Somali News  
    Heesta Somaliweyn: Hees  
 
 


MAXAA KALA HAYSTA BEESHA CAYR IYO XASAN DAAHIR!!!

6 Juun 2009 SMC

.Beeshan oo ah beesha uu kasoo jeedo Xasan Daahir  waxaa dagaalka loo geliyey hab ku dhisan shirqool ay iska kaashadeen dad aad u naxariis daran oo aan wax dan ah ka lahayn beesha iyo guud ahaan masiirka iyo badbaadada ummadda.

Waxay arrimuhu u dheceen sida soo socota:-

Beesha Cayr waxay ka mid ahayd fursadihii ugu muhiimsanaa ee midawga maxaakimta wahaabiyada, waxay si qabiil ah dagaalka u geliyeen inta badan mallaysiyadii hubaysnayd ee beesha.

Waxay dhagar qabayaashu beesha u sheegeen in ay jihad ku jiraan, wixii ka dhintaana ay jannada gelayaan.

In ay la dirirayaan hoggaamiyaal gaaloobay. Col Xasan Daahir wuxuu idaacadda BBC iyo idaacadaha gudaha ka sheegay: wiilashu waxay geli jireen dagaal qabiil haddana waxaan gelinay dagaal ay jannada ku gelayaan.

Beesha waxay leedahay Culamma waawayn oo caan ka ah Soomaalida dhexdeeda iyo caalamkaba, waxayna in badan sheegeen “in diinta looga baxayo in jihaad lagu sheego daadinta dhiigga muslimiinta” .

Laakiin waxaa is weydiin mudan sababta beeshu u khilaaftay culammadeeda, maadaama erayga Jihaad uu yahay shicaar diini ah, culammaduna tahay cidda keliya ee aqoonta iyo xaqa u leh caddayntiisa?

Jawaabtu way caddahay, beeshu waxay gacanta u gashay shirqool siyaasadeed,  Ee uu hugaamiyo Xasan Daahir  mid dhaqaale, iyo bulsho oo si aan naxariis lahayn loogu huwiyey magaca diinta iyo qabiilka; waxaana ugu weynaa sababihii shirqoolkaas diyaariyey:

·                    U diyaaar garawga shirkii carta,

·                    Difaaca natiijada ka soo baxday, iyo

·                    Mirihii ka dhashay difaacaas.

Diyaar garawgan wuxuu lahaa horudhac iyo olole abaabul badan huwanaa, waxaana inta badan diyaarinayey shaqsiyaadkii looga itaalka roonaa qabqablanimada.

Dadkii diyaarinayey isbeddelkan waxay u arkayeen in beesha cayr muhiim tahay arrimo jirey awgood, beesha ruuxeedu way danayneysey arrintaas.

C/Qaasim wuxuu dhexda u xirtey siduu uga faaiidaysan lahaa guuxaas cusub, laakiin sida la ogyahay beeshu ma raacsanayn Xasan Daahir , mana doonayn inay hoggaankooda u dhiibato C/qaasim, sidaas darteed, waxay madaxooda siyaasadda u doorteen Dr Maxamuud Maxamed Culusow.

Weliba Culusoow waxaa laga doonay meel dheer oo wuxuu degganaa dalka Mareykanka, meesha C/Qaasim uu joogay magaalada Muqdisho.

Laakiin C/qaasim waxaa taageera siinayey gacma ka baxsan beesha, taas waxay keentay in c/qaasim ruuxeesu beesha ugu hanjabo inuu burburinayo rabitaanka beesha, haddii aanay isaga dooran. Sidaas ayuuna ku marooqsaday xilkii beesha, kadibna wuxuu soo qaatay jagadii ugu sarreeysey ee laga soo qaatay shirkii Carta.

C/qaasim wuxuu ka badbaaday dacaayaddii awoodda badnayd ee Wahaabiyada. Uma canbaarayn sidii ay u canbaareyn jireen hoggaamiyaalkii isaga la midka ahaa, bal waxay u suurta geliyeen inuu isu arko amiirul-muuminin ummadda imaam u ah. Taas waxay gaartay in C/qaasim uu ku sheego hoggaamiya kooxeedyadii ka soo hor jeeday gaalo ka hor timi qaranka, diinka, dadka iyo dalka.

Sidaas awgeed, waxaa beesha aad looga dhaadhiciyey inay difaacaan madaxweynohooda, waxaana beesha lagu abuuri jirey colaado qabiil iyo shakhsiyaad loo tusayey inay khatar ku yihiin madaxweynohooda iyo jiritaankoodaba.

Shirqoolladan, waxay fulintii Cayr kusoo koobeen:

·                    C/qaasim oo lagama hadlaan ah.

·                    Ganacsato iyo odayaal yar oo ku shaqeeya aragtida C/qaasim ee Dowladnimo doonkaa.

·                    Nabaddoonno iyo hoggaamiya dhaqameedyo uu ugu cadcad yahay C/Daahir ugaas Nuur oo ku shaqeeya aragtidooda. 

Intaas waxaa dheeraa idaacadaha ugu waawayn magaalada iyo BBc-da laanta afka Soomaaliga, oo dadka u soo gudbinayey barnaamijyo lagu marin habaabinayo beesha iyo shacabkaba.

Arrimihii kale ee looga faaiidaystey beesha waxaa ka mid ahaa: soo bixitaankii madaxweynanimada C/llaahi yuusuf, waxaana loo sheegay inuu soo baxay bahalkii cuni lahaa. Waxaa lagu qanciyey inuu Itoobiya ugu yeeranayo siduu uga aarsan lahaa una baabi’in lahaa beelaha hawiye gaar ahaan Cayr.

Arrintaas waxay uga faaiidaysteen al-itixaadku muqaddisnimadii C/qaasim!! ee ay horay u diyaarsadeen; waxay ku celcelanayeen in C/laahi yuusuf ahaa ninkii wiiqay dawladdii Cayr!!! Ayna gunnima tahay inaan laga aarsan.

Waxay aad uga sii faaiidaysteen iska hor imaanshihii  C/llaahi yuuusuf iyo wasiirradiisii awoodda ku lahaa magaalada muqdisho.

Waxay ka faaiidaysteen hadalladii kul-kulaa ee ka soo yeerayey c/llaahi yuusuf, idaacadaha wahaabiyaduna qaadaa dhigayeen si ay u kiciyaan bulshada, xamaasadduna faraha uga baxdo.

Ka faaiidaysiga fursadahaas waxaa saacidayey samaynta ururkii ay u bixiyeen Badbaada qaranka, samata bixinta ee lagu dhisay magaalada balcad ee gobolka Sh/Dhexe.

Ururkan wuxuu ahaa mid ay dan wadaag ku ahaayeen dhaqdhaqaaqa Uu hugaamiyo Xasan Daahir  iyo hoggaamiyaashii Muqdisha ee wasiirrada noqday.

Hishiiskan la eeday waxaa ka dhashay in ay u gudbaan sidii ay isula dhisi lahaayeen gola deegaan iyo maamulka gobolka Banaadir. 

Hishiiskan wuxuu ku dhmmaaday fashal, kadib markii qaybi dooratay guddoomiye degaan, oo ah nin u dhashay beesha Cayr, qayb kalena ka biya diidey.

Kuwii diiday guddoomiyaha waxaa ugu cad-caddaa M/ed Qanyare iyo Muuse Suude, siiba Qanyare.

Khilaafkan wuxuu ka mid ahaa fursadihii Xasan Daahir iyo Asxaabtiisu  uga faaiidaysteen beesha Cayr, waxay dadka ku beer laxawsanayeen: “waxaa la diidanyahay xilka Cayrku helay

Markii uu dhacay dagaalkii lagu shirqoolay Cayrka waxaa la maqlayey warqaadayaalkii Xasan iyo Asxaabtiisa  oo dhahaya: dagaalka Qanyare waxaa loogu aarayaa guddoomiyihii Cayrka ee uu ishortaagay iyo erayo la mid ah.

Arrimahaan aan kor ku soo sheegnay oo dhan waxay keeneen in halkii nin ee beeshu gacanta ugu jirtey ee ahaa C/qaasim uu ku guulaysto in si miyir la’aan ah uu beesha u geliyo dagaal aan wax dan ihi ugu jirin.

Dagaal khasaaro u ah adduun iyo aakhiro, dagaal si ridda ah loogu been abuurtay diinta islaamka, dagaal ay madaxiisa iyo mijihiisa hayaan Xasan Daahir iyo Asxaabtiisa iyo kuwii soo adeegsaday.

Waxaa yaab leh habka dagaalkan loo geliyey beesha. Dulucdu waxay tahay waxaa dhici jirey dagaallo baadil ah oo ku dhisan isku dhaca qabaa’ilka. Dagaalladaas waxay Soomaalidu u galaan arrimo ay isku haystaan, sida madaxnimo, dhul, hanti,ismaan dhaaf IWM.

Soomaalidu waxay leeyihiin dhaqan iyo nidaam looga xaalo ama loo xalliyo dagaalladaas, wayna ka hishiiyaan hadii aanay lug ku lahayn fara gelin shisheeeye.

Laakiin dagaalkan uu Hormoodka ka ahaay Xasan  waxba kuma laha meelna kama soo gasho beeshan lagu dhakray dagaalka, waayo beesha Cayr:

·                    Lama yiraahdo Midowga Maxaakimta,

·                    Lama yiraahdo argagaxiso,

·                    Lama yiraahdo Al-itixaad,

·                    Cidna mas’uul ugama dhigan inay dhahaan dad gaaloobay ayaan la diririraynaa,

·                    Xaq uma lahayn beeshu inay ku duusho qabiilooyin iyo degaanno iyadoo difaacaysa magacyada aan soo sheegnay,

·                    Dan uma ahayn beesha in loo abuuro colaad gaara.

·                    Xaq looguma lahayn inay u dakanoobaan wahaabiyo.

Intaas waxaa ka daran, waxaa lagu dagaal geliyey magac diin, culammaa’u-diinka beeshuna waxay caddeeyeen in aanay diin ahayn. Waxaa loo sheegay in dagaalkoodu jihaad yahay, culammada beeshuna waxay sheegeen in uu diinka ka baxayo qofkii jihaad ku sheega dagaalkan dhiigga muslimiintu ugu daadanayo sida xaq darrada ah.

Haddaba haddii culammada beeshu sidaas aaminsan tahay dadkii sida indha la’aanta ah loo gelshey dagaalka lagu taageerayo Xasan iyo Asxaabtiisa maxay qiil ka dhigan doonaan? Ma la xisaabtami doonaan kuwii shirqoolkan ku riday markii xaqiiqadu u caddaato.

Shaki ugama jiro inta garashada leh in masuuliyadda dagaalkan uu qaadayo C/qaasim Salaad Xasan, Xasan iyo Asxaabtiisa iyo  kuwii ku taageeray; waayo:

1.                  Xasan iyo Asxaabtiisu  Cayr haybad iyo awood toona kuma lahayn beesha dhexdeeda.

2.                  Tan labaad Xasan Daahir iyo Asxaabtiisa  kale wax awooda uma lahayn inay dagaal geliyaan beesha Cayr.

3.                  C/qaasim ruuxiisu wuu joogi jirey isagoo wahaabi ah, wax awood ahna uma lahayn inuu fuliyo shirqoolladan Xasan hormuudka kayahay  ee naxariis darrada ah. Laakiin waxaa fursaddan siiyey xilkii uu ka soo qaatay shirkii Carta.

Caalimiin iyo waxgarad badan ayaa qaba in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo shacabkiisa reer jabbuuti kula xisaabtamaan dadka didaalkoodii u beddeley shirqoolka.

 Si gaara waxay madaxweyne Geelle uga rajaynayaan inuu Soomaalida ka dhayo nabarrada ka soo gaaray diyaarintii C/qaasim Salad Xasan, kaasoo ah shakhsi dhibaatadii hore kusoo kordhiyey argagax iyo jaha wareer aan horey loo arag, sida:

·                    Colaadihii oo dib loo soo cusboonaysiiyey iyagoo huwan magac cusub.

·                    Dagaalladii iyo kala aarsigii qabiilka oo loo bixiyey magac diin.

·                    Daadintii dhiigga ummadda oo lagu sheegay Islaami, jihad, tawxiid iyo nimco Ilaahay looga xamdiyo.

Anagu  waxaan ka mid ahaa masuuliyiintii uu Muqdisho kula kulmay mudane Cisman Axmed Yusuf oo ahaa ergaygii dawladda jabbuuti wakiilka uga ahaa qabanqaabada shirka Soomaalida.

 Ma illoobayo sidii wanaagsanayd ee uu noo  dhegeystay hadalkeena, wuxuuna aad u garawsaday khatarihii aan uga sheegnay  shirka iyo sida looga badbaadi karo.

 Wuxuu noo  soo jeediyey inaan qoraal ugu dhiibo madaxweynaha iyo wasiirkiisa dibadda, maadaama aan waqtigaas  aan aheen  Aqoon yahaniinta Beesha.

Waxaan u sheegnay  in dhibaatadii laga sheeganayey hoggaamiyaalka kooxaha ay ka daran tahay in dalka gacanta loo geliyo kooxaha Xasan iyo qolada uu hugaamiyo  ee barnaamijkoodu sida gaarka ah uga muuqanayo shirka Carta.

Waxaa nasiib darro ah in digniintaas aan wax laga qaban inkastoo mudane Cismaan uu aad u qaatey una fahmay.

Waxaa kaloo nasiib darro ah in shirkii Carte aanu ahayn markii 1aad ee wax lagu soo dhisay Jabuuti ay colaado hor leh ka dhex dhaliyaan Soomaaliya. 

Guud ahaan qaabkii diyaaar garawga shirkii carta, Difaaca natiijada ka soo baxday, iyo Mirihii ka dhashay difaacaas. wuxuuna  gogol dhig u noqdey fursad ka mid ah fursadaha Xasan Daahir  ka faaíidaysatey ee abuurey xaalka Soomaaliya maanta ka jira ee ah in dhiig badan uu daato labara kiciyo dad badan oo muslimiin ah.

Waxaa diyaariyay qoraalkaan Aqoonyahaniinta Beesha cayr.

Xaafiiska Aqoonyahiniinta Beesha:

junaydi99@hotmail.com

Somaliweyn Media Center “SMC”

 
Arabic News
Today's News 24-Mar-2009

شيخ شريف ينفي طلب قوات إفريقية إضافية من السودان
(Read more) 24-Mar- 2009

السفن الحربية الروسية تتوجه الى خليج عدن فى اواخر مارس
(Read more) 24-Mar- 2009

Today's News 22-Mar-2009

المحاكم الإسلامية تكتشف مقابر جماعية في مدينة مقديشوا
(Read more) 22-Mar- 2009

الإرياني:هناك قوى لها مآرب سياسية من القرصنة والحشد العسكري قد يولد قرصنة تهدد العالم
(Read more) 22-Mar- 2009

الأبرش يبحث ووفد صومالي سبل تطوير العلاقات البرلمانية
(Read more) 22-Mar- 2009

القراصنة الصوماليون يطلقون سراح سفينة هندية
(Read more) 22-Mar- 2009

Today's News 19-Mar-2009

ابن لادن يحث الصوماليين علي الإطاحة بالرئيس الجديد
(Read more) 19-Mar- 2009

 افتتاح مركز تسجيل اللاجئين الصومال
(Read more) 19-Mar- 2009

Today's News 17-Mar-2009

وفاة 72 شخصا معظمهم من الاطفال بسبب اسهال حاد في الصومال
(Read more) 17-Mar- 2009

الأمم المتحدة ترحب بالإفراج عن موظفيها الذين اختطفوا في الصومال وتؤكد مواصلة عملياتها هناك
(Read more) 17-Mar- 2009

أعلن السفير الأثيوبي في موسكو أن سلطات أثيوبيا تواصل تقديم المساعدة لحكومة الصومال الانتقالية
(Read more) 17-Mar- 2009

مجموعة الإتصال الدولية تعقد إجتماعا في القاهرة لمكافحة القرصنة
(Read more) 17-Mar- 2009

Today's News 16-Mar-2009

مدينة مقديشو تشهد مظاهرات تندد بحكم المحكمة الدولية ضد الرئيس السوداني 
(Read more) 16-Mar- 2009

Today's News 14-Mar-2009

إصابة عمدة بلدية ودجر بعبوة ناسفة بالقرب من مطار مقديشوا الدولي 
(Read more) 14-Mar- 2009

جماعة أهل السنة تسيطر علي عدة بلدات في إقليم قلقذود بوسط الصومال
(Read more) 14-Mar- 2009

Today's News 12-Mar-2009

البرلمان الصومالي يفتتح أولي جلساته في مقره الجديد بمقديشوا 
(Read more) 12-Mar- 2009

البرلمان الصومالي يفتتح أولي جلساته في مقره الجديد
(Read more) 12-Mar- 2009

مخاوف من تجنيد أمريكيين صوماليين لتنفيذ هجمات إرهابية
(Read more) 12-Mar- 2009

الاتحاد الإفريقي يمدد بقاء قواته في الصومال
(Read more) 12-Mar- 2009

Today's News 11-Mar-2009

مقتل أربعة أفراد من  الشرطة الصومالية  بإنفجارعبوةناسفة  في مقديشوا صباح اليوم
(Read more) 11-Mar- 2009

مركز الجزيرة ينظم ندوة عن الصومال وملامح المرحلة القادمة
(Read more) 11-Mar- 2009

الناتو يوافق على تشكيل مهمة جديدة لمحاربة القرصنة
(Read more) 11-Mar- 2009

قوات حفظ السلام الافريقية تبقى في الصومال ثلاثة شهور إضافية
(Read more) 11-Mar- 2009

Today's News 10-Mar-2009

رئيس البرلمان شيخ أذن مذوبي ش يتسلم مقر البرلمان الصومالي المؤقت
(Read more) 10-Mar- 2009

الرئيس الصومالي يتوجه إلي أوغندا ضمن  زيارته  الإفريقية
(Read more) 10-Mar- 2009

Today's News 9-Mar-2009

سقوط طائرة عسكرية متجهة إلي الصومال في مدينة كمبالا مخلفتا عشرة قتلي
(Read more) 9-Mar- 2009

رئيس الجمهورية الصومالي   يلتقي مع نظيره الكيني في مدينة نيروبي في جولته  لعدة دول إفريقية
(Read more) 9-Mar- 2009

ليبيا: بيرلسكونى يدعو القذافى لحضور القمة المقبلة للدول الثماني الصناعية الكبرى.
(Read more) 9-Mar- 2009

الأمن الشخصي تغلب على الأمن القومي فأهملنا الصومال وتناسينا مخاطر القراصنة على قناة السويس.
(Read more) 9-Mar- 2009

ماهو سر ودوافع  إهتمام جريدة الشرق الأوسط بالقضية الصومالية في ظل إهمال وسائل الإعلام هذا الشأن :
(Read more) 9-Mar- 2009

English News
Today's News 24-Mar-2009
Somalia: Uganda deploys more peacekeepers in volatile Somalia (Read more) 24-Mar- 2009

Somalia: Al-Shabab bans Khat and cars with opaque glasses in Baidoa  (Read more) 24-Mar- 2009

Somalia: 10 died in a lorry accident 14 others wounded in central Somalia (Read more) 24-Mar- 2009

Somalia: Bula-Hawo district authority sends warning signal to Kenya (Read more) 24-Mar- 2009

Somalia: Foreign Minister Omaar notes deployment of foreign troops (Read more) 24-Mar- 2009

Somalia: Hizbul-Islam remarks upon the defect members (Read more) 24-Mar- 2009

Somalia: Somali owned 5 star hotel turned to ashes (Read more) 24-Mar- 2009

Somalia not seeking Sudanese peacekeepers - president (Read more) 24-Mar- 2009

Somalia: AU Hails Somalia Milestone; Donor Conference Planned (Read more) 24-Mar- 2009

Today's News 23-Mar-2009
Somalia: Prominent Somali cleric detained in Puntland Tension High (Read more) 23-Mar- 2009

Hijab debate lifts veil on limits of Norway's tolerance (Read more) 23-Mar- 2009

Somalia: 18 students died in a road accident in Kenya 9 (Read more) 23-Mar- 2009

Somalia: Hisbul-Islam endorse the efforts of the clerics (Read more) 23-Mar- 2009

Somalia: Islamic Courts Union takes control of Shibis district (Read more) 23-Mar- 2009

Somalia: A Somali girl kidnapped by Somalis in Mogadishu (Read more) 23-Mar- 2009

Somalia: Sudanese president calls for support for new Somali gov't (Read more) 23-Mar- 2009

Somalia: Japan says pirates fire on ship off Somalia (Read more) 23-Mar- 2009

Today's News 22-Mar-2009
The skeletons of 5 people found in Mogadishu (Read more) 22-Mar- 2009

No deployment of Extra Troops Information Minister (Read more) 22-Mar- 2009

Statement by the UN Special Representative for Somalia Mr Ahmedou Ould-Abdallah  (Read more) 22-Mar- 2009

Somalia: “No single government soldier surrendered” governor (Read more) 22-Mar- 2009

Somalia: “Demanding for extra troops would jeopardize stability” Elder Diriye (Read more) 22-Mar- 2009

Somalia: Insecurity at Bulahubey a section of Wadjir district (Read more) 22-Mar- 2009

Somali: pirates free hijacked ship with 16 Indians (Read more) 22-Mar- 2009

Somalia: open meeting on Somalia (Read more) 22-Mar- 2009

Today's News 21-Mar-2009
Somali FM Says Peace and Security New Government's Top Priority (Read more) 21-Mar- 2009

Ecoterra – Somali Marine & Coastal Monitor - Part VI. The Latest Piracy News from Somalia, Kenya (Read more) 21-Mar- 2009

Today's News 19-Mar-2009
Somalia: World Food Program contractor gunned down in Mogadishu (Read more) 19-Mar- 2009

Somalia: UN debates bolstering African Union peacekeeping (Read more) 19-Mar- 2009

Somalia: UN chief says defeating piracy requires restoration of law in Somalia (Read more) 19-Mar- 2009

Today's News 18-Mar-2009
Somalia: Al-Shabab commander says 16 killed in daybreak battle (Read more) 18-Mar- 2009  

Somalia: Ferocious battle at Rabdhure district in Bakool region (Read more) 18-Mar- 2009  

Somalia: AU Peacekeepers wounded in twin blasts (Read more) 18-Mar- 2009

Somalia: ETN TV director is not arrested for his journalism line of work (Read more) 18-Mar- 2009

Swedish citizen senior leader of Somali terror alliance (Read more) 18-Mar- 2009

Today's News 17-Mar-2009
Somali Olympics committee to elect a new leadership this week (Read more) 17-Mar- 2009

Somalia: MPs condemned fighting at Galgadud region in central Somalia (Read more) 17-Mar- 2009

Somalia: 15 people died starvation in lower Shabelle region (Read more) 17-Mar- 2009

Somalia: Justice Minster meets with the administration of central jail (Read more) 17-Mar- 2009

Somalia: Former Somali officer surrenders to Al-Shabab (Read more) 17-Mar- 2009

Somalia: 4 kidnapped UN personnel released (Read more) 17-Mar- 2009

Abducted UN staff in Somalia released safely (Read more) 17-Mar- 2009

Today's News 16-Mar-2009
Statement from the United Nations in Somalia on abduction of UN staff in South Central Somalia (Read more) 16-Mar- 2009

Local teens look up to Somali hip-hop artist (Read more) 16-Mar- 2009

FSAU : Release of NEW monthly Climate Data Update (Read more) 16-Mar- 2009

Demonstration against the warrant arrest of Al-Bashir in Mogadishu (Read more) 16-Mar- 2009

Somalia: 4 UN officers kidnapped in at Wajid district in Bakool region (Read more) 16-Mar- 2009

 

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)