|
Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah oo gaaray Degmada Warsheekh
Mogadishu Sabti 8 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah oo gaaray Degmada Warsheekh.
Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu soo waramaya iney gaareen degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelada Dhexe.
Ciidamada ayaa la sheegaya in habeenki xalay ilaa aroornimadi hore ee saakay ay gaareen daafaha degmada xarujnta degmada Warsheekh halkaasi oo baryihi lasoo dhaafayay aheed deegaan aan maamul laheen kadib marki ay isaga baxeen Shabaabki ka talin jiray.
Ciidamada gaaray duleedka degmada Warsheekh aan si dhab ah loo ogeyn in saldhig ka dhigan doonaan iyo in kormeer ay ku gaareen halkaasi hasa yeeshe dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay wax iska hor imaad ah ineysan lakulmin ciidamada.
Cutubyo katirsan militiriga dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa baryihi ugu dambeeyay waxa ay deegaanada hoos yimaada gobolaka Shabeelada Dhexe gaar ahaan wadada xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Shabeelada dhexe kawadeen howlgalo ay kubalaarinayaan difaacyada ay kuleeyihiin gobolka
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|