|
Warbixin dheer oo ku saabasan ololahii ugu dambeyay ee Doorashada Musharaxiinta Sheikh Shariif, Yuusuf Garaad, C/wali Gaas iyo Farmaajo
Mogadishu Axad 9 September 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Warbixin dheer oo ku saabasan ololahii ugu dambeyay ee Doorashada Musharaxiinta Sheikh Shariif, Yuusuf Garaad, C/wali Gaas iyo Farmaajo
Maanta waa Maalintii ugu dambeysey ee Ololaha Doorashada ee Xilka Madaxnimo ee Soomaaliya oo lagu wado in ay Berri oo Isniin oo ay Bishu tahay 10-ka ay ka dhacdey Magaalada Muqdisho waxaana maanta Musharaxiinta Ololaha ay qabanyeen Banaanbaxyo iyo Shirar ay ku muujinayaan waxa auy qabanayaan marka la doorto.
Musharax Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxnimo ee Soomaaliya marna soo noqdey Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta waxaa Wadooyinka Muqdisho isugu soo baxay Boqollaal Dadweyne kuwaas oo ku qaylinayey “Waxaan Doonerynaa in mar kale la doorto Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Banaanbaxyada Faramaajo lagu taageerayey ayaa Dadka waxay siteen Sawirada Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaana qaarkood ku qornaa”Mudane Xildhibaan u Coddee Farmaajo haddii aad Mataleysid Shacabka Soomaaliyeed “ sidoo kale waxaa ku qornaa “Dooro Qaran ama Qaran Dumis”.
Musharaiinta maanta Ololahoodu waxay ahaayeen isku soo bax ay ku muujinayeen in ay doonayaan in ay samatabixyaan dalkaan , waxaana isku soo bax kaas la mid ah dhigey Musharax Yuusuf Garaad Cumar Axmed waxayna Wadooyinka Muqisho Taageerayaashiisa ku mareen Gawaari iyo Mootooyin uu ku Xardhanaa Sawirka Yuusuf Garaad oo ku sii qornaa “ Xog –Ogaal Xal –doon ah , waxaana sidoo kale Gawaarida ku rakibnaa Codbaahiyaal ay ka hadlayeen dadka u ololeynaya Yuusuf Garaad oo sheegeyey “Waa Shaqsi doonya in uu baabii’yo Waxa loo yaqaan 4.5-la iyo ereryo kale oo ay ugu Muhiimsanyeen in uu dalka ku soo dabaali doono Nabad iyo Dib u Heshiisiin.
Waxaa iyana Shir Jaraaid ku qabtey Xarunta Dalladda Dhalinyarda ee Bartamaha iyo Koonurta Saoomaaliya waxaana Shirkaas Jaraaid ka Hadley Ardeyda wax ka barata Jaamacadaha Magaalada Muqdisho oo iyaga Baaq u direy Xildhibaanada Baarlamaanka , iyagoo ugu baaqeyn in ay Doortaan Yuusuf Garaad oo ay ku tilmaameen shaqsi badbaadin kara ummada Soomaaliyeed
Raiiisul Wasaarihii hore Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo soo saarey Warsaxaaadeed uu kaga hadlayo Waxyaabhii u qabsoomey intii Xilka Hayey iyo waaa uu qabanyo haddii la doorto isagoo la hadlyey Xldhibaanada wax Dooranaya waxaa uu yiri”Ugu dambeyn, Hadafka aan Tiigsanayo wuxuu ku saleysan yahay sidii Aayatiin Wanaagsan aan ugu dhisi lahayn ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Aayatiinkaas oo ku tilmaaman Nabad Waarta, Xasilooni joogta ah, Abuuritaan Shaqo iyo Dhaqaale.
Shiikh Shariif ayaa Ololahiis Doorashada Madaxweyne waxaa uu ku qabtey Hotel Palace waxaana ka qayb galey taageerayaashiisa iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanak waxaana ka dhex Muudey Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan taasoo la yaab ku noqotey Bulshada Soomaaliyeed waayo waayadaan laba Shariif waxaa u dhaxeeyey Xurguf siyaasadee waxaana soo baxay wararkii sheegaya in Labada Shariif ay ku heshiisiiyeen Imaaraadka Carabta ka dib markii uu dhawaan halkaa gaarey Shariif Xasan
Shiikh Sharii oio ka Hadley Kulankaas ayaa waxaa uu ku dheeraadey waxyaabhii u qabsoomey intii uu Xilka hayey , isagoo sheegey in haddi mar kale la doorto uu sii wadayo wax qabdkiisa uu ugu horeeyo Nabadda iyo la dagaalnka Xarakada Alshabaab sidoo kale waxaa uu sheegey in Dowladiisa ka qayb qaadan doonto dib u dhiska Dalka iyo soo celinta Adeegyadii Bulshada .
Afhayeen Guddiga Doorashada Cismaan libaax ayaa sheegey in maalinta berri ah ay tahay maalntii Doorashada madaxnimo ee Soomaaliya isagoo sheegey in ay ka qayb galyaan 24 Musharax ka did markii uu Afhayeenka uu sheegey in uu ka Tanaasuley Tartankaas Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaana la sheegey in Cabdiraxmaaan oo ka mid ahaa dadkii ugu cad Cadaa Ololaha Doorashada waxaana la sheegey in sababta uu uga harey Tartanka ay tahay isago u tanaasuley Sxaaiibadii.
Sidoo kale Isbaheysigaan waxaa ka digey Madaxeynaha Maamulka Pundland Cabdiraxmaan Faroole oo sheegey in Isbaheysigaas uu keeni doono in uu burburo hanaankii Road Map-ka isla markaana waxaa uu ka dhawaajyey in Pundland ay Aayaheeda ka Tashan doonto sidoo kale Musharaxiinta u tartameysa Xilka Madaxnimo ee Soomaaliya ayaa iyana digniin Noocaas ah jeediyey iyagoo sheegey in Lacaghii loogu talagaleu Ummada Soomaaliyeed loo isticmaalayo Ololaha Doorashada.









Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|