Somali News
    Hees  

Dibadbaxyo lagu taageerayo Musharixiinta Shariif Sh. Axmed iyo Farmaajo oo saakay Muqdisho ka socda

Mogadishu Axad 9 September 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dibadbaxyo lagu taageerayo Musharixiinta Shariif Sh. Axmed iyo Farmaajo oo saakay Muqdisho ka socda

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa saakay aad u kacsan, waxaana waddooyinka waaweyn saakay isugu soo baxay kumanaan dadweyne ah, kuwaasi oo kala taageeraya in Madaxweynaha loo doorto Shariif Sh. Axmed ama Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), iyadoo ciidamada ammaankana ay si weyn u ilaalinayeen in bannaanbaxyadaasi ay isku rogaan fowdo iyo falal amniga dalka khatar kara.

Gawaari lagu soo xiray samaacado waaweyn isla markaana lagu dhejiyay sawirada Madaxweyne Shariif iyo qaar kale oo lagu dhejiyay sawirada Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Max'ed Farmaajo ayaa lagu arkayay wadooyinka magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadweynaha bannaanbaxyada dhigayay oo aanu su'aalo ka weydiinay sababta keentay inay bannaanbaxyo ku taageeraan qaar ka mid ah musharaxiinta u tartameysa jagada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u sheegay Shabakadaan in bannaanbaxyadooda ay culeys ku saarayaan Xildhibaanada Baarlamaanka inay soo doortaan musharaxa ay doonayaan.

Dhinaca kale dibadbaxyadaan ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho maalmahaan ay harqiyeen boorar la suray waddo kasta iyo luuq kasta oo ku yaala Muqdisho ayna ku sawiran yihiin musharaxiin fara badan oo ay ugu horeeyaan Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Ra'iisal Wasaaraha xukuumadda KMG ah Prof. C/Weli Maxamed Cali Gaas, Ra'iisal Wasaarihii hore Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo, Prof. Xasan Sheekh iyo kuwo kale oo fara badan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)