Somali News
    Hees  

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya : " Musharixii ku shubasho lagu arko waxaan ka qaadi doonaa talaabo adag.."

Mogadishu Axad 9 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya : " Musharixii ku shubasho lagu arko waxaan ka qaadi doonaa talaabo adag.."

Prof Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Maanta shir Jaraaid Saxaafada ugu Qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay arrimaha doorashada Madaxtinimo ee la filayo in maalinta beri ah ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uu sheegay in marnaba aysan dhici doonin in Musharixiinta Qaar ay sameeyaan ku shubasho cod iyo wax is daba marin waxaaana uu ku hanjabay in Musharixii lagu arko isagoo Musuq maasuq iyo laaluush kula dhex jira Baarlamaanka ay tilaabo Adag ka qaadi doonaaan cidii falkaasi lagu arko.

Prof. Jawaari ayaa waxaa uu kaloo ka hadlay Xubnihii mudooyinkii dambaba Muranka xoogani ka taaagnaa ka mid noqoshooda Baarlamaanka oo dhawaan Baarlaamnkuna usaaray Gudi Xal ka soo gaara Xubnahaasi waxaa uu sheegay Gudoomiyuhu in xubnahaaasi Maanta kama dambeys lagu dhawaaqayo Go.aankii laga qaatay ayna ka sugayaan gudigii ay usaareen.

"Waa in la ixtiraamaa rabitaanka shacabka, sababtoo ah Golaha baarlamaanka Soomaaliya waxa uu u taagan yahay Rabitaanka shacabka,waxaana Bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan u soo jeedinaynaa inay ilaaliyaan nabada , islamarkaana dhowraan iftiinka Soomaaliya u soo ifay" ayuu yiri Prof Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa maalinta Bari ah looga fadhiyaa in Dalka ay u soo doortaan Madaxwayne daacad ah oo dhibaatada ka saari kara Soomalia iyaga oo uga wakiil ah Shacabka Soomaliyeed oo aan hada iyagu Codkooda waxba ku dooran Karin waxaana laga wada dhur sugayaan Waxa dhici doona Maalinta isniinta ah oo Tr-tahay 10 September.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)