|
Qeybta labaad khudbadaha Musharaxiinta Madaxweynaha oo maanta Muqdisho ka dhaceysa
Mogadishu Sabti 8 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Qeybta labaad khudbadaha Musharaxiinta Madaxweynaha oo maanta Muqdisho ka dhaceysa
Qeybta labaad musharaxiinta u tartameysa jagada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay ka dhacdo xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, waxaana sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka maanta kalfadhigoodii yeelanaya Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan (Jawaari) uu sheegay in maanta qeybta labaad ee musharaxiinta u tartameysa jagada Madaxweynaha ay hor imaanayaan Golaha, isagoona sheegay inay halkaasi ka jeedinayaan khudbooyin ku saabsan waxqabadkooda.
"Kama dib dhaceyso doorashada Madaxweynaha maalinta Isniinta ah, waxaana khudbooyinkooda jeedinaya 15-musharax oo u tartameysa jagada Madaxweynaha" ayuu yiri Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka dhawaajiyay in guddiga farsamada Madaxweynaha ay howshooda si wanaagsan u gudanayaan.
Waxa uu sheegay in guddiga doorashada madaxweynaha ay dardar geliyaan howlahooda, isagoo caddeeyay in mudada doorashada ay dhaceyso loo baahan yahay musharaxiinta inay ku soo gudbiyaan dhammaanba shuruudaha looga baahan yahay.
Dhinaca kale maalinta berri ah ayaa la filayaa in guddigu ay qiimeyn ku sameeyaan musharaxiinta jagada Madaxweynaha inay u diyaariyaan qaabka ay u dhaceyso doorashada, iyadoo maalinta Isniinta ahna ay dhaceyso doorashada kama dambeysta ah.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|