Somali News  
    Heesta Somaliweyn: Hees  
 
 


Dood: Shabaab iyo Shacabka Soomaaliyeed (Qaybtii-2-)

6 Juun 2009 SMC

Waa dood faneed gaaban oo lagu ifinayo su’aalaha shacabka Soomaaliyeed u qabaan Shabaabka. Waxa su’aalahaa jawaabahooda laga heli karaa dhaqanka Shabaabku ay la soo ifbaxeen mudadii magacoodu ka jiray geyiga Soomaaliyeed
Shacabka: Falalkiina arxandarida ah, ee aad dad ashahaadanayo aad ku biraynaysaan sidii xoolahii, waa arinta keentay in dadka dib u fiiriyaan ficiladiina , kana muujiyaan cabsi iyo taxadar. Waxaanu ognahay in dhaqankani ahayn kii nabi Muxamad SCW oo Ilaah uu lasoo diray naxariis inuu dunida ku fidiyo, Maxaad ka leedahiin arintaan?
Shabaab: Biraynta dadka waxaan uga dayanaynaa Sheekhuna Muscab Al-zarqaawi, oo  Ciraaq ku shahiiday, inagana sidayadaba falalka waxaan uga dayanaa shuhadada Afgaanistaan iyo Ciraaq, kama eegno in nabigu sameeyay iyo in kale. Argagixinta cadawga Ilaah (Gaalada & Kawa taladayada diidan), waa mid u baahan xeelado kala duwan. Mardhawna waxaan ku dari doonaa xeelado cusub sida dhufaanid oo lagu samayn doono kii diida inuu inagu daro wiilashiisa si ay jihaadka uga qaybgalaan, sababtoo ah, ma doonayno inuu dhalo caruur aan jihaadka Ilaah ka qayb qaadanayn.
Shacabka: Maxuu yahay xiriirka idinka dhaxeeyo adinka iyo Xisbul-islaam?
Shabaab: Aad ayaad ugu mahadsantahay su’aasha aad u waydiisay, tan ayaa ka muhiimsan kuwii hore oo dhan. Xisbul-Islaam waxay doonayaan in layaraha tartiibiyo xawliga lagu socdo, oo hadda hadafka laga dhigo Geeska Afrika, inagana sida aad la socotaanba kuma istaagi doono meel ka sokaysa Alaska iyo Saybeeriya. Tan kale; Hogaamiyayaasha ururkaas waxay ka caado dhigteen munaafaqnimo, waa hubaal inaga iyo labada xassan waxwayn oo inoo dhaxeeya ma jirto, oo aan ka ahayn in anaga ina haayso fudayd dhalinyarnimo iyagana yahiin odayaal. Anaga waxaan u aragnaa munaafaqnimo in waxa himiladaada ah aad ka qariso aduunka kale. Waxaa kale oo jirto arin cusub oo illaa hadda aan fahmi la’nahay, oo uu ku dhaqaaqay Sh Xassan Daahir, oo  ah inuu qaatay ganiimadii inooga soo aaday ciidankii iyo qalabkii Yuusuf indho-cadde. Fahankayaga islaamka waxuu qabaa in ganiimadaan la marsiiyo wadadii dadkii gaalada ee Badar lagu qabtay  “ hantida in sida ay tahay loo qaybsado, uuna ugu badsado kan tiknikada saaran, uuna ku xigo kan daba-miishaarka huwan kadibna AK-47, la yuururka wax la isaga tuuro.
Shacabka: Wiilkii yaraa ee maalin dhawyd isku qarxiyay ciidamada dawladda waxuu ahaa wiil yar oo reer faqiir ah ka dhashay, iskool/dugsi midna  aanan tagin, idinku soo raacay inaad quudisaan, si uu usii noolaado, adinkana waxaad u dirteen aakhiro, oo sheekadaan gaaban ayaa dhaxmartay isaga iyo kii afarta kilo ee masaamirta iyo baaruuda ah u guntiyay:
Dhibbane: Maxaad iga doonaysaa?
Sheeekh shabaab: Inaad isku soo qarxiso cadawga Ilaah
Dhibbane: Maxaan ku halayaa is qarxinta?
Sheekh shabaab: 72 xuurul-cayn iyo inaad la daristo Nabiyada Ilaah iyo Shuhadada iyo Saalixiinta, wax lala darsana iyaga ayaa ugu qiimo badan.
Dhibbane: Sheekhoow  halkaa adiga ayay kugu haboontahay, kulana jeclaaday ee maad tagtid, oo aniga iga masaamax, diyaar uma ihiye.
Sheekh Shabaab: Suunkii(Qarxayay) guntiga ayaa laguugu dhuujiyay, haddana meel aad ka laabato ma joogtid, lagaamana furi karo, ee adigu labo mid “ Inaad cadawga Ilaah la aado, oo aad hesho waxaan kuu balan qaaday iyo inaad meel cidlo ah isku qarxiso oo aad Naar ku waarto ajirkana sidaa kugu seego.
Shabaab: Hadalkaa waa mid xaqiiqda ka fog, xaqiiqu waxay tahay in wiilka mar hore balan laga qaaday in cadwga Ilaah uu dabar-goyn doono meelkasta oo ay joogaan. Laakiin sidaad ogtahiinba; waxbaa ka jiro, in markii suunka loo guntiyay uu yaraha argagaxay, iskuna dayay inuu iska furo, suumankaana meel laga xiro way leeyahiin ee siriq laga furo malaha. Haddii mar laguu xiro horeey ayaad u siisocon. Hal kale aan kuu raaciyo: Baabuurta la isku qarxiyay ee aad maqlayso Ciraaq iyo Afgaanistaan iyo Soomaaliya, waxay u badanyahiin kuwo lagu rakibay qalabka qarxa isaga oo mulkiilaha/darawalka uusan ka warhayn, halkaana waxaa dhacdo in darawalkii ku geeriyoodo magaciisa aan ku darno SHUHADADA.
Shacabka: Mar hadii aadan u imaan shacabka dantiisa, oo aad doonaysaan in halkaan ay ka bilaabmato wadada aad u maraysaan Saybeeriya - in kasta oo Afgaanistaan ay ka dhawdahay – shacabka miyuusan xaq u lahayn inuu diido qorshahiina?
Shabaab: Maya, madiidi karo, Ilaah ayaa ku adoonsaday shacabka inay qorshahayaga taageeraan, wayna ka shalaayi doonaan hadii ay isku dayaan arintaas.
Shacabka: Waxaan aragnaa in dagaalkiina ku jeedo dadka muslimiinta ah, oo aadan wax dhib ah aadan u gaysanayn gaalada joogta Muqdisho?
Shabaab: Sidaad ogtahiin inaga awood aanu uga hortagno ciidamadaa gaalada ma lihin, oo horaan ayaa intaan isugu daynay aan ku waynay rag qaali ah, sababtu waxay tahay, 1-aad ayay u tababaranyahiin, 2- Saanad aad u tirabadan iyo tiknikona way haystaan, 3-dhimasho ayay diyaar u yahiin. Sidaa darteed; inagu meesha nalaga qaniinaa waa naqaanaa.
Shacabka: Erayga MURTAD oo aad kusoo kordhiseen qamuuska Soomaalida bal inoo micneeya, oo maxaad ka wadaan?
Shabaab: Mahadsanid; waa su’aal aad u qiimo badan, Murtad: waa qof Islaam ahaan jiray oo gaal noqday, waad maqasheen ayaan u malaynayaa DOOFAAR WAXAA LOO CADAABAA FICILKIISA, oo raggaa dawladda sheegnaya oo qofwalba oo ka soo horjeedo qaab aan aduunka u aragno, waa MURTAD =  GAAL CAD.
Shacabka: Miyaad garanaysaan waxa ka dhalanayo eraygaan, sidii Nabiga inoo sheegay “Qof haduu gaaleeyo qof kale, gaalnimda meel cidla ah ma dhacayso, oo kan lagu sheegay ayaan gaal ah ama kan sheegay ayay ku soo noqon”.
Shabaab: Anaga xagayaga waan hubnaa in falakayaga uu Ilaah maqsuud ka yahay, ee kuwa qasaaray waa kuwa inaga horyimaada. hadii aan sharax yar raaciyo micnaha erayga MURTAD, waxaa ka dhalanayo in haweenka ay qabaan MURTADIINTA ay ka furanyahiin, oo mustaqbalka ay noqonayaan IMAA, oo uu macnaheeyahay adoon la iska leeyahay sidoo kale caruurtooda waxaa kala qaadan doona mujaahidiinta, oo caruur ka dhigan doono, maadaama aysan waqti uhay guursi iyo caruur dhalid.
Shacabka: Xaaladda waad u jeedaan oo shacabkii dhamaa wuu dhamaaday, maxaa talo ah?
Shabaab: Talada Ilaah ayaa haayo, inaga waxaa kaliya oo nalagu adoonsaday inaan isaga raalli galino, ee hawshayada maha inaan ka fikirno waxa shacabka danta ugu jirto, Taana waxaa diinta uga baxay kooxda dawladda noqotay iyo kuwa taageera.

W/Q Caabi Shaafici (Wadani)
E-mail: wadani33@live.co.uk
FG: Haddii aad doonayso inaad ku lifaaqdo qaybta hore ee doodad fadlan ku lamaani mareegta hoose
Dood:shabaab iyo Shacabka Soomaaliyeed (Qaybta-1-)
http://wardheernews.com/Articles_09/Feb/11_dood_caabi.html


Somaliweyn Media Center “SMC”

 
Arabic News
Today's News 24-Mar-2009

شيخ شريف ينفي طلب قوات إفريقية إضافية من السودان
(Read more) 24-Mar- 2009

السفن الحربية الروسية تتوجه الى خليج عدن فى اواخر مارس
(Read more) 24-Mar- 2009

Today's News 22-Mar-2009

المحاكم الإسلامية تكتشف مقابر جماعية في مدينة مقديشوا
(Read more) 22-Mar- 2009

الإرياني:هناك قوى لها مآرب سياسية من القرصنة والحشد العسكري قد يولد قرصنة تهدد العالم
(Read more) 22-Mar- 2009

الأبرش يبحث ووفد صومالي سبل تطوير العلاقات البرلمانية
(Read more) 22-Mar- 2009

القراصنة الصوماليون يطلقون سراح سفينة هندية
(Read more) 22-Mar- 2009

Today's News 19-Mar-2009

ابن لادن يحث الصوماليين علي الإطاحة بالرئيس الجديد
(Read more) 19-Mar- 2009

 افتتاح مركز تسجيل اللاجئين الصومال
(Read more) 19-Mar- 2009

Today's News 17-Mar-2009

وفاة 72 شخصا معظمهم من الاطفال بسبب اسهال حاد في الصومال
(Read more) 17-Mar- 2009

الأمم المتحدة ترحب بالإفراج عن موظفيها الذين اختطفوا في الصومال وتؤكد مواصلة عملياتها هناك
(Read more) 17-Mar- 2009

أعلن السفير الأثيوبي في موسكو أن سلطات أثيوبيا تواصل تقديم المساعدة لحكومة الصومال الانتقالية
(Read more) 17-Mar- 2009

مجموعة الإتصال الدولية تعقد إجتماعا في القاهرة لمكافحة القرصنة
(Read more) 17-Mar- 2009

Today's News 16-Mar-2009

مدينة مقديشو تشهد مظاهرات تندد بحكم المحكمة الدولية ضد الرئيس السوداني 
(Read more) 16-Mar- 2009

Today's News 14-Mar-2009

إصابة عمدة بلدية ودجر بعبوة ناسفة بالقرب من مطار مقديشوا الدولي 
(Read more) 14-Mar- 2009

جماعة أهل السنة تسيطر علي عدة بلدات في إقليم قلقذود بوسط الصومال
(Read more) 14-Mar- 2009

Today's News 12-Mar-2009

البرلمان الصومالي يفتتح أولي جلساته في مقره الجديد بمقديشوا 
(Read more) 12-Mar- 2009

البرلمان الصومالي يفتتح أولي جلساته في مقره الجديد
(Read more) 12-Mar- 2009

مخاوف من تجنيد أمريكيين صوماليين لتنفيذ هجمات إرهابية
(Read more) 12-Mar- 2009

الاتحاد الإفريقي يمدد بقاء قواته في الصومال
(Read more) 12-Mar- 2009

Today's News 11-Mar-2009

مقتل أربعة أفراد من  الشرطة الصومالية  بإنفجارعبوةناسفة  في مقديشوا صباح اليوم
(Read more) 11-Mar- 2009

مركز الجزيرة ينظم ندوة عن الصومال وملامح المرحلة القادمة
(Read more) 11-Mar- 2009

الناتو يوافق على تشكيل مهمة جديدة لمحاربة القرصنة
(Read more) 11-Mar- 2009

قوات حفظ السلام الافريقية تبقى في الصومال ثلاثة شهور إضافية
(Read more) 11-Mar- 2009

Today's News 10-Mar-2009

رئيس البرلمان شيخ أذن مذوبي ش يتسلم مقر البرلمان الصومالي المؤقت
(Read more) 10-Mar- 2009

الرئيس الصومالي يتوجه إلي أوغندا ضمن  زيارته  الإفريقية
(Read more) 10-Mar- 2009

Today's News 9-Mar-2009

سقوط طائرة عسكرية متجهة إلي الصومال في مدينة كمبالا مخلفتا عشرة قتلي
(Read more) 9-Mar- 2009

رئيس الجمهورية الصومالي   يلتقي مع نظيره الكيني في مدينة نيروبي في جولته  لعدة دول إفريقية
(Read more) 9-Mar- 2009

ليبيا: بيرلسكونى يدعو القذافى لحضور القمة المقبلة للدول الثماني الصناعية الكبرى.
(Read more) 9-Mar- 2009

الأمن الشخصي تغلب على الأمن القومي فأهملنا الصومال وتناسينا مخاطر القراصنة على قناة السويس.
(Read more) 9-Mar- 2009

ماهو سر ودوافع  إهتمام جريدة الشرق الأوسط بالقضية الصومالية في ظل إهمال وسائل الإعلام هذا الشأن :
(Read more) 9-Mar- 2009

English News
Today's News 24-Mar-2009
Somalia: Uganda deploys more peacekeepers in volatile Somalia (Read more) 24-Mar- 2009

Somalia: Al-Shabab bans Khat and cars with opaque glasses in Baidoa  (Read more) 24-Mar- 2009

Somalia: 10 died in a lorry accident 14 others wounded in central Somalia (Read more) 24-Mar- 2009

Somalia: Bula-Hawo district authority sends warning signal to Kenya (Read more) 24-Mar- 2009

Somalia: Foreign Minister Omaar notes deployment of foreign troops (Read more) 24-Mar- 2009

Somalia: Hizbul-Islam remarks upon the defect members (Read more) 24-Mar- 2009

Somalia: Somali owned 5 star hotel turned to ashes (Read more) 24-Mar- 2009

Somalia not seeking Sudanese peacekeepers - president (Read more) 24-Mar- 2009

Somalia: AU Hails Somalia Milestone; Donor Conference Planned (Read more) 24-Mar- 2009

Today's News 23-Mar-2009
Somalia: Prominent Somali cleric detained in Puntland Tension High (Read more) 23-Mar- 2009

Hijab debate lifts veil on limits of Norway's tolerance (Read more) 23-Mar- 2009

Somalia: 18 students died in a road accident in Kenya 9 (Read more) 23-Mar- 2009

Somalia: Hisbul-Islam endorse the efforts of the clerics (Read more) 23-Mar- 2009

Somalia: Islamic Courts Union takes control of Shibis district (Read more) 23-Mar- 2009

Somalia: A Somali girl kidnapped by Somalis in Mogadishu (Read more) 23-Mar- 2009

Somalia: Sudanese president calls for support for new Somali gov't (Read more) 23-Mar- 2009

Somalia: Japan says pirates fire on ship off Somalia (Read more) 23-Mar- 2009

Today's News 22-Mar-2009
The skeletons of 5 people found in Mogadishu (Read more) 22-Mar- 2009

No deployment of Extra Troops Information Minister (Read more) 22-Mar- 2009

Statement by the UN Special Representative for Somalia Mr Ahmedou Ould-Abdallah  (Read more) 22-Mar- 2009

Somalia: “No single government soldier surrendered” governor (Read more) 22-Mar- 2009

Somalia: “Demanding for extra troops would jeopardize stability” Elder Diriye (Read more) 22-Mar- 2009

Somalia: Insecurity at Bulahubey a section of Wadjir district (Read more) 22-Mar- 2009

Somali: pirates free hijacked ship with 16 Indians (Read more) 22-Mar- 2009

Somalia: open meeting on Somalia (Read more) 22-Mar- 2009

Today's News 21-Mar-2009
Somali FM Says Peace and Security New Government's Top Priority (Read more) 21-Mar- 2009

Ecoterra – Somali Marine & Coastal Monitor - Part VI. The Latest Piracy News from Somalia, Kenya (Read more) 21-Mar- 2009

Today's News 19-Mar-2009
Somalia: World Food Program contractor gunned down in Mogadishu (Read more) 19-Mar- 2009

Somalia: UN debates bolstering African Union peacekeeping (Read more) 19-Mar- 2009

Somalia: UN chief says defeating piracy requires restoration of law in Somalia (Read more) 19-Mar- 2009

Today's News 18-Mar-2009
Somalia: Al-Shabab commander says 16 killed in daybreak battle (Read more) 18-Mar- 2009  

Somalia: Ferocious battle at Rabdhure district in Bakool region (Read more) 18-Mar- 2009  

Somalia: AU Peacekeepers wounded in twin blasts (Read more) 18-Mar- 2009

Somalia: ETN TV director is not arrested for his journalism line of work (Read more) 18-Mar- 2009

Swedish citizen senior leader of Somali terror alliance (Read more) 18-Mar- 2009

Today's News 17-Mar-2009
Somali Olympics committee to elect a new leadership this week (Read more) 17-Mar- 2009

Somalia: MPs condemned fighting at Galgadud region in central Somalia (Read more) 17-Mar- 2009

Somalia: 15 people died starvation in lower Shabelle region (Read more) 17-Mar- 2009

Somalia: Justice Minster meets with the administration of central jail (Read more) 17-Mar- 2009

Somalia: Former Somali officer surrenders to Al-Shabab (Read more) 17-Mar- 2009

Somalia: 4 kidnapped UN personnel released (Read more) 17-Mar- 2009

Abducted UN staff in Somalia released safely (Read more) 17-Mar- 2009

Today's News 16-Mar-2009
Statement from the United Nations in Somalia on abduction of UN staff in South Central Somalia (Read more) 16-Mar- 2009

Local teens look up to Somali hip-hop artist (Read more) 16-Mar- 2009

FSAU : Release of NEW monthly Climate Data Update (Read more) 16-Mar- 2009

Demonstration against the warrant arrest of Al-Bashir in Mogadishu (Read more) 16-Mar- 2009

Somalia: 4 UN officers kidnapped in at Wajid district in Bakool region (Read more) 16-Mar- 2009

 

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)