Somali News
    Hees  

Amaan Muqdisho oo Caawa si xogan loo adkeyay diyaargarowga Doorashada Bari aawgeed

Mogadishu Axad 9 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Amaan Muqdisho oo Caawa si xogan loo adkeyay diyaargarowga Doorashada Bari aawgeed

Ciidamada Policka Soomaaliya kuwa Militariga iyo Ciidamada Nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM ayaa la galiyay heegan aad u sareeya Saacado ka hor inta aanu bari Muqdisho ka furmin doorashdii Taariikhiga ee ugu horeysay dalka ka dhacday mudo ku siman 43 Sano.

Wado walba oo Xaafadaha Degmooyinka Muqdisho ka tirsan waxaa la dhoobay Ciidamo Soomaliya iyo kuwa Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM si amaanka loo xaqiijiyo si aanu ugu imaan qal qal dhinaca amaanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo barito Muqdisho ka dhici doonta Insha,allah.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa qorshuhu yahay in barito Salaada Subax ka dib in ay isugu tagaan Dugsigii Sare ee Poliska waxaa ay si rasmi ah u bilaabaneysaa 7:00 Aroornimo sida uu Saxaafada u sheegay Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Max,ed Sheikh Cismaan Juwaari.

Isu socodka Magaalada ayaa la sheegay in barito gabi ahaanba la joojin doono goobaha ganaacsigana ay xirnaanayaan maantana waxaa ay aheed maalintii ugu dambeysay ee Ololahii ay wadeen Musharaxiinta u ordeysa qabashada Xilka Madaxweyne nimada Dalka.

Dadka Muqdisho ayaaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin in Magaaladooda lagu qabto mid ka mid ah doorashooyinkii Taariikhiga waxaana Soomaalidu meel walba oo ay joogta ay ka dhowreysaa Mudanayaasha Baarlamaanka talaabada ay barito qaadayaan hadii ay Soomaalida meel wanaagsan ku hogaamiyaan iyo hadii ay dhibaatadii dhowr iyo labaatanka Sano jirtay ay ku sii haayaan dadka Soomaaliyeed.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)