|
Daraasad Si Kooban Daaha Uga Rogaysa Arrimaha Sal-dhiga U Ah Khilaafaadyada Siyaasadeed ee Somaliland Ragaadiyey Iyo Xalka Lagaga Bixi Karo
12 May 2009 SMC
“In kasta oo sunnaha siyaasadu aanu lahayn minqiyaas sugan oo laga duulo marka la doonayo in odoros lagu sameeyo, hadana waxaa jira arrimo la adeegsan karo marka laga hadlayo qaab-dhismeedka siyaasada ama-ba musdawaha siyaasadeed ee qof lee yahay, kuwaas oo ay ku jiraan maba’diida iyo rabitaanada qofka siyaasiga ah hal-beega u ah, aqoonta iyo fahamkiisa la xidhiida dhuuxa siyaasada, go’aan-qaadashada, hal-abuurnimada, woodiisa hogaamineed iyo waxyaabo kale oo badan oo ka caawinaya ka midho-dhalinta dadaaladiisa siyaasadeed.”
Sida aynu wada ogsoon-nahay waxaa in muddo ah-ba waddankeena ku soo noq-noqonayey khilaafaadyo siyaasaasadeed oo ragaadiyey horumarkii iyo himiladii la hiigsanayey, daciifiyey hankii iyo rajadii ay bidhiiqsanayeen bulsho-weynta reer Somaliland ee caqabada iyo takoorka lagaga dhigay ictiraaf la’aanta, isla markaana wax weyn u dhimay kalsoonidii, karaamadii iyo wax-qabadkii ay la iman lahaayeen hogaanka dawlada wadanka ka jirta.
Khilaafaadyadaas siyaasadeed waxa ay wadankeena iska hortaageen dadaaladii wax-ku-oolka ahaa ee lagaga midho-dhalin lahaa ujeedooyinka xaqqiiqiga ah ee la hiigsanayo, waxa ay marar badan mugdi geliyeen jiritaanka iyo dib u la soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland, waxa ay tashwiish iyo khal-khal ku abuureen xidhiidhka koraya ee ay Somaliland la leedahay wadamada Jiiraanka iyo duwalka caalamka-ba, waxa uu quus iyo rajobeel ku abuureen in badan oo ka mid ah bulshada reer Somaliland gaar ahaan dhalinyarada oo naawilaysay in ay mar uun ka bixi doonaan shaqo la’aantga ciishay iyo duruufaha qallafsan ee kale ee noloshooda halista ku ah.
Waxaa kaloo khilaafaadyadaas siyaasadeed wadanka dhaxal-siiyeen dufaano jahawareer siyaasadeed ah, oo qarqiyey dadkii reer Somaliland ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ku noolaa, waxa ay saamayn xun ku yeesheen hal-ku-dhigii ay Somaliland ku faani jirtay ee ahaa nabad-gelyada iyo xasiloonida ilaahay inagu manaystay.
Inkasta oo khilaafku yahay hadba sida qofku ula fal-galo, hadana waxa uu leeyahay laba dhinac oo iska soo horjeeda, dhinac waa Togone [Positive] oo dadka qaar ayaa ku dooda “haddii aanu khilaaf iman wax-ba ma hagaagaan, maxaayeelay khilaafka togani waxa uu qayb ka qaataa hagaagnimada ay shaqo yeelanayso, waxa uu dar-dargeliyaa firircoonida hawlwadeenada shaqadaas wadaagaya, waxa uu abuurayaa isi-sax iyo is toosin ka dhex dhalata dadka shaqo-wadaagta ah iyo arrimo kale oo badan.” Dhinaca kale waa Tabane [Negative] waana marka khilaafaadka sida xun loo adeegsado, waana marka uu sababo burburka, iska hor imaadka, is colaadsiga, is xaasidista, is qab-qabsashada iyo wixii la hal-maala.
Haddii uu khilaafku noqdo Tabane [Negative] waxa uu horseedaa mashaakilaad xunxun oo soo food-saara meesha uu ka dhex-dhashay, Tusaale ahaan; waxa uu khilaaf ka dhex-dhashay shaqaale ka shaqeeya shirkad wax-soo-saar, waxaana ka dhex-abuurmay is kooxaysi is colaadsi ku salaysan shaqada ay qabanayaan. Maamuulkii shirkaduna waxa uu ku guul-daraystay in uu xal la taaban karo ka gaadho khilaafaadka soo kala dhex-galay shaqaalihiisa, waxaa hubaal ah in shikadaasi caqad xun oo xagga shaqada ahi in ay la soo dersayo, oo haddii aan khilaafkaa la damin in ay shaqada shirkadu khal-khalayso.
Habada, haddii aynu guda-galno dulucda daraasad kooban ee ula-jeedadeedu daaran tahay ‘ogaanshaha arrimaha salka u ah khilaafaadka siyaasadeed ee wadakeena Somaliland ku soo noq-noqda, isla markaana ragaadiyey guud ahaan geedi-socodka siyaasada hogaanka dalka.’ Waxaanu jeclahay in aanu halkan iidinku soo gudbino 16 qodob oo aanu u aragnay in ay sees u yihiin xudunta khilaafaadka siyaasadeed ee Somaliland ku soo noq-noqda. Waxaa weheliya oo xagga dambe ka raacsan 10 qodob oo iyagana aanu u aragnay in yihiin xalka iyo furdaaminta lagaga bixi karo khilaafaadka siyaasiga ah.
Qodob kasta oo ka mid ah lix iyo tobanka qodob ee aanu xusnay, waxaa raacsan cabir-xisaabeed boqolayda ah [Percentage] kaas oo ka turjumaya darajada qodobkaasi kaga jiro abuuritaanka iyo xoojinta khilaafaadka kala gedisan ee salka ku haya arrimaha siyaasiga ah. Waxaana aanu ku salanay cabir-xisaabeedka boqolayda 16-ka qodob “100%” wax dheeraad ku ah iyo wax ka dhiman toona ma jirto.
Waa kuwan lix iyo tobankii qodob oo ay weheliyaan cabir-xisaabeedkoodii bolayda ahaa, ee ka bogosho wanaagsan:-

1- Dastuurka wadanka oo qodobo badan ka mid ahi aanay caddayn, kuwaas oo sababa in siyaabo badan oo qaldan loo adeegsado, abuurana afkaaro iyo arragtiyo badan oo ku salaysan khilaafaad-sharciyeed oo yimaada. isla mar ahaantaana Dastuurku waxa uu noqon kari waayey wax si waafi ah ula jaan-qaadi karaya baahida-sharci ee Bulshada. Waxaana qodobkani darajada khilaafaadka siyaasadeed ka yahay 18%.
2- Garsoorkii Maxkamada Dastuuriyga ah oo aan sidii loogu talo-galay u gudan masuuliyadiisa, isla markaana aan u madax-bannaanayn shaqadiisa, kaas oo ay caqabad ku tahay shaqadiisa soo magacaabista uu Madaxweynuhu soo magacaabayo Gudoomiyha Maxkamada Dastuuriga ah.. Qodobkanina waxa uu kaga jiraa kaalinta darajada khilaafaadka 12%.
3- Fahamka la xidhiidha nidaamka dawliga ah ee aynu qaadanay oo la jaan-daaqi kari waayey hab-nololeedkeenii iyo hab-dhaqankeenii ku salaysnaa hannaanka beelaha. Kanna darajadiisu waxa ay noqonaysaa 5%.
4- Tixgelinta rabitaanka qabiilka oo ka buruud sareeya yoolka la doonayo in lagu taabo-geliyo Qarannimo wadanka ka hanaqaada, taas oo aan la isku waafaqsanayn sidii loogu hawl-geli lahaa ama loo meel marrin lahaa. Kanina 10% ayuu kag jiraa kaalinta abuuritaanka khilaafaadka siyaasadeed.
5- Danaha gaarka ah oo inta badan laga doorbido lagana horaysiiyo danta guud ee wadanku ku dhisan yahay, Halkaasna waxaa ka abuurma is-maan-dhaaf siyaasadeed oo ka dhasha labadaas danood is iska horimanaya. Kanina 8% ayuu ka yahay misqiyaaska darajada khilaafka siyaasiga ah.
6- Geedi-socodka siyaasadeed ee wadanka oo inta badan ay gadh-wadeen ka yihiin dad aan aqoon, karti, khibrad, daacadnimo iyo debecsanaan u lahayn Hillinka siyaasada ee dalka iyo dadka lagu hagayo, waana sababaha keena in ay markasta abuurmaan khilaafaadyo sayaasadeed oo wadanka khatar-geliya. Qadobkanina waa 5%.
7- Waxaa inta badan laga doorbidaa qofka aqoonta leh ee dalka iyo dadka wax u qabanaya mid aan aqoontiisu fiinayn, hasayeeshee dano-gaar ah laga leeyahay, iyada oo aan ofka masuuliyada loogu dhiibin aqoonta iyo waayo-aragnimada uu u lee yahay xilka uu baqanayo, kaas oo inta badan lagu soo xusho “Yaad tahay” ama reeruhu ay ku andacoodaan “Anagu reer hebel ahaan ninkaas ayaanu soo xulanay,” waa mark laga hadlo boosaska sare ee waddanka, arrintaasina waxa ay ka mid tahay xidida uu ka soo unkamo khilaafaadyada siyaasadeed ee wadanka ku soo noqnoqda. Qodobkan laftiisu waxa uu ka noqonayaa minqiyaaska darajada khilaaf-abuurka 5%.
8- Bulshada ku dhaqan wadanka oo ay ku badanyihiin dadka doorbida hadal-haynta iyo hurinta khilaafaadyadan-siyaasadeed ee jira ama curanaya, iyo bulshada oo guud ahaan aan fahamsanayn doorka ay ku lee yihiin wax-ka-bedelka majaraha, hannaanka iyo hogaanka siyaasadeed ee wadanku lee yahay. Qodabkanina waa 3%.
9- Siyaasadii Jihaynta bulshada oo sidii loo baahnaa aan u shaqayn iyo hogaanka jira oo ku guul-darraystay in ay shacabka jiheeyaan. Kanina waxa uu noqonayaa 2%.
10- Golayaasha Qaranka iyo bulshada rayidka ah oo aan hal-beeg cad ka lahayn wax-ka-bashada iyo xal-u-raadinta khilaafaadka-siyaasadeed ee soo noqnodqa gaar ahaan kuwo la xidhiidha arrimaha sharciga ah. Qodobkan laftiisu door-weyn ayuu ka ciyaaraa darajada abuurista khilaafaadka waxaana uu noqonayaa 5%.
11- Tiro-yaraanta shakhsiyaadka hal-doorka ah ee doorka muuqda ka qaadan lahaa dejinta, xallinta, isu soo dhawaynta iyo wax-ka-qabashada garabyada ay ka dhaxayso khilaadkaadka siyaasadeed. Qodobkanina waa 2%.
12- Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland oo si ka fiirsasho la’aan ah ugu tiraaba hadalo bulshada ka dhex abuura xasaasiyad iyo khilaaf siyaasadeed oo xoogan, isla markaasi aan tix galin siinin shuruucda iyo qawaaniinta wadanka, iyagoo u heelan uun meel marinta danoohada siyaasadeed ee gaar ah. Qododbkan laftiisu waxa ay darajadiisu noqonaysaa 3%.
13- Waxa inta badan aan la isku hawlin dhaqan galinta iyo fulinta heshiisyada laga gaadho khilaaf siyaasadeed oo mudo soo jiitamayey. Kan laftiisu waa qodob aan la hilmaami karayn waxaana ay darajadiisa abuuritaanka khilaafaadka siyaasadeed waxu uu noqonayaa 3%.
14- Madax-dhaqameedka wadanka oo gabay doorkii ay ku lahaayeen dhex-dhexaadinta iyo xalinta khilaafaadka siyaasadeed iyo waliba isku soo dhawaynta dhinacyada iska soo horjeeda. Kan laftiisu waa qodob xusidiisu lama dhaafaan tahay waxaana uu yeelanayaa darajo ah 4%.
15- Siyaasiyiinta wadanka oo intabadan iyagu isku muuqda, halka ay ka ilaalin lahaayeen bulshada wax-yaabaha turxaanta ku ah xasiloonidooda iyo wada noolaanshahooda. Qabkan ayaa isaguna door-laxaad leh kaga jira curinta iyo kicinta khilaafaadka siyaasiga ah, kaas oo darajadiisu noqonayso 10%.
16- Jiritaan la’aanta guddi culimo ah, oo door weeyn ka qaadan lahaa xallinta iyo xakamaynta khilaafaadyada siyaasiga ah ee wadanka ku imanaya, kuwaas oo wax-qabadkooda si dhab ah loogu baahan yahay, cid ka hor iman kartaana aanay jirin. Qodobkan ugu dambeeyaa waxa uu ka hadlayaa in culimadii wadanku ka gaabisay ka qayb-qaadasha dejitanta iyo wax-ka-qabashada khilaafaadka siyaasasiga ah wadanka ragaadiyey, waxaana darajadiisu noqonaysaa 5%.
Marka aynu intaa kaga soo gudubno qodobadaas ka hadlayay arrimaha salka u ah khilaafaadka siyaasiga ah ee Somaliland ku soo noq-noqda, waxa aynu su sii dhaafaynaa qodobada aanu u aragnay in ay xal u noqonayaan wax-ka-qabashada iyo tir-tirida arrimaha gun-dhiga ah is-maan-dhaafka iyo khilaafaafka siyaasiga ah, waana kuwan qodobadii ee bogosho fiican;-

1- In La sameeyo qorshe iyo hab wax lagaga bedelayo Dastuurka Somaliland oo qodobo badan oo ka mid ahi u dhigan yihiin “Xeerbaa Qeexaya.” Sidoo kale waxaa ku jira qodobo kale oo badan oo u baahan in ujeedadooda ama hab-adeegsigooda la cadeeyo. Waxaana masuuliyadaasi saaran tahay Golayaasha Qaranka gaar ahaan labada Aqal ee Baarlamanka [Wakiilada iyo Guurtida]. Waxaana hubaal ah in Dastuurka maanta Somaliland ka jiraa aanu ahayn mid la jaan-qaadikaray baahida shirciyeed ee wadanka, isla markaana haddii aan wax laga bedelin waxa uu sii kordhin doonaa khilaafaadyo siyaasadeed ee dalka ku soo noqnoqonaya.
2- In tartanka doorashada ee loo gelayo talada dalku noqoto mid sideeba u dhaca, oo laga daayo xagal-daacinta iyo adhax-wareenka lagu samayno, si cid kastaaba nasiibkeena uga qaado hamiga ka hayya xukunka wadanka, isla markaana uu u yaraado khilaafaadka siyaasadadeed ee salka ku haya loolanka la xidhiidha awooda talada dalka.
3- In la helo Jiil cusub oo hogaamiya geedi-socodka siyaasadeed ee wadanka, sii meesha looga saaro siyaasada faasidka ah ee waqtigan Somaliland ka jirta.
4- In laga koro lana bedelo hab-dhaqanka ku salaysan yooyootanka siyaasadeed ee madhalayska ah ee abuuraya khilaafaadka siyaasadeede aan loo baahanayd, isla mr ahaantaana haba-yaraatee aan wax faa’ido ah aan u lahayn dadlka iyo dadkla toona. [Qodobkani waxa uu khuseeya dadka shirarka jaraa’id iska qabta ee isugu jiwaaba].
5- In la abuuro jawi siyaasadeed oo u ku dhisan is faham, is-toosin, wax-dhis iyo wax wada-doonis.
6- In siyaasiyiinta ku loolamaysa saaxadda siyaasadu wax-weyn ka bedelaan hab-fikireedkooda ay ku meel-marinayaan damacyooda siyaasadeed ee ay doonayaan in ay ka gun-gaadhaan.

7- In xukuumada joojiso xad-gudubyada iyo ficilada abuuraya khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhanka ah Axsaabta mucaaradk ah, isla markaana qaadato talooyinka wax-tarka leh ee ay u soo gudbinayaan mucaaradku.
8- In Xisbiyada mucaaradka ah dhaliishoodu noqoto mid ay waxku-saxayaan, wax ku toosinayaan, wax jira oo xaqiiq ah bulshada ugu soo bandhigayaan, isla mar ahaantaana aanay noqon mid ku kooban uun dhaleecayn, aflagaado iyo naqdis siyaasadeed oo abuuraya khilaafaad siyaadeed oo aan dalka iyo dadka toona faa’ido ugu jirin.
9- In la kala saaro kala saaro rabitaanka iyo maba’diida Qaranka iyo kuwa Qabiiliga ah, oo ah laba shay oo aan weligood meel wada fadhiisayn.
10- In laga dhabeeyo nidaamka dawladeed ee salka ku haya hannaanka xisbiyada badan ee lagu doonayo in lagu sameeyo doorashooyin xor ah oo xalaal ah, si loo taabo-geliyo dadaalka loogu jiro in Jamhuuriyada Somaliland laga sameeyo hannaan dowladeed oo adag, oo dalka iyo dadkaba u horseeda horumar, wada-noolaansho aiyo nolol sidan ka fiican.
"Fadlan wixii fikir ah ee aad ka qabti ama aad ku darsanaysid daraasad ku soo hagaaji Emailka hoos ku xusan".
C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]
Independent Researcher And Editor/Ooweynenews.com
Cabdiheersare01@hotmail.com
Somaliweyn Media Center “SMC”
| Arabic News
شيخ شريف ينفي طلب قوات إفريقية إضافية من السودان
(Read
more) 24-Mar-
2009
السفن الحربية الروسية تتوجه الى خليج عدن فى اواخر مارس
(Read
more) 24-Mar-
2009
المحاكم الإسلامية تكتشف مقابر جماعية في مدينة مقديشوا
(Read
more) 22-Mar-
2009
الإرياني:هناك قوى لها مآرب سياسية من القرصنة والحشد العسكري قد يولد قرصنة تهدد العالم
(Read
more) 22-Mar-
2009
الأبرش يبحث ووفد صومالي سبل تطوير العلاقات البرلمانية
(Read
more) 22-Mar-
2009
القراصنة الصوماليون يطلقون سراح سفينة هندية
(Read
more) 22-Mar-
2009
ابن لادن يحث الصوماليين علي الإطاحة بالرئيس الجديد
(Read
more) 19-Mar-
2009
افتتاح مركز تسجيل اللاجئين الصومال
(Read
more) 19-Mar-
2009
وفاة 72 شخصا معظمهم من الاطفال بسبب اسهال حاد في الصومال
(Read
more) 17-Mar-
2009
الأمم المتحدة ترحب بالإفراج عن موظفيها الذين اختطفوا في الصومال وتؤكد مواصلة عملياتها هناك
(Read
more) 17-Mar-
2009
أعلن السفير الأثيوبي في موسكو أن سلطات أثيوبيا تواصل تقديم المساعدة لحكومة الصومال الانتقالية
(Read
more) 17-Mar-
2009
مجموعة الإتصال الدولية تعقد إجتماعا في القاهرة لمكافحة القرصنة
(Read
more) 17-Mar-
2009
مدينة مقديشو تشهد مظاهرات تندد بحكم المحكمة الدولية ضد الرئيس السوداني
(Read
more) 16-Mar-
2009
إصابة عمدة بلدية ودجر بعبوة ناسفة بالقرب من مطار مقديشوا الدولي
(Read
more) 14-Mar-
2009
جماعة أهل السنة تسيطر علي عدة بلدات في إقليم قلقذود بوسط الصومال
(Read
more) 14-Mar-
2009
البرلمان الصومالي يفتتح أولي جلساته في مقره الجديد بمقديشوا
(Read
more) 12-Mar-
2009
البرلمان الصومالي يفتتح أولي جلساته في مقره الجديد
(Read
more) 12-Mar-
2009
مخاوف من تجنيد أمريكيين صوماليين لتنفيذ هجمات إرهابية
(Read
more) 12-Mar-
2009
الاتحاد الإفريقي يمدد بقاء قواته في الصومال
(Read
more) 12-Mar-
2009
مقتل أربعة أفراد من الشرطة الصومالية بإنفجارعبوةناسفة في مقديشوا صباح اليوم
(Read
more) 11-Mar-
2009
مركز الجزيرة ينظم ندوة عن الصومال وملامح المرحلة القادمة
(Read
more) 11-Mar-
2009
الناتو يوافق على تشكيل مهمة جديدة لمحاربة القرصنة
(Read
more) 11-Mar-
2009
قوات حفظ السلام الافريقية تبقى في الصومال ثلاثة شهور إضافية
(Read
more) 11-Mar-
2009
رئيس البرلمان شيخ أذن مذوبي ش يتسلم مقر البرلمان الصومالي المؤقت
(Read
more) 10-Mar-
2009
الرئيس الصومالي يتوجه إلي أوغندا ضمن زيارته الإفريقية
(Read
more) 10-Mar-
2009
سقوط طائرة عسكرية متجهة إلي الصومال في مدينة كمبالا مخلفتا عشرة قتلي
(Read
more) 9-Mar-
2009
رئيس الجمهورية الصومالي يلتقي مع نظيره الكيني في مدينة نيروبي في جولته لعدة دول إفريقية
(Read
more) 9-Mar-
2009
ليبيا: بيرلسكونى يدعو القذافى لحضور القمة المقبلة للدول الثماني الصناعية الكبرى.
(Read
more) 9-Mar-
2009
الأمن الشخصي تغلب على الأمن القومي فأهملنا الصومال وتناسينا مخاطر القراصنة على قناة السويس.
(Read
more) 9-Mar-
2009
ماهو سر ودوافع إهتمام جريدة الشرق الأوسط بالقضية الصومالية في ظل إهمال وسائل الإعلام هذا الشأن :
(Read
more) 9-Mar-
2009 |
English News
Somalia: Uganda deploys more peacekeepers in volatile Somalia (Read
more) 24-Mar-
2009
Somalia: Al-Shabab bans Khat and cars with opaque glasses in Baidoa (Read
more) 24-Mar-
2009
Somalia: 10 died in a lorry accident 14 others wounded in central Somalia
(Read
more) 24-Mar-
2009
Somalia: Bula-Hawo district authority sends warning signal to Kenya (Read
more) 24-Mar-
2009
Somalia: Foreign Minister Omaar notes deployment of foreign troops (Read
more) 24-Mar-
2009
Somalia: Hizbul-Islam remarks upon the defect members (Read
more) 24-Mar-
2009
Somalia: Somali owned 5 star hotel turned to ashes (Read
more) 24-Mar-
2009
Somalia not seeking Sudanese peacekeepers - president (Read
more) 24-Mar-
2009
Somalia: AU Hails Somalia Milestone; Donor Conference Planned (Read
more) 24-Mar-
2009
Somalia: Prominent Somali cleric detained in Puntland Tension High (Read
more) 23-Mar-
2009
Hijab debate lifts veil on limits of Norway's tolerance (Read
more) 23-Mar-
2009
Somalia: 18 students died in a road accident in Kenya 9 (Read
more) 23-Mar-
2009
Somalia: Hisbul-Islam endorse the efforts of the clerics (Read
more) 23-Mar-
2009
Somalia: Islamic Courts Union takes control of Shibis district (Read
more) 23-Mar-
2009
Somalia: A Somali girl kidnapped by Somalis in Mogadishu (Read
more) 23-Mar-
2009
Somalia: Sudanese president calls for support for new Somali gov't (Read
more) 23-Mar-
2009
Somalia: Japan says pirates fire on ship off Somalia (Read
more) 23-Mar-
2009
The skeletons of 5 people found in Mogadishu (Read
more) 22-Mar-
2009
No deployment of Extra Troops Information Minister (Read
more) 22-Mar-
2009
Statement by the UN Special Representative for Somalia Mr Ahmedou Ould-Abdallah (Read
more) 22-Mar-
2009
Somalia: “No single government soldier surrendered” governor (Read
more) 22-Mar-
2009
Somalia: “Demanding for extra troops would jeopardize stability” Elder Diriye (Read
more) 22-Mar-
2009
Somalia: Insecurity at Bulahubey a section of Wadjir district (Read
more) 22-Mar-
2009
Somali: pirates free hijacked ship with 16 Indians (Read
more) 22-Mar-
2009
Somalia: open meeting on Somalia (Read
more) 22-Mar-
2009
Somali FM Says Peace and Security New Government's Top Priority (Read
more) 21-Mar-
2009
Ecoterra – Somali Marine & Coastal Monitor - Part VI. The Latest Piracy News from Somalia, Kenya (Read
more) 21-Mar-
2009
Somalia: World Food Program contractor gunned down in Mogadishu (Read
more) 19-Mar-
2009
Somalia: UN debates bolstering African Union peacekeeping (Read
more) 19-Mar-
2009
Somalia: UN chief says defeating piracy requires restoration of law in Somalia (Read
more) 19-Mar-
2009
Somalia: Al-Shabab commander says 16 killed in daybreak battle (Read
more) 18-Mar-
2009
Somalia: Ferocious battle at Rabdhure district in Bakool region (Read
more) 18-Mar-
2009
Somalia: AU Peacekeepers wounded in twin blasts (Read
more) 18-Mar-
2009
Somalia: ETN TV director is not arrested for his journalism line of work (Read
more) 18-Mar-
2009
Swedish citizen senior leader of Somali terror alliance (Read
more) 18-Mar-
2009
Somali Olympics committee to elect a new leadership this week (Read
more) 17-Mar-
2009
Somalia: MPs condemned fighting at Galgadud region in central Somalia (Read
more) 17-Mar-
2009
Somalia: 15 people died starvation in lower Shabelle region (Read
more) 17-Mar-
2009
Somalia: Justice Minster meets with the administration of central jail (Read
more) 17-Mar-
2009
Somalia: Former Somali officer surrenders to Al-Shabab (Read
more) 17-Mar-
2009
Somalia: 4 kidnapped UN personnel released (Read
more) 17-Mar-
2009
Abducted UN staff in Somalia released safely (Read
more) 17-Mar-
2009
Statement from the United Nations in Somalia on abduction of UN staff in South Central Somalia (Read
more) 16-Mar-
2009
Local teens look up to Somali hip-hop artist (Read
more) 16-Mar-
2009
FSAU : Release of NEW monthly Climate Data Update (Read
more) 16-Mar-
2009
Demonstration against the warrant arrest of Al-Bashir in Mogadishu (Read
more) 16-Mar-
2009
Somalia: 4 UN officers kidnapped in at Wajid district in Bakool region (Read
more) 16-Mar-
2009 |
Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC)
|