Somali News
    Hees  

Ololihii ugu balaarnaa oo ay Muqdisho ka wadaan maanta Musharixiinta u taagan Madaxtinimada Soomaaliya

Mogadishu Axad 9 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ololihii ugu balaarnaa oo ay Muqdisho ka wadaan maanta Musharixiinta u taagan Madaxtinimada Soomaaliya.

Wadooyinka magaalada Muqdisho waxaa maanta ka socda olole balaaran, iyadoo Musharixiinta u taagan Madaxtinimada Soomaaliya ayaa magaalada ka wada banaanbaxyo balaaran oo ay dhigayaan taageerayaashooda.

Magaalada Muqdisho haddii aad maanta joogto waxaa kugu soo dhacay xisbiyada siyaasadeed ee ka jira dalalka caalamka , kuwaasi oo ku can baxay markii ay doorasho galayaan inay la hadlaan shacabka taageerayaasha u ah.

Taageerayaasha Musharixiinta u taagan Madaxtinimada Soomaaliya ayaa lagu arkayaa Muqdishom saakay, iyadoo dadku samaynayaan banaanbaxyo ay ku ayidayaan musharaxa ay taageersan yihiin.

Banaanbaxyo kala duwan ayaa magaalada Muqdisho ka soconaaya, iyadoo banaanbaxyada kuwooda ugu waa wayn ay samaynayaan taageeryaasha Madaxweyne Shariif iyo kuwa Musharax Farmaajo, waxayana dibadbaxayaashi sitaan sawirada Musharixiinta ay taageersan yihiiin.


Musharax kasta wuxuu doonaya inuu shacabka la hadlo,waxaana taas ay muujinaysaa isbedelka magaalada Muqdisho, iyadoo maalinta berito ah ay dhacayso tartanka u dhaxeeya Musharixiinta u tartamaysa Madaxtinimada Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)