|
Ciyaar lagu soo dhoweynayay Maareeyaha Dekedda Muqdisho laguna sagootinayay Ciyaaryahan Saciid Keysaney oo Muqdisho ka dhacday + Sawirro
Mogadishu Sabti 8 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciyaar lagu soo dhoweynayay Maareeyaha Dekedda Muqdisho laguna sagootinayay Ciyaaryahan Saciid Keysaney oo Muqdisho ka dhacday + Sawirro
Ciyaar K/Koleyga ah oo lagu soo dhoweynayay Maareeyaha cusub ee Dekedda Muqdisho isla markaana lagu sagootinayay Ciyaaryahan horay uga tirsanaa Naadiga Dekedda Muqdisho dhowaanna ka yimid wadanka Finland ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka soo qeyb galeen boqolaal dadweyne ah.
Madaxda ka soo qeyb gashay daawashada ciyaartaas oo ahayd mid saaxibtinimo ah oo wada ciyaareen naadiyada K/Koleyga Dekedda Muqdisho iyo Global Hotel waxaa ka mid ahaa: Maareeye K/Xigeenka Dekedda Muqdisho Md. C/Qani Kabreeto, Guddoomiyaha Naadiga Dekedda Muqdisho Cali C/raxmaan (Cali Deeq) iyo xubno kale.
Ciyaarta ayaa mudadii ay socotay waxay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar wanaag si weyn u soo jiitay daawadayaasha, iyadoo madaxda ka soo qeyb gashay daawashada ciyaarta ay si weyn u ammaaneen.
Gabagabadii ciyaarta K/Koleyga ee ka dhacday garoonka K/Koleyga Degmada Xamar Jajab ayaa waxaa ku guuleystay kooxda Global Hotel oo hanatay koob loo dhigay tartankaasi, waxaana khudbado kala duwan ka jeediyay xiritaanka munaasabadda tartankaasi Guddoomiyaha Xiriirka K/Koleyga Soomaaliya Md. Ibraahim Xuseen Roombe.
Dhinaca kale waxaa khudbad halkaasi ka jeediyay Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Maxamed Cali Axmed oo sheegay in ciyaaraha halkaasi ka dhacay ay astaan u yihiin nabadda iyo is dhex galka bulshada, wuxuuna labada kooxood ku ammaanay ciyaaraha ay halkaasi ku soo bandhigeen.
Md. Yaasiin Caad oo ka mid ah KXigeenada Maareeyaha Dekedda Muqdisho ayaa sheegay in tartamada noocaan oo kale ay muhiim u yihiin kooxaha dhexdooda, wuxuuna cadeeyay inuu si weyn ugu faraxsan yahay ciyaar wanaagga ay soo bandhigeen oo uu ku tilmaamay mid bulshada qiime weyn ugu fadhiya.
Koobka loo dhigay labada kooxood ee ciyaarta saaxibtinimo dhex martay ayaa waxaa la guddoonsiiyay kabtanka Kooxka K/Koleyga Global Hotel, waxaana guddoonsiiyay ciyaaryahan horay uga tirsanaa Naadiga Dekedda Muqdisho oo lagu magacaabo Saciid Keysaney, kaddib markii uu ku casuumay Guddoomiyaha Xiriirka K/Koleyga Md. Ibraahim Xuseen Roombe.
Ciyaaryahanka Saciid Keysaney oo dhowaan ka yimid wadanka Finland ayaa dhinaca kale qalab Isboorti guddoomiyay naadiga K/koleyga Dekedda Muqdisho, waxaana halkaasi laga xusay in tartankani uu qeyb ka yahay sagootin loo sameynayo ciyaaryahan Saciid Keysaney.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|