Somali News
 

Ogeysiis: Baarliin Cadaawe, Galabta sabtida waxaan Västrås ku qabaneynaa kulan...

Ogeysiis: Baarliin Cadaawe, Galabta sabtida waxaan Västrås ku qabaneynaa kulan lagu dhiiri galinaya ciidanka xooga dalka laguna caawin doono...

Dhamaan umada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden gaar ahaan magaalada Västrås iyo nawaaxigeeda waxaa lagu wargalinaaa in galabka sabtida uu jiri doono kulan aad u balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen haweenka magaalada Västrås kaas oo ujeedadiisa tahay taageerada ciiamada xooga dalka ee habeen iyo maalin u taagan difaacida qaranimadeena .

Ogow hadii aadan ciidan laheyn dal jiro maahid, sidaasi daraadeed, hadii aad tahay muwaadin Soomaaliyeed isla markaana dareemi karo qiimaha ciidanka xooga dalka noo leeyahay fadlan ka soo qeybgal kulan lagu caawinayo ciidamada xoga dalka Soomaaliya gaar ahaan, daryeelka qoysaskooda, iyo dhaawacyadooda.

Kulankan waxaa sidoo kale lagu dhageysna doonaa socdaal ay dhawaan ku tagtay magaalada Muqdisho marwo Baarliin Cadaawe.

HADABA GOOBTU WAA Liegatan 7 Västrås
FAAHFAAHIN INTAAS DHEER LA XIRIIR
0704545783