|
Kenya oo ka hadashay khasaaraha ciidamadeeda ka soo gaaray dagaalada Soomaaliya
Mogadishu Axad 9 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kenya oo ka hadashay khasaaraha ciidamadeeda ka soo gaaray dagaalada Soomaaliya.
Saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada dawlada Kenya oo ka hadlayay munaasabad lagu soo dhaweynayay illaa iyo 400 oo askari oo Kenya dib ugu laabtay kadib muddo sanad ah oo ay Soomaaliya joogeen ayaa sheegay in mudada sanadka ku dhaw ee ay ciidamadooda ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya inay ku naf waayeen askar gaaraysa 22 askari.
Col Cyrus Oguna oo ka mid ah afhayeenada ciidamada Kenya ayaa ka sheegay magaalada Nairobi in tan iyo markii ay gudaha Soomaaliya ka bilaabeen la dagaalanka Xarakadda Al-Shabaab ay uga geeriyoodeen 22 askari sida uu yiri kuwaasoo uu xusay inay geeriyoodeen dagaalo ka dhacay gobolada Jubbooyinka.
Cyrus Oguna waxsaa uu sheegtay in askarta ugu badan ayh ku waayeen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaano ay ka mid yihiin Miido oo ka mid ah meelihii ay ku dagaalameen ciidamada is wata iyo kuwa Al-Shabab.
Sidoo kale sarkaalkaan ka tirsan ciidamada Kenya kama uusan hadlin inta askari ee uga dhaawacanta dagaalada ka socda gudaha Soomaaliya.
Xarakadda Al-Shabab dhawaan magalada Kismaayo waxay ku soo bandhigeen meydadka askar Kenyan ah iyo gaadiid iyo saanad ciidan oo ay ciidamada Kenya ka qabsadeen.
Ciidamada Kenya oo Soomaaliya hadda jooga muddo 11 bilood ah ayaa duqeymo ay ka geysteen gobolada koofureed ee Soomaaliyeed waxay waxyeelo kasoo gaartay dad rayid ah oo aan dagaalada ku lug laheyn.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|