Somali News
    Hees  

Digniin laga soo saaray shir beesha caalamka ay maanta ku yeesheen Muqdisho

Mogadishu Axad 9 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Digniin laga soo saaray shir beesha caalamka ay maanta ku yeesheen Muqdisho

Madax ka socota beesha caalamka, gaar ahaan kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxayna ka wadahadleen arrimaha Soomaaliya iyo ololaha doorashooyinka Madaxtinimada Soomaaliya.

Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliya ayaa kulan uu ka yeeshay xaaladda wadanka waxa uu uga digay xubnaha beesha caalamka ee shirka ku yeeshay maanta magaalada Muqdisho inay xaaladda wadanka Soomaaliya uga sii daraan.

Guddoomiye K/Xigeenka ahna K/Simaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliya Md. Cali Maxamed Nuux (Tima Jilic) oo Warbaahinta la hadlayay ayaa ka dhawaajiyay in shirka dalalka beesha caalamka ay ku yeesheen maanta magaalada Muqdisho uu yahay mid Soomaalida lagu kala qeybinayo isla markaana lagu faragelinayo ololaha doorashooyinka Madaxweynenimada Soomaaliya ee berri ka dhaceysa magaalada Muqdisho.

"Uma baahna Soomaaliya in beesha caalamka shaqsiyaad isku sheegaya ay hoos ka soo geliyaan shaqsiyaad fashilmay" ayuu yiri Md. Tima Jilic oo akhrinayay war-saxaafadeed ka soo baxay kulanka degdegga ah oo Xisbiga
MJS ka yeeshay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo xubno ka tirsan beesha caalamka ay ka wadaan gudaha dalka.

Waxaa kale oo K/Xigeenka Guddoomiyaha XMJS uu sheegay in beesha caalamka xubnaha isku sheegaya in Muqdisho shirka ku yeeshay maanta ay u ololeynayaan sidii madaxtinimada dalka loogu soo dooran lahaa shaqsiyaad ka tirsanaa Dowladdii KMG ahayd, kuwaasi oo mudadii ay xilka hayeen aan wax muuqda ku soo kordhin dadka iyo dalka.

"Ciidamada AMISOM waxaan uga mahad celinaynaa sida ay uga qeyb qaateen nabadda ka curatay dalka intiisa badan, iyagoo caddeeyay inaysan faragelineynin arrimaha siyaasadda Soomaaliya" ayuu yiri K/Simaha XMJS Md. Cali Max'ed Nuux (Tima Jilic).

Ujeedada ka dambeysa shirka ka dhacay Muqdisho ee ay yeesheen shaqsiyaadka isku sheegaya inay matalaan wadamada beesha caalamka ayuu sheegay Md. Tima Jilic inay tahay mid lagu hagardaameynayo heshiiska dhex maray labada Shariif, wuxuuna Xisbigu caddeeyay in faragelinta laga daayo Soomaalida arrimaheeda.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin kooxo isku sheegaya inay matalaan dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, kuwaasi oo uu ku eedeeyay qaarkood inay caga jugleyn iyo cadaadisyo kala duwan saarayaan Xildhibaanada Baarlamaanka si ay codkooda u siiyaan shaqsiyaadka ay doonayaan inay dalka madax ka noqdaan.

Wuxuu sheegay in Xisbigiisu ka warqabo dhaqdhaqaaq kasta oo shaqsiyaadka sheeganaya International Community ay ku maja xaabinayaan masiirka wadanka Soomaaliya, isla markaana si joogto ah ula soconayo tallaabo kasta oo shaqsiyaadkaasi ay ku doonayaan inuu hirgalo qorshahooda guracan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)