|
Banaanbax Balaaran oo lagu taageerayo musharax Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
Mogadishu Axad 9 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Banaanbax Balaaran oo lagu taageerayo musharax Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Banaanbaxa oo ahaa mid aad u ballaaran ayaa waxaa kasoo qeybgalay dadweyne farabadan oo iyagu isaga kala yimid degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir waxaana ay Banaanbaxayaashu socod ku mareen wadooyinka Caasimadda.
Banaanbaxayaasha oo tiradoodu ay kumanaan gaareysay ayaa sitay sawirrada Musharax Maxamed C/laahi Farmaajo waxaana ay banaanbaxooda ka bilaabeen isgosyska Sayidka ee magaalada Muqdisho ayaga oo ugu dambeynna socod ku maray wadada Maka Al-Mukarama ilaa ay ka tagaan isgoyska KM 5.
Musharax Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa isagu ka mid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay ku tartamayaan musharixiin gaaraya 25 musharax waxaana banaanbaxan uu imaanaya xili maalinnimada berri ah la filayo iney magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Dalka.















Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|