|
Dabarka maskaxda
11 May 2009 SMC
Afeef
Qoraalkani wuxuu hordhac u yahay dood haddii ay maskaxdu idanto lagu dhaqaajin doono qof kasta oo garan la’ meesha dadka soomaaliyeed ay kaga xiran yihiin xargaha adag, oo cid dhab ahaan u abbaarta la waayey. Siyaasad, ismoodsiis iyo kutirikuteen ayeeyooyin laga soo dhegadhegeeyey midna u cuskan mayo qoraalkan ceelalyada ah oo uu hadafkiisu yahay in dadka maskaxdooda rumaysani ay garasho murtiyeed iyo aqoontii dadyowga wax maskexeeya maskaxdooda laga helay ugu riyaaqaan ama kaga doodaan la ahaanshohooda. Qofkii in uu qoraalkan dood barbardhigo ay maskaxdiisu idanto ama isagu qofnimadiisa ula falgala ee aan in uu ereyo ka yiraaho ku tashan waxaa afeef ah in uusan la soo boodin dabar madaxda lagaga xiray oo caag ah oo aan sal ku lahayn maskaxdiisa iyo maskixii dadka oo hortiis inta la isku shiilay iskula baxday magaca ”aqoon”. Dood iyo dabuub ka dhar la’ maskaxda dadka waxaa lagu soo jirey xilli dheer, carruurtii ay dhaleenna waxay noqotay nin iyo naag wada qayila iyo naag guri ku qufulan iyo ninkeedii oo isqarxinaya.
Mudnaanta maskaxda
Duddumooyinku waa ciid iyo dhoobo uu aboorku habeenkii dhiso oo maskaxda iyo qalabka ay adeegsataa ay og yihiin, balse wax aan aboorka iyo ciidda cas ama gaduudan oo uu candhuuftiisa ku dhisay ahayn baa laga sheegaa. In gabbalku goortii uu dhaco ay jinniyo duddumo kasta ku soo qamaamaan oo goor habeen ah qofkii duddumo u dhawaadaa uu halis u yahay in uu jirrado ayaa faaftay.
Dareenka aad aboor iyo ciid uu candhuuf ku dhistay ka haysatey oo maskaxdaadu ay kuugu deeqday iyo jinniyada laga banka’abuuray waxaa markii aad yarayd kula weynaa baqdinta aad habeenkii duddumo kasta ka fogaanaysey adiga oo Rabbi iyo shiikh Cabduqaaddir-Jiilaani ka magan gelaya wax aysan maskaxdaadu ogayn oo laguu sheegay!
Waayaha dadka intii aysan maskaxdu barakoobin oo aan runta la isula degin waxyaalo badan oo aan garashada iyo caqliga raad ku lahayn baa la isla dhexqaaday oo dadka kala weynaa in ay maskaxda maamuusaan. Fiidkii carruurtu waxa ay ku cayaaraan duddumooyinka iyaga oo laga sugayo in ay xoolaha kala xereeyaan ama ay laftoodu soo hoydaan. Si carruurta loo xukumo ayuu qof beenlow ahi goor xilliyada ka mid ah ku andacoodey in ay duddumooyinka jinniyo ku meerayaan marka ay qorraxdu dhacdo. Qofkaas dadka oo dhan uu hadal uu iska yiri saameeyey in uu maskax furnaa ama cid qarsooni ay u waxyootey maxaa caddayn kara oo maskaxda laga helayaa? Ma dadka in uu inta maskaxdooda ka jeediyey baqdin geliyey keli ah buu ku mahadsan yahay oo uu maandheere ku yahay? Haddii uu ku dari lahaa ”Qofkii duddumo u dhawaada habeen waa in uu foorarsadaa si ay jinniyadu uga haraan” waxaa la malayn karaa in dad badan oo foorfoorara fiid kasta la arki lahaa. Wuu ogaa in uu been sheegay oo uu carruurta bajinayey si uu awooddiisa xukun ugu baahiyo carruuraha, laakiin dadkii uu maskaxda ka dabray run bay weli u haystaan hadalkii afkiisa soo yeeray, wayna badan yihiin oo haddii dad badan oo maskaxda laga xiray ay ciid uu aboor dhisay oo aysan waxba ka ag muuqan ka baqeen tiradooda waxaa naafeeyey in ay madaxda nin dhintay uga dabran yihiin. Midkaas dadka maskaxda ka jeediyey laftiisu maskaxda ayuu ka dabranaa, maxaa yeelay kutirikuteen midda afkiisa ka fidday ka weyn oo dunida dadyowga jooga oo dhan maskaxda ka jeedisey buu jeebka ku sitey, oo wuxuu rumaysnaa in uu jin jiro. Jiritaanka jinka waxaa laga yaabaa in ay uga sii weynaayeen awoodo kale oo aysan maskaxdiisu ogayn oo madaxa kaga dabranaa, oo ka fadqalalleeyey in ay maskaxdiisu dadkiisa iyo degaankooda miro run ah ka soo saarto intii uu baqdin iyo rajo loo soo allifey oo maskaxda ka fog ku meehannaabi lahaa.
Qofka aan madaxa ka dabranayni marka uu duddumo ka fakaro wuxuu hawlgekiyey maskaxdiisa sarraysa oo run u ogaysiin karta wax uu ku qanco. Duddumooyinka qaar uu halaq (mas, jilbis, abeeso, qallajis iwm) galaan ayaa jira oo qofku kuwaas marka uu ka fakaro waxaa sii kobcaysa maskaxdiisa oo halista halaqa oo uu garan karo ayuu aragti maangal ah ka qaadanayaa, wuxuuna ka shaqayn karaa degaanka la joogo sidii inta la garto loogu dhaqnaan lahaa iyo in dadka maskaxdooda runta lagu soo dabbaalo, iyo weliba in halaqa waabaayadiisa dawo looga baaro degaanka, dadka maskaxdoodana duddumada iyo dawada dhexdooda aan been iyo male’awaal looga sheegin.
Runtaas ay labo maskaxood oo aan isyeelyeelayn ama aan la khatalini isku raaci karaan waxaa qofka maskaxda laga marin habaabiyey kala weyn arrimaha duddumooyinka iyo jinka ka dhexeeya. Jinku maskaxda dadka boos uu ka galo oo run ah kuma laha. Waa la sheegay! Sidee loo sheegay? Hadal baa lagu sheegay ee si kale looma sheegin! Hadal muxuu yahay? Dadka ayaa maskaxda ka hadla ee cid kale oo hadashay weli maskaxdaadu run ahaantii lama ay kulmin haddii aadan baqin ee aad karti u leedahay in aad madaxaaga xushmaysid. Qof kasta oo kale hal maskax oo middaada la mid ah buu hadalka ka soo saaraa. Haddaba maskaxdii aad duddumada iyo halaqa ku garatay muxuu yahay hadalka kale oo aysan garin karin oo lagu walaaqay? Waxa ku soo gaarey waa hadal, laakiin maxaa lagaga talo galaa jinka in uu meelaha ku dhuumaalaysanayo la sheegay oo wadnefugta iyo walaaca kugu abuuray? Duddumadii iyo halaqii hawl ka weyn baa kuu taal, oo waa in aad illowdaa, maxaa yeelay awood dadka ka dhuumata oo laga baqo ayaa la sheegay oo hadal lagu sheegay. Qof jinka ku takhasusay waa in la raadiyaa. Waxaa la helay mid cimaamad huwan oo awoodaha dhuumaalaysta in uu dadka ku bajiyo oo ay maskaxda ka jeestaan keli ah shaqo ka dhigtay. “Salaama calaykum”. “Calaykuka salaam”. Wax duddumo, halaq iyo dawo ahi maskaxdaada way ka maran yihiin oo maskaxi dhimatay, wajigaagana baqdinta, naxdinta iyo khushuuca ka muuqdaa kuuma oggolaan karaan in aad dadka maskaxdooda iyo degaanka ka fakartid oo meel kasta jinniyo ayaa ka iman kara. Khabiirkii jinku kuuma uu sheegin in uu laftiisu maskaxdiisa jin ka helay ee walwalkii buu kugu sii badiyey. Waxa uu kuu sheegay in duddumada iska daa ee laftaada ay jin iyo shaydaan kugu jiraan oo ay weliba maskaxda iyo wadnaha kuu fadhiyaan. Hadalkii aan maangalka ahayn oo argagaxa kugu soo ridey wuxuu “khabiirka la dagaallanka maskaxda dadku” ku sii daray in ay maskaxdaadu cadow tahay oo ay weliba adiga kugu tahay.
Arrintu markaas way cakiran tahay, waxaadna dhafoorrada la haysaa baqdin hadal la sheegay oo aan maskaxdaada gelin marka aad maskaxdaada run ka sheegtid ee aadan ka baqin. Gurigii baad ku soo laabatay adiga oo ay madnaha iyo maskaxda jin iyo shaydaan kuu fadhiyaan, maskaxdaaduna ay tahay cadowgaaga kowaad oo in aad iska ilaaliso lagaa rabo. Haye! Marka aad maskaxdaada iska ilaalinaysid ma maskax baad edeegsanaysaa mase wax kale? Maskaxda aad maskaxda isaga ilaalinaysid lafteeda miyaad iska sii ilaalinaysaa? Meeday maskaxdaadii horta? Imisa maskaxood baad leedahay? Ma waalatay? Maya ma aad waalan ee waxa aad dareemaysid magaciisa waxaa la yiraahdaa “Hanuun”. Jinniyada fadhiya waxaaba maskaxdaada uga daran in ay lafteedu isla dirirayso oo khabiirka maskaxda dadka dabarrada curyaamiya loogu dhiibey dhanna in ay maskaxdu u dhaqaaqdo ma uu jecla. Gurigaaga duddumadii u dhaweyd intii aad khabiirka curyaaminta maskaxda ku maqnayd waxaa yimid dad dubbeyaal iyo sabarado sita. Inta ay duddumadii burburiyeen bay wixii halaq hulalkeeda jiifey ka soo saareen oo gacmaha ku qaateen. Khabiirkii ma ku laabataa oo ma u sheegtaa masalada cusub? Maya iska fariiso waad hanuunsan tahaye.
Maskaxda iyo hadalka
In duddumada iyo haqa uu jinku kaala weynaado oo waxa aad og tahay ama aad ogaan kartid inta aad tuurtid aad cillane maskaxdaada iyo qalabkeeda ka dhuumaalaysta ka baqdid, ka dibna aad maskaxdaada ka aamminbaxid maxaa keenay? Waxa oo dhammi marka duddumada iyo halaqa laga reebo uma haysid wax ka baxsan hadal ay dad is yiraahdeen oo la isla gaadayo, adiguna xaaladda ugu liidata oo aad ahaan kartaa waa in aad maskaxkaada iyo qalabkeeda ka xilatid oo garashadaada uu hadal aadan garani dabar ku noqdo. Hadalkii aadan garan mugdiga ku jira meel aan maskax ahayn oo aad ka sii goobi kartaa ma ay jirto. Maskaxdaadu haddii aysan garan maxaad u baqaysaa? Markii aad ifka timid maskax baad la timid, wax lagugu saameeyeyna waxaa ugu khatal badan hadal, sababtuna waa in uu yahay wax aan muuqan oo wax aad garan kartid iyo wax aadan garan karin, wax sugan iyo wax silloonba laguugu xardhi karo.
Dadku baadigoob bay ku jiraan, weligoodna ku jireen. Baadidu in ay gurigaaga kaaga dhex lunto waxaa dareenkaaga uga daran in ay magaalada kaaga lunto. Sababtu waa in ay dadku wax ka fog jecel yihiin in ay u hanqaltaagaan, waana midda keentay in aad halaqa ka baqdid in ay aad uga weyn tahay in jinniyo laguu abaabulo si laguu yeesho adiga oo maskaxdaada ka furtay. Haddii qorraxda lagaala hadlo waxaa miiska kuu saaran maskaxdaada oo aamminaaddeeda in hadal maran lagaaga waardiyeeyo ay ujeeddada dadka maskaxda curyaamiyaa weligeed ahayd, adigana waxaaba la og yahay in ay abuurtaadu tahay in aad waxa fog ama dhuunta u hanqaltaadtid. Marka aad jinka qarsoon ka baqaysid ama rajaynaysid waxaa la og yahay in lagaa fogeeyey in ay maskaxdaadu nuuxnuuxsato, oo lagu xiray awood aysan suurtaggal ahayn in ay garato. Maskaxdaada jeebabkeeda markaas in la baartaa ma cusla kol haddii aad curyaan tahay. Maskaxdaadii baadigoobka u abuurnayd waxaa laga diley qalabkii ay awoodda u lahayd, waxaana lagu dabray hadal aysan garan oo in lagu maamusho keli ah loo abaabuley. Waxaa lagaaga faa’iideystey in aad jeceshay meel fog in aad gaartid, meel fogna ma aad gaarin ee adiga oo maskaxdaada iyo wax aysan aqoon ka baqaya ayaad u yuururtaa hadal dad laga soo dheegtey oo garashada sarcaadinaya.
Hadal lagugu yiraahdo waxaa kuugu gacalsan “Maskaxdaada aammin oo yaan lagaa khatalin”. Adiga in lagugu xiro adiga ayaa kaaga roon in adiga lagugu xiro wax aysan maskaxdaadu ogaan karin oo uu hadal qablamaya oo lagugu bajinayaa sido. Dadku weligood way hadlayeen, wayna hadli doodaan. Hadal waxaa ugu liita midkii laguu xanbaariyo inta lagaaga dhigo in aysan maskaxdaadu waxba oogaan karin oo ay cadowgaaga tahay. Waxa ugu weyn oo adiga, dadkaaga iyo degaankooda miro u yeeli karaa waa maskaxdaada haddii aad maskaxdaada halaqa kaga fakartid intii jin dhuumaalaysta lagugu bajin lahaa. Maskaxdaadu shisheeye kaama aha, cadowna kuguma aha ee waxaa cadow iyo shisheeye ah ciddii wax aysan ogaan karin hadal ku maleegta oo dadka inta madaxa ka dabarta gawaan hojisa. Hadal nuxur sidaa maskaxdaada ayuu galaa ee dadka qaar kuma tilmaamo raadiye ay wax dhuumaalaystaa dadka ugu tebiyaan hadal aan maangal ahayn, qaarna kama dhigo tanagyo maran oo madaxooda iyo degaankooduba ay xaaluf ka yihiin raad dadnimo.
Baqdinta iyo maskaxda
Dareenka ugu liita oo la dareemaa waa in la baqo. Dadku marka ay baqayaan ama argagaxaan ma fakaraan, geeluna marka uu libaax cidiis maqlo ma uu godlado. Baqdinta labo waxyaalood oo xunxun baa ku xeeran. In ay dareenka iyo maskaxda qofnimo dhaawacdo waxaa labaysa in waxa laga baqaa ay waxa ka baqaya u xun yihiin oo haddii ay u fiican yihiin aan laga baqeen. “Wax wanaagsan ka baq!” waa aragti isburisaysa xagga maskaxda. Qofku in uu maskaxdiisa ka baqo oo waxa ku soo dhaca iyo waxa ay ogaan karto uu wax aysan garan karin ka dugsado ama uu u dulloobo hadal marani ma aha in uu maskaxda ka baqayo ee waxaa laga lumiyey kalsoonida ugu weyn ee dadku ay miro ku yeeshaan oo ah in maskaxda iyo ogaanteeda waxa aan ahayn oo dhan ay ka madaxbannaanaadaan, si marka hore qof jira aan dabranayn loo helo, ka dibna dad jira loo helo. Qofka oo ismoodsiis aan madaxiisa gelin lagu fadqalalleeyey baa marka la rabshay ka dib madaxiisa oo weel aabburan ah waxa uu ku jirayaa xaalad baqdin iyo hubid la’aan uu nafta ku sasabo wax aan maskaxdiisa u caddayn. Dadka sidaas ay isla yihiin jeer maskaxdooda loo soo celiyo waxa ay ku jirayaan in fakarkooda iyo degaankooduba uu xaaluf ahaado. Waxa ay dhulka iyo maskaxda oo aan miro lahayn u hiloobayaan qofkii ismoodsiiska ay qabatimeen madaxa kaga sii dabra jeer iyaga iyo maskaxdooda la isu soo celiyo, oo baqdinta iyo habbisada inta laga dulqaado ay u soo laabtaan maskaxdooda.
Waxyaalaha maskaxda miriheeda xayira oo hungada ismoodsiiska ah in la dugsado ama loo hiloobo ama baqdin loogu dulloobo xoojiya waxaa ka mid ah in aysan dadku fursad u helin wax maskaxdooda bacrimiya oo u soo celiya ee ay xilli dheer wadar ahaan maskaxda uga durugsanaayeen oo baaqa keli ah oo ay isku gartaan uu ahaa shamaagaha madaxa kaga duuban, oo ay indho caag ah cirka ku eegayeen ee aysan maskax furan isdhaafsaneyn si madaxdooda iyo dhulkaba uu raad dadnimo uga muuqdo. Dhulka in ay dadku lugeeyaan miro kagama dhaliyaan ee miraha ugu horreeyaa waa in uu qof kastaa maskaxdiisa kalsooni siiyo oo uu ogaanteeda keli ah ku martigeliyo, maskaxsarcaadkana uu iska tuuro. Maskaxda dadka oo wax ka weyni aysan dhulka ka jirin haddii laga cararo runta ayaa iskeed dadka fakar yaridooda iyo dhulka foolxumidiisa isu muujinaysa, waayo runtu eex ma taqaan oo haddii aynu madaxeenna dabarno waxay inoo gumaynaysaa kuwo maskaxdooda xaq ku caabuda, oo aan inala isir iyo oogo ahayn.
Dhibaatooyinka degaannada ay dadku joogaan ka dhacay intii aysan maskaxda dadku aad u barakoobin waxaa loo samaysan jirey waxyaalo aan maskaxda ka muuqan oo sharka laga magangalo ama si aysan dadku isu dhibin lagu kala mashquuliyo ama ay qolo danley ahi xukun ku gaaraan, waayo waxaa maqnayd in ay maskaxdu dhalin karto miro ka hodansan in iyada la tuuro oo la dugsado ama la dareensado ismoodsiis iyo male’awaal. Marka hore ismoodsiiska aysan maskaxdu garan ee baqdinta iyo curraafada cirka laga eego lagu geliyey sidii ay doonaan ama xilligii ay rabaanba madaxa ha lagaga xiro, ee sidii aynu mar soo ishaarnay maskax ka fogaanta markii lala qabsado lafteeda ayey dadku moodayaan wax uusan hadal ka noolayn oo in maskaxda lagu laabto waxa ay ka xigaan loollan ay kaga biyodiidayaan maskaxdooda sidii carruur dawo kharaar lagu dirqinayo, waayo baydadidda iyo moogaanta ay maskaxda iyo iyagu kala abaadeen iyo hummaagga ay waxa aan la garan karin oo lagu dabray weyneysteen bay mahadinayaan. Xerada ay xoolo xilli dheer galaan mid ka cusub haddii agteeda looga oodo laguma soo askooli karo habeennada hore oo middii ay xalay galeen oo hiisha iyo qaniinka dartooda looga wareejiyey bay ku yaacayaan jeer dadaal iyo karti lagu baro xerada hufan. Xagga xormimada xoolaha la leeyahay iyo dadka ay dad yeeshaan waxaa u dhow xoolaha. Qofku wuu ka daran yahay la qabsiga xoolaha oo haddii uu xilli wax ku jiro maskaxdiisa in la baro oo uu aammino si uu garashadeeda runta ugu koobaa dadaal iyo jahaad jidka maskaxda loo dhibtoodo ama loo dhinto ayey maskaxdeennu ina faraysaa.
Baqdintaas aynu in maskaxda iyo dadka la kala dhex dhigay tibaaxnay oo ay ciribdanbeeddeeda runtu iyada oo aan eexan degaanka iyo fakarka dadka ka muuqatay waxaa ka sii gurracan in ay dadku kala baqaan oo aragtida liidata looga gabbado in ay dadka maskaxda ka dabrani weyraxaan oo ay dhibi aloosanto haddii aynu maskaxda xargaha ismoodsiiska in aynu ka furno ku dhiirranno. Ereyadan danbe kuma jeedaan mawjadda aan fakarayn oo maskaxdooda ka didsan ama moog oo baqdintii hore ay xabsidaa’inka ku xukuntay oo hawada maran ku darxumoonaya, ee waxaan u gollee yahay in dadka og in xaalufka xigtada soomaalida hayaa uu xagga fakarka yahay, kuwaas oo aan yarayn tiro ahaan, tayo ahaanna leh garashadii iyo aqoontii ay xushmadda maskaxda ku ogaadeen oo inta qorraxda hoganaysa ay kaga soocmeen.
Si kale ayeynu u soo taabannay in qofka iyo maskaxdiisa oo isugu dhow ay dadka maskaxda curyaamiyaa weligood xargo ku kala xirayeen si ay dadku wadar ahaan u noqdaan hadal maran iyo jirar lugaynaya oo aan wax miro ah degaanka iyo maskaxda ka keenayn. Waxaa taas garab taal in dadka maskaxdoodu iska furanto hawl yaraan in la sugaa kama duwana in kuwa madaxa ka dabran kun sano oo kale la sii coonsado oo ay maskaxdu maqnaato. Ujeeddada ah in ay dadku isbeddelaan si aysan dad maskaxdooda caabudaa weligood dusha uga sii gumeyn, oo ay qolo kastaa maskaxda ku cadgoosataa ma aha ujeeddo habeen iyo maalin ama hurdo iyo halaasi lagu salgaari karo ee waxay tebaysaa doodo iyo warmo bannaanka yaal oo dadka hadalka maran quraamaya iyo inta maskaxda ku kalsooni ay isla maraan xilli iyo xuurto aan kala gabbasho lahayn oo wax aan maskaxda iyo fakarka dadka ahayn oo dhan lagu duudsinayo, laguna dayrinayo.
Maskaxda iyo doodda
Sida ay dadka degaannada iyo nafleyda baaray sheegeen dadku malyan sano meelahaas ayuu noolaha kale oo dhan ka duwanaa, waana xilli dheer haddii aan loo eegin inta uu dhulku jirey iyo intii ay nololi ka jirtey badnideeda. Dadku hadalka heer sare ayey ka joogaan oo waa waxa ugu weyn oo ay ku kala baxaan, halka sida ugu liidata oo ay ku kala baxaan ay tahay gacankahadalka iyo handadaadda. Xayawaanku markii uu ismaandhaafo ilkaha, geesaha iyo ciddiyaha ayuu ku kala garbaxaa. Degaannada dadka maskaxda keligeed aamminey ay ku dhaqan yihiin ma badna in lagu arko labo qof oo la kala hayo oo isu farabaxsanaya ama dad iska le’anaya oo geeridooda aysan ujeeddo weyni ku duugneyn.
Dadku midab iyo qolo abuur ahaan uma kala garasho sarreeyaan ee sida maskaxda loogu dhaqmay iyo sida loo dabray baa waxaa kala duwey duruufo in maskaxda laga durko iyo in lagu durko keenay. Maskaxdu haddii aan wax cillan oo ismoodsiis ah lagu dawakhin ee ogaanteeda iyo aragtideeda xargaha looga furo oo lagu sii daayo awooddeedu heer aan la malayn karin bay gaarsiisan tahay. Hadalka oo aynu sheegnay in uu waxyaalaha ay dadku ku kala baxaan ugu weyn yahay milgadiisu hadba sida ay tahay waxaa meel mar ka dhiga sida ay dad kastaa maskaxda u qaddariyaan iyo sida ay xargo maskaxda ugaga xiran yihiin, waayo hadal maskaxaysan iyo hadal qaawani maskaxda isku si uma gaaraan. Dadyowga aan dhaqan u lahayn in ay fakaraan ee qabatimay in wax aan maskaxda ka iman lagu walaahoobo wada hadalkoodu waxa uu xigaa sida ay xayawaanku u garnaqsadaan. Xilli ka dheer intii la doodi lahaa bay si muran ah u doodaan, waxa uuna ismaandhaafkoodu ku salaysnaan karaa wax tun saguaro ka yar. Waxa uu qofka meel ay dadku maskaxda ka fog yihiin la qabsaday had iyo jeer lamahuraan ka dhigaa waxa uu isleeyahay oo madaxa kaga dabran, halka qofka meel maskaxda keli ah lagu hirto ka soo jeedaa mar kasta waxa ku cusub uu ka jecel yahay waxa madaxiisa hore ugu jirey, oo uusan dadka kula soo ordin waxa ku jira ee waxa iyaga ku jiraa ay mudnaan la leeyihiin. Doodda waxaa lagaga qayb galaa labo indhood, labo dhegood iyo hal af, waxa uuna qof aan fakarka caadaysani u badan yahay xagga afka oo uu wax yar oo lagu xiray ka daldalo. Dareenka dadka uu qofka aan maskaxda weheshani la doodayaa mudnaan ma laha ee waxa uu ciil ugu dhintaa sida xaqa uu weligiis haystey ay dadku isaga indhatirayaan! Waxa laga doodayo in uu ka hadlo iyo in uu qofka la doodaya shakhsi ahaan uga hadlaa uma kala soocna maaddaama uu la qabsaday in uusan qofku xushmad lahayn ee waxa uu haysto keli ahi ay biyokamadhibcaan yihiin oo qofka diiddani uu dulmi u soo qalabqaatay. Haddii uu maqlo qof leh “Qorraxdu in ay caddahay sidee lagu ogaadey mar haddii aan la eegi Karin?” waxaa isugu mid ah in yiraahdo “Ilqooreedda ayaa looga jeedaa” iyo in uu yiraahdo “Axmaq baad tahay ee mar danbe waxaas yaan lagaa maqal”. Aahey!
Qofka maskaxdiisu haddii aysan jirin ee hal xarig oo isku mid ahi uu dadka fakarka kaga xiran yahay dood maskaxeed ma jirto, qofna ma uu jiro, dadna ma ay jiraan, ee waxaa sharqamaya carrab aan dhaamin carrabka koorta. Hadal sidii loo rifayey lagu daaley oo haddii uu nuxur leeyahay dadka maskaxdooda iyo degaanka laga arki lahaa oo aan maskaxda la falgelayn ee la iska imaansanayo qofka janno adduun iyo murti lagu kala garbaxo maanta ka qodayaa ma uu doodin ee marka uu madaxiisa xarigga ka furo oo uu naxariista waasaca ah oo maskaxda dhex galo ayuu ogaan doonaa in uu cadaabul qabri ku jirey. Dadka doodaya ujeeddadoodu waa in ay garasho maskaxda lagu caddayn karo isdhaafsadaan ee in uu mid xarig madaxa kaga dabran oo waxa uu yahay laga soo korkallaabtay nuxur uusan lahayn oo aysan maskaxdu u qirin kula haliilaa waa in aan la doodin ee dib la isugu soo laabto markii maskaxda keligeed lagu wada kalsoonaado.
Maskaxda iyo kaladanbaynta
Ismoodsiisyada maskaxda lagaga dhuunto waxaa ka mid ah in kalsooni iyo dan laga raadiyo meel aan maskaxda dadka ahayn. Sidii aynu soo sheegnay dadku malyan sano ayuu jiraa ee la fil ma aha qowmiyadda israa’iiliyiinta oo xilligii boqortooyadii faraacinadu dhisantay ka dib wiilashooda midkii maalin xoolo ceel ka shubaba ku shaabbadayn jirey in uu nebi yahay. Nebinnimada ay qoladaasi xilligaas koobnaa caadaysteen oo degaannadii u dhawaa ka noqotay wax la isla dhex maro oo loola jeedey in awood cillani tolkaas aynu magacawnay iyo inta u degaan iyo dhalasho dhoweyd ay wiilashooda qaar ka mid ah sida idaacadaha kala hadli jirtey ma ahayn wax dadka madow iyo indhayarta gaarsiisnaa. Sooyaalka iyo degaannada wixii ka dhacay in been laga sheegaa waxa ay dadka wax akhriya ku noqonaysaa liidnimo iyo in maskaxda la dabro, oo caamada laga shidaal qaato.
Xilligii koobnaa oo uu dhaqdhaqaaqa nebennimadu ka jirey dhulka kooban iyo dadka gaarka ah waxa ay kacdoonnadaasi markii wakhtigoodii loo eego ee aan xilli kale lagula galgalan ahaayeen kacaanno taariikhi ah oo meel maray, oo aan lagu eedayn karin in ay qisooyinka ku jiraa meelo iyo dad isu dhow oo iska warhaya ku meeraysteen. Dadku sida xilligaan qaaradaha oo dhan la isaga warhayo isuguma furnayn, waxayna soomaalidu ku maahmaahdaa “Ninna madaxiisa kama boodo” oo qof kastaa waxa uu waayadaas ka qisoon karey dhulka ay wararka iyo socotadu isdhaafaan ama wixii meelaha dhowdhow laga soo qoray ay xaafadaha yaallaan.
Qofka mawow oo tebaya in uusan kacdoon nebinnimo xilligaas ka aloosmin degaanka dadka madowi waxa uu ka boodsan yahay in dadku qaarad kasta oo ay joogeen qolaba ay duruufo soo mareen, oo wax laga sinnaa aysan jirin, oo aan xataa la iska warqabin. Teeda kale boqortooyadii faraacinada dad madow baa samaystay, waxayna jirtey 5000 iyo xoogaa sannadood, oo lama oran karo maxay boqortooyadaas oo kale uga abuurmi weydey Amerika? Wax kasta oo degaan iyo dad gooni ah ka jirey sababta ay uga jireen iyo haddii ay meelo kale ku sii fideen duruufaha fidiyey qofka madow baa laga rabaa in uu maskax furan ku baaro ee uusan hadal gaar ah maskaxda ku dabrin, ka bidna bumbo isku qarxin. Kala duwanaanta degaannada iyo dadyowga oo xagga taariikhda ahi ma aha wax lala yaabo, waxaa kale oo aan la is oran karin sababta afka ingiriiska oo meel yar lagaga hadli jirey uu maanta dhulka u saabtay in uu afkaasi yahay wax samada ka soo degey oo la doortay. Ma aha ee duruufo halgan dad ah bay wax kastaa ku fideen ee awood korkeenna ku dhuumaalaysataa cid ay xoojisey ma ay jirto, in aad halgami kartidna waxaa kuugu dhow in aad maskaxdaada aammintid, ee qisooyin qolyo kale oo ay dhexdooda waayo halgamo ka dheceen iyo dhaqankood aan adiga oo moog lagugu dabrin
In maskaxda dadka madow laga dhawro in xargo lagu xirxiro, oo siiba xigtada soomaalida maskaxdooda la aamminsiiyo waxaa ku jira nuxur weyn oo doqonmagaratay ah. Xeer guud oo qoran oo soomaalida ka dhexeeyaa waagii hore ma uu jirin, intii afka la qorayna si fiican maskax furan loogagama doodin sidii caqli loogu kala danbayn lahaa. Taasi waxay keentay in gobollada qaarkood in ay go’aan damceen iyaga oo sabab uga dhigay in xeer la isku aammini karaa uusan dadka ka dhexayn. Lama beenin karo in aan weli xeer maskax ku salaysan oo dadka iyo xilliga la fil ah la samayn.
Sidii aynu soo dul marnay maskaxda waxaa lagu daaliyey xargo aan duruufeheenna iyo xilligeenna ku caynsanayn, oo maskaxda ayaan sal muggi u fadhiyin. Jeer maskaxda la madaxbanneeyo oo la kobciyo kaladanbayn iyo in uu asaaggeen inaga gabbado oo uusan ina raran lama sugi karo. Kaladanbayn lama heli karo jeer maskax la helo, oo ay in maskax la helo dad badani u dhididaan ama dhintaan intii ay ismoodsiis iyo fardo jin dib ugu guuri lahaayeen.
Maskaxda iyo hal-abuurka
Dadkaaga in canaan iyo saluugmo keli ah lala dul joogo waxaa ka fiican in marmar madax salaax iyo bogaadin lagu maamuuso. Socodkii badnaa oo xoolaha nool lala daba joogey waxa uu dhinac ka ahaa wanaag, oo waxa uu suurtageliyey in ay dadkeennu isku af ahaadaan. In la kala xirnaado oo aan la guurguurini waxa ay ina geyeysiin lahayd in aan la is afgaran. 100 geel ah in ay ninka magtiisu tahay waxay carabta Xijaas degtaa ku dhaqmayeen xilli 2000 oo sano ka hor ahaa, laakiin muddaas fog oo ay carabtu xeerkaas degsatey inta ay dadkeenna magtoodu ahayd lama oga, taasina ma aha in aynaan dad soojireen ah ahayn ee sida loo dhaqnaa baan xog weyn laga hayn, maaddaama ay fakarka iyo qoraalku xayirnaayeen. Waxaan uga jeedaa in ay dadyowga dhalashada ku kala fogi dhaqanka iyo xeerarka kala amaahan karaan, laakiin dadka isku dadka ah sida soomaalida iyo oromada waxyaalaha ka dheexeeyaa duulduul ma aha ee xididdo afka iyo dhaqanka ah baa u aasan. Sidaas darteed soomaalidu keligood isuma socon jirin ee wax uun baa lagu saameeyey.
Sokeeyaha deriska ahaa iyo socotada doolka ahayd oo uu raadkoodii soomaalida ku yaallaa xagga hal-abuurka soomaalida saamayn kuma ay yeelan, maxaa yeelay hodantinnimo weyn oo aan in magan loo noqdo mooyi ee magan noqon karin oo xagga maansada ah bay dadkeennu gaareen, afkuna xagga degaanka iyo xoolaha miro aad baxay buu ka bixiyey.
Afkuba miro badan ha lahaado ee inta uu dadka fakarkoodu joogo ayuu aftahankuna la joogey oo lama hayo aftahmo dadka doorisey oo lagu mahadiyo in ay dadka maskaxdooda furtay, ee qofka maansoodaa meesha ay dadku taagan yihiin buu la istaagey. Taas waxaan u aanaynayaa in ay maansadu loollan ahayd, loollankuna uusan fakar ku dhisnayn ee uu hayb ku qotomey. Qabiilku xagga fakarka maskaxda macquul ma aha, waxayna taasi keeni kartaa in aysan maansadeennu macquul noqon si kasta oo ay af ahaan u qurux badan tahay. Haddii ay geyiga xasillooniyi ka jiri lahayd oo ay qofka maansooda ka degi lahaayeen xummadda iyo xanafta qabyaaladdu waxa uu malaha ku riyoon kari lahaa dood kale oo dadka irid aan la ogayn u furta, laakiin inta ay qoloqoladu jirtey waxaa maansooleyda jidbixiye u ahaa reeraha ee iyagu waxay daboolayeen in sida ay dadku yihiin iyo dhacdhooyinka lagu xadeeyo maansada. Sidaas daraaddeed maskaxdu tillaabsan mayn oo waa la isku huursanaa.
Dhawrkii kun ee sano oo ay kacdoonnada nebinnimadu ka aloosnaayeen israa’iiliyiinta iyo qolyaha la isirka ah dhexdooda waxa uu nebi markii uu arrin soo gudbiyo ku magacaabi jirey “Kitaab” iyada oo aan la qorin oo laga yaabo in xilli ka dib ay dadka kale kitaab ka dhigaan oo ay isku dubbaridaan. Waxa ay ahayd sarbeeb looga jeedi jirey in wax la qoro ee aan afka la isaga sheegsheegin hadalkii miiggan oo markaas cusub. In wax la sheegay ama qoran dusha laga xafidaa ma aha aqoon iyo maskax furnaan ee waa qawsaarnimo oo maskaxda siyaalaha ay wax u galaan waxaa ugu liidata xafidaadda. Sidaas oo ay tahay maansada soomaalidu way ku liibaantey in uu qaarkeed xagga qoraalka ku soo cidgalay dad madaxa ku hayey.
Hore waxa aynu u taataabannay in maskaxda xargaha laga furo mooyi ee in ay wax kasta oo degaanka iyo aragtida dadka ahi iska tabaalaysnaan doonaan. Sarbeebtii nebiyada oo ahayd in hadalkii isku dubbaridan kitaab loo rogo si loo akhristaa waxay dadkeenna u noqon kartaa tusaale ay waxa ay soo hal-abuureen qoraal isugu geeyaan iyo in haddii ay maskaxdu furanto oo wax dadka sida ay yihiin ka beddelaya la curiyo uu qofka ku riyooday qoraal ka dhigo ee uusan makhaayad la fariisan, iyo weliba in ay qoraalladu noqdaan miinshaaraha dadka lagaga jaro xargaha madaxa kaga xiran, dabadeedna isdhalanrog kasta oo uu xilligu u baahdo uu hal-abuurku fakar daarranaado, ee aan loo hagan sidii hore oo ay maskaxdu eedday.
Maskaxda iyo dhaqanka
“Dhaqan”! Maxay buu yahay? Si gaar ah oo weligeed loo dhaqmo ama loo dhaqnaado ma aha. Had iyo jeer xilligu waa lamahuraan in aad damiirka ku haysid haddii aad dhaqan ka hadlaysid. Boqol sano hortood sidii uu abkowgaa dharka u xiran jirey, cuntada u cuni jirey, dumarka ula haasaawi jirey, timaha u jaran jirey, una doodi jirey in aadan midna ka haysan waxa keenay waa xilliga aad kala joogteen ee ma aha in ay wax cirka ku dhuumaalaystaa madaxa hadal kaaga soo dejiyeen oo aad doorsoontay.
Haddii aynu isla oggol nahay in uu xilligu kolleyba dhaqanka xuubsiibo oo aan la hurayn in uu dhaqanku muddaba si u dhalanrogmado waxaa haddii ay maskaxdu furanto dadka fakara la gudboon in saamayn maskax iyo saadaalini ay ku dhafan yihiin lala kor joogo hannaanka uu dhaqanka bulshadeennu hadba u muuqanayo. Dad kastaa waxa ay degaan dhul cimilo gooni ah, dhir gaar ah iyo waxyaalo badani ay ka duwaan meelaha kale. Marka degaankeenna la joogo in jaakad culus la xirtaa dhaqan inooma noqon karto haddii aan caddaanka si indho la’aan ah loogu dayanayn, isla markaas in sida saxara carabta dadka ku dhaqan cimaamad la huwadaa waxay noqonaysaa in dhaqanka iyo dabeecadda degaanka la afduubayo.
Dhaqanku wax taagan ma aha sidii aynu sheegnay ee fac kastaa dhaqankiisa iyo hab fakarkiisa ayuu wataa, waxaase jiri kara in wax iska hidde ahi ay weligood iska jiitamaan. In dawo dhacday la cuno oo dad hore arrimo ay noloshooda ku soo meel mariyeen xaq aan ka hadal lahayn dadka looga dhigo oo maskaxda dadka oo marba heer joogta la qarqarsiyo in badan baan cirib xumada ka dhalan karta soo tilmaamay.
Dhaqan xumooyinka in dhaqanka laga saaro si ay haybadda iyo dadnimadu maskaxda ula koraan waa wax biyokamadhibcaan ah. Dad badan in cunto saxan ama xeero weyn loogu guro oo ay dhammaantood faraha ku wada cunaan waa anshax darro iyo dhaqan xumo. In hore loo samayn jirey caddayn uma aha in ay fiican tahay, waayo maskaxda furani way dareemi kartaa in faro uu qof harjabsan ama qaaxo qabaa afka geliyey uu waxa aad cunaysid ku walaaqaa ay tahay yaqyaqsi iyo jirro la faafinayo. Waxaa kale oo anshax darro ah in buraashad ama weyso uu qofku ku istijoodey uu biyaha ku haray cabbo. Dadkii Sacuudiga u shaqo tegey qaar baa waxay soo laabteen iyaga oo biyaha saxan ama baaquli inta ay ku shubtaan oo gacanta darsadaan ku sandaarsada oo ku waji dhaqda. Dhaqannadu way isi saamayn karaan, laakiin in duuf wajiga la marsado in Afrika lagu soo kordhiyaa ma habboona. Waxaa kale oo xishood darro ah in rumay inta jeebka lagu qaato dadka hortooda lagu cadaydo oo saxarro wajiga iyo dharka lagaga tufo. Waa halka aan leeyahay isdhalanrogga dhaqanka waxaa lama huraanka ah in ay maskaxi ka sarrayso.
Gunaanad
Keligaa in aad dhalatay waad og tahay. Waxa aad tahay boqorka dhulka oo uusan boqor ka weyni dhulka joogin. Wax kasta oo aad dhulka saamayn aan baxaalligiisa iyo abuurtiisa ahayn ku aragtay dad kula mid ah baa qabtay. Hadal walba oo aad maqashay ama aad akhrisay qof baa laga maqlay ama qoray. Maskaxdaada iyo qalabkeedu hadallada dadku yaysan imaansi aysan garan isaga hoggaansamin. Hoggaansanku waa dabciga xoolaha, garashada sarena waa dabcigaaga. Hadal aadan garan haddii aad iimaansatid boqortooyadaadii baa la afgebiyey. Adiga oo madaxaaga rumaysan oo maskaxda aamminsan haddii aad geeriyootid waxa aad tahay boqor nool oo inta ay nololi jirto nool oo nool. Adiga oo dabran haddii aad dhimatid waxa aad tahay rati bakhtiyey. Awrta waad kala maskax duwan tihiin oo haddii maskaxda lagaa dabro ama lagaa hoggaansado boqornimadaadii dad baa u kaxaystay sida awrta loo kaxaysto. Weligaa heli maysid wax maskaxdaada kaaga roon oo kaaga dhow. Waxa ay maskaxdaadu og tahay baa kaaga roon wax aysan ogaan karin. Dad, degaan iyo maskax baad leedahay oo aad boqor u tahay. Dadkaaga iyo duunayadaada cid u turaysaa ma jirto haddii aan maskaxdaada looga gabban. Awood adiga kaa dhuumaalaysataa adiga cadow kaama celiso ee maskaxdaada kugu rakiban baa ku difaaci karta haddii aysan xirxinayn ee ay awooddeeda bogato. Miinshaaraha maskaxdaada ku jira kuma soofayn kartid ismoodsiis aysan maskaxdaadu ogayn iyo in awoodo adiga kaa dhuumaalaysta lagugu dabro. Qashinqub in aad maskaxdaada ka dhigtid way ka sharaf weyn tahay, oo waa boqortooyo aysan boqortooyo ka sarrayn. In xargo jinniyo dhuumaalaysta loogu gungunto uma ay qalanto maskaxdaadu. Cid ha baqin ee maskaxdaada aammin oo soofee. Ku soo soofee wax ay ogaan karto oo ay hubtin karto si ay u qabato hawl la ogaan karo oo laga hubo muqaalka degaanka iyo maskaxda dadka.
Shaafici Xassan Maxamed
Dhalaandhuux@hotmail.com
Somaliweyn Media Center “SMC”
| Arabic News
شيخ شريف ينفي طلب قوات إفريقية إضافية من السودان
(Read
more) 24-Mar-
2009
السفن الحربية الروسية تتوجه الى خليج عدن فى اواخر مارس
(Read
more) 24-Mar-
2009
المحاكم الإسلامية تكتشف مقابر جماعية في مدينة مقديشوا
(Read
more) 22-Mar-
2009
الإرياني:هناك قوى لها مآرب سياسية من القرصنة والحشد العسكري قد يولد قرصنة تهدد العالم
(Read
more) 22-Mar-
2009
الأبرش يبحث ووفد صومالي سبل تطوير العلاقات البرلمانية
(Read
more) 22-Mar-
2009
القراصنة الصوماليون يطلقون سراح سفينة هندية
(Read
more) 22-Mar-
2009
ابن لادن يحث الصوماليين علي الإطاحة بالرئيس الجديد
(Read
more) 19-Mar-
2009
افتتاح مركز تسجيل اللاجئين الصومال
(Read
more) 19-Mar-
2009
وفاة 72 شخصا معظمهم من الاطفال بسبب اسهال حاد في الصومال
(Read
more) 17-Mar-
2009
الأمم المتحدة ترحب بالإفراج عن موظفيها الذين اختطفوا في الصومال وتؤكد مواصلة عملياتها هناك
(Read
more) 17-Mar-
2009
أعلن السفير الأثيوبي في موسكو أن سلطات أثيوبيا تواصل تقديم المساعدة لحكومة الصومال الانتقالية
(Read
more) 17-Mar-
2009
مجموعة الإتصال الدولية تعقد إجتماعا في القاهرة لمكافحة القرصنة
(Read
more) 17-Mar-
2009
مدينة مقديشو تشهد مظاهرات تندد بحكم المحكمة الدولية ضد الرئيس السوداني
(Read
more) 16-Mar-
2009
إصابة عمدة بلدية ودجر بعبوة ناسفة بالقرب من مطار مقديشوا الدولي
(Read
more) 14-Mar-
2009
جماعة أهل السنة تسيطر علي عدة بلدات في إقليم قلقذود بوسط الصومال
(Read
more) 14-Mar-
2009
البرلمان الصومالي يفتتح أولي جلساته في مقره الجديد بمقديشوا
(Read
more) 12-Mar-
2009
البرلمان الصومالي يفتتح أولي جلساته في مقره الجديد
(Read
more) 12-Mar-
2009
مخاوف من تجنيد أمريكيين صوماليين لتنفيذ هجمات إرهابية
(Read
more) 12-Mar-
2009
الاتحاد الإفريقي يمدد بقاء قواته في الصومال
(Read
more) 12-Mar-
2009
مقتل أربعة أفراد من الشرطة الصومالية بإنفجارعبوةناسفة في مقديشوا صباح اليوم
(Read
more) 11-Mar-
2009
مركز الجزيرة ينظم ندوة عن الصومال وملامح المرحلة القادمة
(Read
more) 11-Mar-
2009
الناتو يوافق على تشكيل مهمة جديدة لمحاربة القرصنة
(Read
more) 11-Mar-
2009
قوات حفظ السلام الافريقية تبقى في الصومال ثلاثة شهور إضافية
(Read
more) 11-Mar-
2009
رئيس البرلمان شيخ أذن مذوبي ش يتسلم مقر البرلمان الصومالي المؤقت
(Read
more) 10-Mar-
2009
الرئيس الصومالي يتوجه إلي أوغندا ضمن زيارته الإفريقية
(Read
more) 10-Mar-
2009
سقوط طائرة عسكرية متجهة إلي الصومال في مدينة كمبالا مخلفتا عشرة قتلي
(Read
more) 9-Mar-
2009
رئيس الجمهورية الصومالي يلتقي مع نظيره الكيني في مدينة نيروبي في جولته لعدة دول إفريقية
(Read
more) 9-Mar-
2009
ليبيا: بيرلسكونى يدعو القذافى لحضور القمة المقبلة للدول الثماني الصناعية الكبرى.
(Read
more) 9-Mar-
2009
الأمن الشخصي تغلب على الأمن القومي فأهملنا الصومال وتناسينا مخاطر القراصنة على قناة السويس.
(Read
more) 9-Mar-
2009
ماهو سر ودوافع إهتمام جريدة الشرق الأوسط بالقضية الصومالية في ظل إهمال وسائل الإعلام هذا الشأن :
(Read
more) 9-Mar-
2009 |
English News
Somalia: Uganda deploys more peacekeepers in volatile Somalia (Read
more) 24-Mar-
2009
Somalia: Al-Shabab bans Khat and cars with opaque glasses in Baidoa (Read
more) 24-Mar-
2009
Somalia: 10 died in a lorry accident 14 others wounded in central Somalia
(Read
more) 24-Mar-
2009
Somalia: Bula-Hawo district authority sends warning signal to Kenya (Read
more) 24-Mar-
2009
Somalia: Foreign Minister Omaar notes deployment of foreign troops (Read
more) 24-Mar-
2009
Somalia: Hizbul-Islam remarks upon the defect members (Read
more) 24-Mar-
2009
Somalia: Somali owned 5 star hotel turned to ashes (Read
more) 24-Mar-
2009
Somalia not seeking Sudanese peacekeepers - president (Read
more) 24-Mar-
2009
Somalia: AU Hails Somalia Milestone; Donor Conference Planned (Read
more) 24-Mar-
2009
Somalia: Prominent Somali cleric detained in Puntland Tension High (Read
more) 23-Mar-
2009
Hijab debate lifts veil on limits of Norway's tolerance (Read
more) 23-Mar-
2009
Somalia: 18 students died in a road accident in Kenya 9 (Read
more) 23-Mar-
2009
Somalia: Hisbul-Islam endorse the efforts of the clerics (Read
more) 23-Mar-
2009
Somalia: Islamic Courts Union takes control of Shibis district (Read
more) 23-Mar-
2009
Somalia: A Somali girl kidnapped by Somalis in Mogadishu (Read
more) 23-Mar-
2009
Somalia: Sudanese president calls for support for new Somali gov't (Read
more) 23-Mar-
2009
Somalia: Japan says pirates fire on ship off Somalia (Read
more) 23-Mar-
2009
The skeletons of 5 people found in Mogadishu (Read
more) 22-Mar-
2009
No deployment of Extra Troops Information Minister (Read
more) 22-Mar-
2009
Statement by the UN Special Representative for Somalia Mr Ahmedou Ould-Abdallah (Read
more) 22-Mar-
2009
Somalia: “No single government soldier surrendered” governor (Read
more) 22-Mar-
2009
Somalia: “Demanding for extra troops would jeopardize stability” Elder Diriye (Read
more) 22-Mar-
2009
Somalia: Insecurity at Bulahubey a section of Wadjir district (Read
more) 22-Mar-
2009
Somali: pirates free hijacked ship with 16 Indians (Read
more) 22-Mar-
2009
Somalia: open meeting on Somalia (Read
more) 22-Mar-
2009
Somali FM Says Peace and Security New Government's Top Priority (Read
more) 21-Mar-
2009
Ecoterra – Somali Marine & Coastal Monitor - Part VI. The Latest Piracy News from Somalia, Kenya (Read
more) 21-Mar-
2009
Somalia: World Food Program contractor gunned down in Mogadishu (Read
more) 19-Mar-
2009
Somalia: UN debates bolstering African Union peacekeeping (Read
more) 19-Mar-
2009
Somalia: UN chief says defeating piracy requires restoration of law in Somalia (Read
more) 19-Mar-
2009
Somalia: Al-Shabab commander says 16 killed in daybreak battle (Read
more) 18-Mar-
2009
Somalia: Ferocious battle at Rabdhure district in Bakool region (Read
more) 18-Mar-
2009
Somalia: AU Peacekeepers wounded in twin blasts (Read
more) 18-Mar-
2009
Somalia: ETN TV director is not arrested for his journalism line of work (Read
more) 18-Mar-
2009
Swedish citizen senior leader of Somali terror alliance (Read
more) 18-Mar-
2009
Somali Olympics committee to elect a new leadership this week (Read
more) 17-Mar-
2009
Somalia: MPs condemned fighting at Galgadud region in central Somalia (Read
more) 17-Mar-
2009
Somalia: 15 people died starvation in lower Shabelle region (Read
more) 17-Mar-
2009
Somalia: Justice Minster meets with the administration of central jail (Read
more) 17-Mar-
2009
Somalia: Former Somali officer surrenders to Al-Shabab (Read
more) 17-Mar-
2009
Somalia: 4 kidnapped UN personnel released (Read
more) 17-Mar-
2009
Abducted UN staff in Somalia released safely (Read
more) 17-Mar-
2009
Statement from the United Nations in Somalia on abduction of UN staff in South Central Somalia (Read
more) 16-Mar-
2009
Local teens look up to Somali hip-hop artist (Read
more) 16-Mar-
2009
FSAU : Release of NEW monthly Climate Data Update (Read
more) 16-Mar-
2009
Demonstration against the warrant arrest of Al-Bashir in Mogadishu (Read
more) 16-Mar-
2009
Somalia: 4 UN officers kidnapped in at Wajid district in Bakool region (Read
more) 16-Mar-
2009 |
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|