Somali News

Baaq: Taliska Itoobiya oo Go'aansaday inuu qabsado Koonfurta Soomaaliya

[20/07/06]

 
Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi
 
" Waygu Ciirsantee Taldu, Cayn wareegsantee aniga
Cirkaa dheer Dhul kaa dheer, xageen caawa joogaa"
 
 
Bristol-20-07-2006 (Somali Voice) Maamulka Kaligii Taliska ah ee Xaaraanta ku haysta shucuubta Itoobiya ee uu Hormuudka ka yahay Meles Zenaawi ayaa u imika u xadhko xidhanaya  inay kusoo duulaan umada soomaaliyeed ee ku dhaqan  Koonfurta Soomaaliya sida ay tibaaxayaan warar lagu kalsoonaan karaa.
 
Wasiirka Warfaafinta ee Tigreega ka taliya Itoobiya Berhan Hailu ayaa wakaalada wararka Associated Press. waxa uu u sheegay in Itoobiya ay diyaar u tahay inay gudaha u gasho  dalka Soomaaliya si ay u difaacdo waxa uu ku sheegay dawlada kumeel gaadhka ah ee Baydho fadhigeedu uu yahay, dawladaasoo ka kooban dhagar qabayaashii ummada Soomaaliyeed iyo dalka Soomaliya burburka u horseeday, iyadoo Dhagar qabayaashaasi ay Dawlada Itoobiya iyo dawlado cadaawad u qaba dadka Soomaaliyeed ay Kenya kusoo dhiseen.
 
Si kastaba ha ahaatee Iyada oo umada Soomaaliyeed ay ee dalka gudihiisa iyo debadiisa ku nooliba ay u damaashaadayaan Ferejka Ilaahay u soo diray ee Maxkamadaha Islaamka oo imika ka shaqaynaya dib usoo celinta Nidaamkii iyo kala danbayntii, isla markaasina ay Maxkamdaha Islaamku dib u fureen Dekedii iyo Madaarkii Muqdisho, hubkana ay ka dhigeen maleeshiyaadkii umada afduubka ku haystay, ayaa waxaa la is wediin karaa waxa maanta Itoobiya ku kelifaya inay soo weerarto Ummada Soomaliyeed ee dagaaladu naafeeyeen kuwaasoo la  legdemaya sidii dalkooda ay nabad ugu soo dabaali lahaayeen?
 
Shaki waxaanuu ku jirin in Jawaabtu ay noqonayso mid cad oo ah marnba Itoobiya iyo cadawga Umada Soomaaliyeed ee kalaba inaanuu rabin in dadweynaha iyo dalka Soomaliya ay nabad helaan oo ay horumar gaadhaan, sidaasi daraadeedna ay cadawga umada soomaaliyeed isu bahaysteen inay soo hubeeyaan oo ay adeegsadaan dhagarqabayaashii dagaal oogayaasha ahaa ee ummada laga qabtay si umadda Soomaliyeed burbur hor leh ay u gasho oo ay dabar go'ado.
 
Jariidada Somali Voice waxay ugu baaqaysaa Dawlada Itoobiya inay faraha kala baxdo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, si degdeg ahna ay u joojiso taageerada ay u fidinayso dagaal oogayaasha, degdegna ay ciidamadeeda ugula soo baxdo gudaha Dalka Soomaaliya. Hadii ay Itoobiya isku daydo inay dalka Soomaliya weerar ku qaado, waxaa hubaal ah inay ku jabi doonaan dagaalkaas, umada Soomaaliyeedna ay caan ku tahay inaanay marnaba u dulloobin ama is hoos dhigin cadaw Itoobiya oo kale ah.
 
Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa umada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay Dalkooda Difaacdaan kana hortagaan cadawga raba inay fashiliyaan guulaha taariikhiga ah ee ay Maxkamadaha Islaamku usoo hooyeen umada Soomaaliyeed.
 
Dhinaca kale, Maxkamadaha Islaamka waxaa ku waajib ah inay ka fogaadaan inay gabood siiyaan ama ay soo dhaweeyaan argagixisada caalamka, hawsha Maxkamaduhu waa inay noqotaa mid ku kooban Gudaha dalka Soomaaliya oo kaliya, waana inay ka fogaadaan inay marnaba ka qayb qaataan hawlo argagixiso oo wax lagu yeelayo dalalka deriska ah iyo bulshada caalamka midna.
 
Ugu danbayn waxaan Maxkamadaha ugu Baaqayaa inay sii wadaan dedaalkooda ay dib ugu furayaan wadooyinka waaweyn, dekedaha, iyo gegooyinka diyaaradaha ee 16ka sanadood xidhnaa, waxaa kale oo aan kula dardaarmayaa inaanay ka niyad jabin hadalada iyo hanjabaada cadawgu uu ku hayo halgankooda ku qotoma dib usoo celinta sharaftii, karaamadii iyo haybadii luntay ee ummadeena.
 
Guul iyo Gobanimo
 
Kaysar Cabdilaahi Maxamed
 
Tafatiraha Jariidada Somali Voice
 
Birstol. UK
 
 
 
 

Xasuusin: Hadii aan nahay bahda Somaliweyn waxaan dadweynaha u sheegaynaa fikrada dadweynaha in anaan anaga masuul ka aheen, uu masuulayadeeda ay saaran tahay shaqsiga soo qoro Ra'yigiisa.
Mahadsanidiin