Somali News
    Hees  

Burcad badeeda Soomaalida oo rasaaseeyay diyaarad helicopter ah oo Talyaaniga laga leeyahay

Mogadishu Sabti 8 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Burcad badeeda Soomaalida oo rasaaseeyay diyaarad helicopter ah oo Talyaaniga laga leeyahay

Dawladda Talyaaniga ayaa sheegtay in burcad badeedda Soomaalida ay weerareen diyaarad helicopter ah oo dowladdasi leedahay taas oo howlgal ka dhan ah burcad badeedda ka waday xeebaha Soomaaliya.

Haweeney afhayeenad ah oo u hadashay ciidamada badda dowladda Talyaaniga oo magaceeda la yiraahdo Jaaklin Sharif ayaa waxa ay sheegtay in koox burcad badeed ah oo doon saaran ay rasaas la eegteen diyaaradda helicopterka ah , rasaastaasina ay waxyeeleysay mid kamid ah daaqadihii helicopterka , balse waxa ay sheegtay in diyaaradda iyadoo bad qabta ay ku laabatay markabkii ay ka soo kacday oo la yiraahdo MV jiyusto.

"Waxaa waxyeello inaga soo gaaray mid kamid ah daaqadaha diyaaradda oo miraayad daaqaddu ku xerneyd ayay rasaasta dhankla burcad badeedda ka timid waxyeeleysay" sidaana waxaa tiri afayeenadda u hadashay dowladda Talyaaniga oo qeyb ka ah howlgalka Atlanta ee burcad badeedda Soomaalida ka dhan ah.

Talyaanigu waxa uu qeyb ka yahay wadamo badan oo maraakiib iyo diyaarado dagaal ay ka joogaan xeebaha somalia kuwaas oo burcad badeedda ka celiya qafaalashada ay geestaan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)