Somali News
    Hees  

Kulan Albaababada u xirnaa oo xalay dhexmaray Madaxweyne Shariif iyo iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof . Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

Mogadishu Axad 9 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed oo xalay kulan la qaatay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Pros Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari isagoona Madaxweynaha ugu hambalyeeyay Gudoonka baarlamanka howlsha uu hayo.

Kulanka uu la qaatay Madaxweyne Shariif Guddoomiyaha Baarlamanka Federalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay hoyga guddoomiyaha baarlamanka waxaana u jeedka kulanka uu ahaa sidii looga gudbikaro marxalada adag iyadoo howlaha ay u socdaan sidii loogu talagalay.

Shariif Sheekh oo ugu horeyn la hadlay warbaahinta ayaa xusay in kulankooda uu ahaa sidii ay uga wada xaajoon lahaayeen in wax waliba ay ku dhamaadaan sidii loogu talagay maadaamada wadanka haatan uu ku jiro marxalada kala guur ah.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay xildhibaanada in ay door muhiim ah ka qaataan doorashada dhaceyso 10ka bishan taas oo ku aadan maalinta Isniinta laguna dooranayo Madaxweyne cusub oo uu yeesho dalka.

Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sidoo kale la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in kulankii uu la qaatay Madaxweyne Shariif ay kaga arinsanayeen xaalada dalka maadaama haatan lagu jiro marxalad kala guur ah ayna isla afgarteen in howsha loo wado sida ay haatan u socoto.

Sidoo kale afhayeenka baarlamanka ayaa qeexay in shaqada baarlamanka aan loo hakin doonin xildhibaanada ka maqan ee aan weli la soo gudbin isagoona ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gudbiyo.

Kulanka ay wada qaateen Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamanka Dowladda Federaalka ayaa qeyb ka ah dadaalada ay madaxda dalka ugu jiraan sidii ay u dar dar gelin laheyd howlaha adage ee looga baxayo Kumeel gaarnimadii loona gudbayo Dowladda aan KMG ah waxaana haatan magaalada madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ka socdo u diyaar garoow loogu jiro doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.



Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)