamulka ururka
Kubbadda Cagta ee Jaaliyadda Soomaaliyeed Magaalada Jidda Boqortooyada
Sacuudi Carabiya.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|