Ra'yiga dadweynaha
bannerads/mom_MP_468x60_f_SE.gif
Al- islaax oo ogaadeeniya looga adkaday

Dib u jalleecidda  taariikhda waxa sababay dagaalladan Ismaamul Goboleedka Ogaadeeniya.

 
Muddo fog waxaa gobollda Ogaadeeniya yimi 5nin oo Qibdhiyiinta Masar ah , taasoo ka dambeeysay xiriirka Masiixiyiinta Qibdhiyiinta Masar & Masiixiyiinta Itoobiya & ka wada hadalka webiga Niilka. Markay Muslimiinta ay Itoobiyaanka ka qabsadeen xeebaha Eretareeya waxaa ku adkaatay 5ta Qibdhiyiinta iney ku laabtaan Masar oo la fahooda ayey u baqeen waayo xeebihii doonta ay  ka raaci lahaayeen ayaa la qabsaday. Ka dib waxay go’aansadeen iney dadka Ogaadeeniya ay la degaan , 5tii nin waxaa Islaamiyey dadkii Ogaadeenka ee ay martida u ahaayeen ka dib waxaa la siiyey gabdho oo loo guuriyey , faraca 5taasi nin waxay noqdeen culimo dadka wax bara , Martiile maalin Guur ayaa loo yaqiinay,magacii Qibdhiga waxay ku badeleen Aw- Qudub iyagoo laba ujeeddo ka lahaa :
 
1- In ay Soomaalida ay dhexdegeen faracooda la illowsiiyo halka ay farac ahaan 5ta nin ka soo jeedaan , oo keliya midda maskaxdooda ku jirtaa ay noqoto iney  yihiin qoys culimo ka soo jeedo sida : Shiikhaasha Awqudub .
2- Faracooda iney ku xusuustaan asal ahaan yihiin Qibdhiyiintii uu ka dhashay Fircoonkii Masar.
 
Waxay kula dardaarmeen faracooda inayan ka tegin calaamadda Misiixiga oo istilaabka(+) oo ay sumad uga dhigaan Qubuurtooda iyo xoolahooda si ay markastaa u xusuustaan halka ay ka soo jeedaan, ilaa iyo hadda waad arkaysaa inay xoolahooda ku suntaan Calaamadda Masiixiga , qubuurahooda gobolada Ogaadeeniya iyana sidaasoo kale ayey ugu calaamadiyaan Calaamadda Masiixiga  .In  badan oo Aw-Qudub ah ayaa  ka mid ahaa qaxootigii Ogaadeeniya ee u soo qaxay Soomaaliya lixdameeyadii & dagaalkii77 markuu qarxay oo halkaa deeqo waxbarasho ayey magaca Soomaali ku heleen, sanadihii siddeetameeyadii waxay is tuseen in siyaasadda Soomaaliya  ay gacanta Hawiye galeyso sidaa aawadeed waxay go’aansadeen inay isku magaacaabaan Martiile Hiraab, ayadoo magacaasi hore loogu yaqiinay Shiikhaal Looboge waxay kaloo go’aansadeen si ay arintani ugu hergasho inay ka qayb qaataan xasuuqii Daaroodka.
 
Qabiilku sidiisaba  wuxuu ku yimaadaan dad wada dhashay sida Daaroodka & Hawiyaha oo kale ama  dad aan wada dhalan laakiin isku deegaan ah oo sameysta magac ay ku midoobaan  sida : Digil & Mirifle oo ah qabaa’ilo degaan ku midoobay oo aan dhalasho ka dhaxeyn, haddaba waxa is weydiin leh: dadkii shalayto : ahaa Martiile MaalinGuur oo maanta sheeganaya : Martiile Hiraab oo wax dhalasho ama degaan ay isugu yimaadaanna Hiraab ayan jirin,maxay berri haddii Alle idmo oo ay xaaladda is bedesho sheegan doonaan?!!! .
 
Qabsashadii Harar xilligii Mililiq
 
Dawrka Aw-Qudub( Qibdhiyiinta) ay ku lahaayeen  qabasashadii Masiixiinta Itoobiya ay ku qabsadeen Caasimaddi Islaamka ee Harar
 
Dowladii Khilaafada Islaamka ee Cusmaaniyiinta  ciidamo ayaa u joogay Harar oo had iyo gooraale ka difaaci jiray weerarada Xabashida Masiixiyiinta kaga yimaada .
Markay dadka Carabta ay Mustashriqiinta ku kiciyeen Khilaafadii Islaamka oo mushkilada ay badatay  ayey ciidamadii Khilaafada isaga baxday dhulkii Ogaadeeniya oo ay ka jirtay Imaaro Islaam ah , waxayna uga tagtay  2madfac oo ay ku difaacaan Harar , waddada isku xiri jirtay Adis Ababa , Diridhaba & Harar xilligaasi waxay ahayd hal waddo  oo dhanka waqooyi kaga timaada caasimaddii Harar, markastoo Masiixiyiinta Itoobiya ay soo weerarayaan Harar dhanka waqooyi ayey kaga Imaan jireen . Muslimiinta Imaarada Islaamka ee Ogaadeeniya waxaa u sahlanaa inay iska defaacaan weerar ka xabashida waayo wadda ay ku yimaadaan ayey 2madfac ku ridaan Xabashidu markay ciidamo badan kaga dhintaan kuwo kalena kaga dhaawacmaan ayey dib isaga laaban jireen , waayo inta badan  Itoobiyaanka  xilligaasi waxay ku dagaallami jireen seefo & dhowr qori oo hal keliyaale ah( hal xabbad oo keli ah ay ka dhacdo ).
 
Musiibo  ayaa Muslimiintii ku timi ka dib markuu Faruur oo ahaa nin Aw-Qudub oo ka soo jeeda asal ahaan 5tii nin ee Qibdhiyiinta ee xilli hore halkaasi degay uu kula heshiiyey Masiixiyiinta Xabashida inuu siinayo talo lagu jebiyo Muslimiinta ka dibna lagu Qabsado Harar oo caasimad u ahayd Imaaradii Islaamka .
 
Maalin maalmaha ka mid ah Muslimiinta oo sida caadiga u ahayd iska ilaalinaya waddada waqooyi kaga timaada magaalada Harar  ayaa waxaa si lama filaan ah dhanka Koonfureed  ka soo galay ciidamo Xabashi ah oo uu horkacayo Faruur oo soo marsiiyey waddo Goodir mareen ah oo buuraha dushooda marta, ciidamadaasi waxay dhabar jebiyeen ciidankii Muslimiinta , waxaa halkaasdi Muslimiinta looga dilay dhowr boqol , halka kuwo kalena laga qabsaday .
 
Ciidamadii Muslimiinta si aan loo gumaadin inta ka hartay ayey 2dii madfac kala baxeen  qarxihiyeyaashii oo ayey howdka la galeen . dagaalkani wuxuu ka dhacay bartamaha magaalada Harar & afar-irdoodkeeda . Masjidkii ku yiil magaalada bartamaheeda  oo ah halka booteejada gawaarida Harar waxay Masiixiyiinta ka dhigeen  Kaniisad 2dii madfac oo aan qarxiye lahayn Kaniisadda horteed ayey mutxaf ahaan u dhigeen .
 
Mililiq wuxuu u magacaabay Harar  xoghaye Gobol Xeyla Salaasi  aabihii Mokonon., Xeyla Salaasi markaa ka dib ayuu ku dhashay tuullada Ajar-Sarguuro oo u dhow Harar  . Mililiq wuxuu ku abaal mariyey Faruur dhulbeereed ballaaran  oo buuraleyda Harar u dhaxeeya halka waddada Qulumbo aaddo ay ku taal .
Cabdi Sabuur Faruur oo ka mid ahaa wiilshii Faruur oo hantile weyn noqday wuxuu gowracay mar uu u guurinayey mid ka mid ah wiilashiisa  kun neef oo dibi ah.
 
Xiriirka Xabashida Maanta & Awqudub
 
Ururka Islaax ayey Reer Qibdhi (Aw-Qudub ) samaysteen  hadafkuna wuxuu ahaa inay dhaqaalo, taageero & deeqo waxbarasho ay magaca Islaam ku boobaan ugana faa’iideeyaan ubadkooda oo qura taasoo ay Soomaali badan ay maanta ku baraarugtay & inay ugu dambayn sameeyaan jabhadda Aakhiro Moog  si ay dhul ugu boobaan ayagoo xoolaha ay dalalka carabta kaga soo qaadaan waxaan ku taakulaynaynaa dad masaakiin oo ku tabaaloobay dagaallada sokeeye u adeegsaday inay hub, saanad & loojistikada malleeshiyadooda Aakhiro Moog ku dagaal geliyaan si ay u laayaan dad aan waxba galabsan oo u badan dumar iyo caruur .
 
Iyagoo Mas’uuliyiint Islaax sida: Sheikh Max’ed Garyare,Ibraahim Dasuuqi, Cali Dheere, Maxamed Yuusuf , Axmed Qudubi iwm  ay xiir hoose la samaysteen Itoobiyaanka una sheegay  iney asal ahaan ahaayeen Masiixiyiin taasoo ay ku caddeeyeen inay ku sumadiyaan qubuurahooda gobollada Ogadeeniya & sumadda xoolahoodaba   Calaamadda Masiixiga  sidaa aawadeed ay kala shaqeeyaan oo gacan ka siiyaan dhulballaarsiga iyaga dhankooda ay ballanqadeen diiwaan gelinta magacyada Itixaadka Ogaadeeniya & ONLF ee ku sugan Muqdisho iyo dalka Kiinya, tani waxay keentay inay magacyo badan u gudbiyeen safaaradda Itoobiyaaka ee Kenya  .
 
Dagaaladii 4ta ka dalka Ogaadeeniya ka socday si dadban & si toos ayey kaalmo uga heleen Ciidamada EPRF oo u fududeeya had & gooraale hubka, saanadda  iyo loojistikada uga timaadda Muqdisho oo ay soo diraan Hoggaanka sare Al-Islaax,  todobaadkii hore waxay Beesha Cowlyahan oo ka tirsan beelaha Absame ku qabteen meel u dhow xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto Gobollada Ogaadeniya: hub ay Muqdisho ka soo  direen Hoggaanka sare Al-Islaax sida Cali Dheere, Dasuuqi & Qudubi, waxaa   intaa weheliya inaan fooneeyaha Jabhadda Aakhiro Moog ee ka dagaallamaysa Ogaadeeniya ka dhagaysanay iyagoo la hadlaya Muqdisho oo ay fooneeyaha u fadhiyeen dhanka Muqdisho Cali Dheere& Dasuuqi, waxay yiraahdeen 150kii wiil ee dagaallamayey qofna kama soo laaban, ee hub ina la soo gaara ,qolodii Muqdisho u fadhiday waxay ku jawaabeen hubkii hore meel dhexe ayaa lagu qabsaday meel kale oo aan wax idin soo marsiino ma naqaan . waxaa  kaloo dagaalldan lagu qabtay 2sarkaal oo Xabashi ah, halka kuwo kale lagu laayey.
 
WARBIXIN LA XIRIIRTA  XAL U HELIDDA MUSHKILADA DAGAALLADA ISMAAMUL GOBOLEEDKA OGAADEENIYA
 
Mushkiladda dagaallada sokeeye ee xasuuqa,dhaca, boobka,barokicinta,doorga beerista,daawo been abuur sameynta, gubidda dhirta & nabaad guurinta dhulka ,suntan& wasakhda Niyuuklerka lagu qubo dhulka Soomaalida bad & berri ,marti gelinta kooxaha argagixisada  dambiyo ka soo geystay dalal kala duwan oo caalamka ka tirsan, samaynta lacago been abuur ah iyo nooc kasta oo xun oo uu aadanaha ka maago ayey Soomaaliya ka waddaa Beesha Habar Gidir, maacuuntooda & Beesha Aw-qudub ummadda Soomaaliyeed & Beesha Caalamka wada jir ayey uga dheregsan yihiin, labadaba wax nidaam dowladeed inuu Soomaaliya ka hergalo ma rabaan waayo :
 
-Habargidir: Culimo & caamo waxay aaminsan tahay 6gobol ee koonfurgalbeed (Shabeellada Hoose, Jubbada Hoose & Dhexe,Bay, Bakool iyo Gedo)oo 3da hore ay xoog ku qabsadeen dadkiidegaannadaasi deganaa waxay u yaqaanaan Itoobiyaan, daroogo ay ku beeraan beerihii ay qabsadeen iyo guryihii degaanadaasi ay ka barakiciyeen dadkii lahaa iyaga & maacuuntooda , sidaa soo kale caasimadda Muqdisho waxay haystaan guryihii shacabkii ay barokiciyeen iyo kuwii dowladda waxayna aaminsan yihiin in haddii ay ogolaadaan dowlad Soomaaliyeed inay shaqayso inay waaynayaan guryaha iyo beeraha ay haystaan oo ayan u suuro geli doonin beeriest daroogada, iyo ka ganacsigeeda ,samaynta lacago & dawooyin been abuur ah , waxay kaloo aaminsan yihiin inaysan ilaaay ka geeriyoodaan odoyaashii lahaa beeraha & guriyihii ay qabsadeen aysan ogolaan  soo celinta nidaamiyo kala dambayn & dowladnimo.
 
Beelaha Soomaaliyeed oo ay dadkooda xasuuqeen ama ay barokiciyeen waxay kala yihiin : Daaroodka qaybihiisa kala duwan(oo ay ka saareen Muqdisho, Jubbooyinka , Xawaadle(oo ay ka saareen Muqdisho,dabadeed ay ugu tageen Beledweyn oo ay iyana ka saareen  iyagoo in muddo halkaasi oo si fool xun ula dhaqmay intii ay halkaasi haysteen )
Murursade (oo ay u bixeeyeen Kuweyt markay bililiqaysteen hantidooda) Dirta koonfureen oo ku gumaadeen degaanada koofur Mudug iyagoo xitaa ka laayey ergooyin nabad doon oo ay salaadiin ku jirto ,sidoo kale waxay ku dileen Marka Suldaanka Biyomaal) Mundulood waxay ka qabsadeen 16ka degmo ee gobolka Banaadir marka laga reebo 2dego ka dib markay layeen diracyadooda , iyaga qudhooga wey is laayeen oo waxay iska goraceen diracyada , salaadiinta  & duubabka.
Hab dhaqanka Hargidir Culimadooda waxaa ka mid ah in Diinta Islaamka barashadeeda loo adeegsado sidii Mustashriqiintii oo kale in adduunyo lagu raadiyo lagu difaaco dulmi, waana sababta ay u sameysteen maxkamadaha shaarka diinta huwan & Mucaskaraadka lagu tabo baro malleeshiyoonka difaaca sii haysshada dhubeeredka iyo guryaha ay xaaraamta ku haystaan  si loogu qariyo xumaanta ay wadaan :
 
Muslinnimo & mu’minnimo khaas ah ninkaan kugu  dhaqayn
gaal maxasta kuu dhowr aad magansataa dhaama.
Waxaa la yaab leh inaysan ka war qabin ummadda Soomaalida oo beel kastaa ay culimo nadiif ah leedahay, sidaasoo kale siyaasiyiinta, waxgaradka,& salaadiinta Soomaalida iyna way ka dheregsan yihiin xummantaiyo qurunka ay shaarka diinta uhuwiyeen
 
-Aw-Qudub: sidaasoo kale ma ogola  in sharci & kala dambayn iyo dowladnimo ay Soomaaliya ku soo laabato waayo :marka hore waxay og yihiin inay soomaaliya wax degaan ah aysan ku lahayn, ta xigta inta ay fowdada ay Soomaaliya ka jirtay 15kii sano ee dagaallada sokeeye ay socdeen waxay boobeen hanti badan iyo deeqo waxbarasho oo ay magaca Soomaaliku soo qaadeen , taasoo ay og yihiin inay waaynayaan haddii ay Soomaaliya hesho dowlad soo celisa nidaamka & kala dambaynta.
 
Si ay dhibaatada u sii u sii socoto waxay si dadban iyo si toosba uga qayb galeen dagaalladii sokeeye iyagoo la baxay Aakhiro Moog , waayaddii hore sida Un-ta oo kale meelkasta wey tigi jireen oo waa la marti gelin jiray oo xoolo siyaaro ayaa la siin jiray  iskaba dhaaf inay cidi wax yeesho ,maantse cid bixinayso ma jirto waayo Soomaali waxa ay kawada dherensan tahay waxa ay sameeyeen Caraabta waxay ku maahmaahdaa (Samin kalbaka ya’kuluka)  oo macnaheeda yahay :(Eygaaga cayili ha ku  cunee).
Aw-qudub waxay ka qaybqaateen xasuuqii Daarooka iyo barokicintiisa,qabsashadii Shabeellada hoose,Bay& Bakool xilligii caydiid & xasuuqii Digil & Mirifle oo uu ka mid yahay dagaalkii Xaabsade uu uga saaray Baydhabo malleeshiyada sheikh Aadan Madoobe iyo Shaati Gaduud iyagoo Xaabsade sii hantidii uu ku dagaalgalay ururka al-Islaax oo uu Shariif Xasan Sheekh Aadan(Guddoomiyaha baarlamaanka )oo ka tirsan yahay oo ay Aw-Qudub madax ka yihiin, waxay kaloo siyaabo dadban uga qayb qaateen dagaalladii  dagaalladii beelaha Hawiyaha dhexdood iyagoo si qarsoodi u siiya hantida lagu dagaal galo hadba qoloda ay is leeyihiin iyadaa libinta qaadanaysa, tusaale: dagaalkii ay Habargidir ku qaaday Mundullood iyagu caydiid ay la jireen ooh anti siiyeen, dagaalkii Xaawaadlaha & Murusadaha  ay habar gidir ku qaaday taakulo ay habargir siiyeen Aw-Qudubka , dagaalladii Dirta ee Mudug dhaqaalo fiican ayey Habargir siiyeen , dagaalkii TNG C/qaasim ku qaadday Xuseen Ceydiid iyo Muuse Suudi lacagtii kaga baxday C/Qaasim waxaa siiyey Islaax..
 
Go’aanada shirka & Talo soo jeedin xooggan
 
Hordhac:  waxay Soomaalida ka wada dheregsan tahay inay Ururka AL-Islaax uuku bixiyey fashilinta shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee 2sano& bar ka socday dalka Kiinya ugu yaraan hal milyan oo doolar.
-Shariif Xasan Sheekh Aadan guddoomiyaha baarlamaanka federaalka KM ee Soomaliya inuu xubin ka yahay ururka Islaax , oo iyaga  & kuwa dowlad diidka ay wada jir u maalgeliyeen .
-Rididii dowladdii Cali Maxamed dhaqaale xoog leh ayey ku bixiyeen ayadoo Ibraahim Dasuuqi oo Muqdisho laga soo diray & Daahir Sheekh Axmed Abuubakar wakiilka
-Islaax ee Bariga Afrika ay wada jir u maamulayeen dhaqaalaha loogu talo galay rididda Dowldda Cali Geeddi ayadoo Shariif Xasan uu isteerinka u hayey  rididaasi.
-Mushkiladda dhextiil 2da gole ee dowladda 10kii bilood ee la soo dhaafay  oo wejiyo badan leh , weji ka mid ah waa ururka Islaax lacag badan ku bixiyey fashalinta dowladda ayagoo adeegsanayey askarigooda Shariif Xasan .
-Inay Islaax ku lug leedahay afduubyada iyo khaarajinta qofka ay u arkaan inuu danahooda ka soo horjeedo sida in badan ay ka sameeyeen Kiinya & Soomaaliya 15kii sano ee la soo dhaafay
 
Waxay kaloo Soomaalida ka wada dheregsan tahay:
-         in inta badan ay Habargidir ka soo horjeeddo dowladda federaalka KM ee Soomaliya  ee dalka Kiinya lagu dhisay iyaga iyo taageerayaasha Qanyare ay ku tilmaameen dowladaha safka hore oo ay Kiinya ku jirto ay cadow Soomaaliyeed yihiin ,isla markaa taageero joogto ah siiya dagaalada slaax ka wadaan dalkayaga Ogaadeeniya ee lagu gummaadayo maatadayada.
-         In hubka  ka soo gala Kiinya dalka Soomaaliya oo tuugada isticmaasho ay keenaan ganacsatada habargidir & tageerayaasha Qanyaye.
-         Mooryaanta Muqdisho isbaarada dhigata qaar ka mid ahna ay soo geliyeen Kiinya kuwaasoo xiriir fiican la leh tuugta bistooladaha dadka ku baarta xaafadda islii . Tusaale: muddo 10 casho laga joogo waxaa xaafadda Islii lagu dilay 2Soomaali ah iyagoo bistoolado ku dhacaya taleefannada moobilka kuwaasoo  ka mid ahaa Mooryaantii Muqdisho ee Isbaarooyinka , ayadoo bishii Maarso 8eeda lagu qabtay hotel Bangaanni ee 7street , Islii tuugo hubaysan oo uu ka mid ahaa nin Soomaali  oo Mooryaantii Muqdisho ka mid ahaa, isla markaa time jarenimo ku joogay xaafadda Islii 6street.
-         Markabkii taakulada Sunaami u siday Xaafuun  iyo shaqaalihii saarnaa Habargidir ayaa ku qafaalatay xeebta u dhaxaysa Xarar-Dheere& Hobyo halkan ayey ka maamuleen afduubka .
-         Waxay toddobaadkii hore ku dileen 3street  Islii, Nairobi, nin Majeerteen ah
-         Jimcihii la soo  dhaafay waxay weerar 2 casho socday ku qabsadeen degmada Ceelwaaq 70 tikniko oo ay wateen Xasan Daahir Awees & Indho Cadde
-         Doorashadii Soomaali maalmo ka hor isla ciidamada Habar gidir oo ay horkacayeen Xasan Daahir Uweys iyo Indho Cadde waxay qabsadeen Jubbada hoose ayagoo halkaa ka saran jeneraal Moorgan oo gubay ,bililiqaystay Dhooblay & deegaano kale
Waxay kale ay weerar ku qaadeen Baydhabo iyagoo halkaasi ka saaray ciidamadii Sheekh Aadan Madoobe & Shaati Guduud.
-Waxay Habargidir ku lug leedahay afduubyada iyo khaarajinta arrimaha siyaasadda & ganacsiga la xiriira ay Kiinya 15kii sano ee la soo dhaafay
Sidaa aawadeed  waxaan go’aansanay , talo ahaanna ugu soo jeedinaynaa dhammaan xubnaha beelaha Absame caalamka meel kasta ay ka joogaan fulinta, hergilnta & ku dhaqanka talooyinka soo socda:
Abdirizak A.Dalmar
dalmar203@yahoo.com

Xasuusin: Hadii aan nahay bahda Somaliweyn waxaan dadweynaha u sheegaynaa fikrada dadweynaha in anaan anaga masuul ka aheen, uu masuulayadeeda ay saaran tahay shaqsiga soo qoro Ra'yigiisa.
Mahadsanidiin

This Page!