Somali News
    Hees  

Ururka isbahaysiga Soomaaliyeed ee Sweden oo soodhawayn iyo qado sharaf u sameeyey qunsulka guud ee dowlada Itoobiya u fadhiya iskandaneefiyanka

Mogadishu Axad 9 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ururka isbahaysiga Soomaaliyeed ee Sweden oo soodhawayn iyo qado sharaf u sameeyey qunsulka guud ee dowlada Itoobiya u fadhiya iskandaneefiyanka.

Ururka isbahaysiga Soomaaliyeed ee Sweden oo soodhawayn iyo qado sharaf u sameeyey qunsulka guud ee dowlada Itoobiya u fadhiya iskandaneefiyanka mudane Hussein Ahmed Omar. Qado sharafka iyo soo dhawaynta ayaa ka dhacday magaalada Stockholm oo xarun u ah wadanka Sweden.

Gudoomiha ururka isbahaysiga Soomaaliyeed Abdullahi Mahamed ayaa ka warbixiyey taariikhda ururka isbahaysiga Soomaaliyeed ee Sweden iyo in ururku u taaganyahay had iyo goor danaha bulshada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Sweden.

Qunsulka ayaa u mahadceliyey ururka isbahaysiga soomaaliyeed soo dhawaynta sharafta leh ee ururku u sameeyey, wuxuuna ku booriyey in lagama maarmaan tahay in laga shaqeeyo midnimada dhamaan bulshada ku abtirsata magaca Soomaaliyeed ee ku nool geeska Afrika.

Qusunsulka iyo guddiga fulinta ee ururka isbahaysiga ayaa sidoo kale ka hadlay siddii loo xoojinlahaa wadashaqaynta iyo iskaashiga safaarada dowlada itoobiya ku leedahay Sweden iyo ururka isbahaysiga, si wadajir ahna loogu wada adeegi lahaa bulsahada soomaaliyeed ee ku nool Sweden

Guddiga fulinta ururka isbahaysiga Soomaaliyeed ee Sweden






Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)