Somali News  
    Heesta Somaliweyn: Hees  
 
 


KA DARAN OO DIBI DHAL!!!

6 Juun 2009 SMC

Dadku waxey dhibaato qabiil oo uu horkacayay qab-qable ku soo jireen muddo ku dhawaad 16 sano ah waxeyna hami nabadeed iyo rajo soo gashay markii meesha laga saaray nimankii hoggaamiya-kooxeedyada ahaa oo aan 2 qofi ku muransaneyn dambiile-nimadooda.

Wey jireen ama wey laahaayeen taageerayaal laakiin haddana, qof waliba oo ka mid ah dadka la shaqeynayay wuxuu ogaa in ninkan qalad wado balse qabiil jaceyl ayaa ku xambaarayay inuu madaxa saarto, Museylama oo ahaa ninkii nebinamada sheegtay, reekiisu waxey dheheen “BEENLOWGA REERKEENA AYAAN KA JECELNAHAY RUNLOWGA REERAHA KALE (Nebi Muxamed scw)” waxaan ula jeedaa cid waliba way ku baraarugsaneyd raggaa qaladkooda oo ma jirin qof u difaacayay waddo saxan ayuu ku socdaa darteed.

Qof waliba wuxuu sawirtay in dhibkii dhammaaday mar haddii raggaa laga takhalusay, in la gaaray waqtigii ey soo afjarmi lahayd colaadda Soomaaliya ka jirtay, in la joogo waqtigii dib loogu noqon lahaa dhulkeena hooyo, in ey tahay waqtigii laga sheekeyn lahaa wixii dhacay xilliyadii dagaallada, in ey timid waqtigii dib u midoobidda iyo in ummaddu u bislaatay in ey wax wada qabsadaan iskan hilmaamaan qabyaaladda ka reebtay asaagood.

Waxaa la wada aaminsanaa maadaama wadanku gacanta u galay rag wadaado ah, in wixii ka dambeeya maalinkaas eynan jiri doonin dagaal iyo caddaalad darro laakiin waxaa bedelay dhammaan rajadii fiicneyd wax aan wali qofna filan, KA DARAN OO DIBI DHAL, waxey maanta taagan tahay in niman wadaado isku sheegaya oo ku sheekeyn jiray in ey yihiin rag ka damqaday dhibaatada shacabka lagu hayo, oo fiirsan waayay boobka masaakiinta, una dulqaadan waayay dadka macna darrada la isaga dilayo, ey si arxan-darro ah oo ka xun waliba xilligii hoggaamiya kooxeedyada  u baabi’iyaan shacab aan waxba ka galabsan.

Markaad dib u fiirsato hadalada ey isku dhaafsadaan warbaahinta, waxaad dareemeysaa waxa la isku hayo in eynan aheyn xaq iyo xaq darro midna ee uu yahay xukun jaceyl uun, REER MUCAARAD warkoodu wuu cad yahay, haddii la yiraahdo: “maxaad shacabka ugu turi la’ dihiin oo dowladdu wadahadal bey ku baaqdaye u hor fariisan weydeen si dhiigga shacabka loo baajiyo?” Jawaabta soo noqnoqotay ee dadku dhibsaday waa “marka laga tago sheegashada dowladnimo AMISOM-na dalka ey ka baxdo ayaan joojineynaa dagaalada”

Anigu waxaan u fasirtay nuxurka warkaa “shacabka waan baabi’ineynaa, hantidoodana waan burburineynaa illaa aan anaggu u noqono MADAX ey hoostooda joogaan” tacsiyada hawada loo marsiinayana  waxaan u arkaa KU DIGASHO, waan ku dilayaa oo madaafiicda lagugu xusuuqayo ayaan amarkooda leeyahay, markaad dhimato ama dhaawac noqotana tacsi ayaan hawada kuu soo marsiinayaa islamarkaana waxaan ugu bishaareynaya dagaal cusub inta ka badbaaday kii hore, macno aan DIGASHO aheyn oo ey leedahay anigu ma garan karo.

Haddii aaney meesha ku jirin kursi-jaceyl maxaa diidaya in si shuruud la’aan ah ey ula fariistaan dowladda oo ey iska daayaan gor-gortanka shacabka baaba’aya dushooda? Waxey u badan tahay in lagu heshiiyo wadahadalkaas, waayo raggan waa rag muddo isla soo shaqeeyay kuna kala tagay kaliya qaabkii dalka looga saari lahaa Ethiopaia, dhanka kale Soomaalidu waxey tiraahdaa “NIN KALIGII GARRAMAY IYO NIN DHUL GANAYBA WALIGOOD MA GAFAAN”waxaa meesha ka baxaya isla saxnida qof waliba ismaleeyay markuu kaligii garramayay. Haddiiba ey dhacdo in la isku afgaran waayo caqabadduna tahay dowladda oo diidan wax cad oo umadda dan u ah, maxaa ku jaban markaa kadib in lala tashado culumada lana qaato go’aan meelo badan laga fiirayay oo ah kan ugu dhibka yar ee lagu gaari karo badbaadinta diinta iyo umadda dhiiggeeda daadanaya?
 
AMISOM ha baxdada lafteeda waxaan u arkaa jaranjaro lagu gaarayo hadaf ka weyn oo ey leeyihiin sababtoo ah, waxaa arrintan ka hadlay culumo aad u farabadan oo Soomaaliyeed, wey shireen go’aanno ayay soo saareen oo uu ku jiro in muddo 4 bil ah dalka ey uga baxaan ciidamada AMISOM inta laga gaarayo mudadaana aan wax xabbad ah lagu ridin laakiin warkaas qof dhag jalaq u siisay ma jirto ee dagaalkii ayaa la iska sii waday, sidaa daraadeed haddii raggan hadafkoodu yahay DIINTA ISLAAMKA in lagu dhaqmo gaaladana dalka laga saaro, waxey raaci lahaayeen culumada warkooda, waxaad kaloo xusuusataa culamada go’aankan soo saartay waxaa ku jiray mashaa’ikh waaweyn oo fikir ahaan dowladda diidanaa.

Waxa aan maanta la yaabanahay ayaa ah, rag culumo sheegta oo qaarkood aqoonta diinta meel sare ka gaaray ayaa hoggaaminaya madaafiicda lagu leynayo shacabka masaakiinta ah isla markaana haddii la wareysto la taagan anaga ayaa howl-gal fulinay, war ALLAH baan idinku dhaariyee wax-qabadkiinu ma wuxuu noqday in dadka madaafiic lagu laayo AAYAD QUR’AAN ahna loo daliilsado. Hadda kahor baa HABAR baadi waxareed ey ku jirto laga sheegay “ Illaahow waxarteyda ha geyn xero wadaad MIDDI UU KU GOWRACDANA WUU HEYSTAA CILMI UU KU BANNEYSTANA WUU YAQAAN”

Kollay sida muuqata wadaad iyo hoggaamiye kooxeedba waxey ka midoobeen kursi-doonnimo balse wadaadadu waxey dheer yihiin aayad u daliilsi, waxaana dhihi lahaa, war Allah ka baqa oo ku xisaabtama in falka aad ku jirtaan la idinku weydiin doono ALLAH hortiisa dhinaca kale haddii aad dooneysaan in AMISOM la bixiyo, ogaada in lagu saari karo midnimo kaliya.

Fursad ayaad heysataan maadaama ninka maanta u madaxda ah dowladda uu yahay Sh. Shariif oo ah nin aad fahmi kartaan. dowladdiisuna waxey qaadatay ku dhaqanka shareecada islaamka, marka haddii aanan dhib-doon la aheyn waxaan aaminsanahay in wax waliba dhaw yihiin balse ey u baahan tahay in lagu wajaho cilmi iyo degganaan, haddii kale waxa maanta faraha lagu haya ayaad lumin doontaan dhib ballaaran oo aan Soomaali ka soo kabsanna waad sababi doontaan.

Waxaa dhici karta in aad isweydiisaan “muxuu qoraagu u xusi waayay qaladaadka dowladda?” Wey jiraan qaladaad farabadan oo dowladdu leedahay iyo in baabi’inta shacabka lagu hayo ey qeyb weyn ka tahay, laakiin haddii la isfahmi waayo ama la is khilaafo waxaa lagu xallin karaa WADAHADAL, dowladduna waa mid ku baaqda mar waliba in lawada fariisto, waxey qoorta u dhiibteen culumada iyo odayaasha si xal loo gaaro sidaa daraadeed ayaanan aqoon haddii aan dhaliilo wax aan ku taliyo oo ka fiican WADAHADAL.

Gebagabadii waxaan ALLAH ka baryayaa in uu dhulkeena NABAD noogu soo dabbaalo gaaladana naga saaro wixii xumma-doon ahna naga qabto la gooyo.

Axmed Cali
asunni@hotmail.com.


Somaliweyn Media Center “SMC”

 
Arabic News
Today's News 24-Mar-2009

شيخ شريف ينفي طلب قوات إفريقية إضافية من السودان
(Read more) 24-Mar- 2009

السفن الحربية الروسية تتوجه الى خليج عدن فى اواخر مارس
(Read more) 24-Mar- 2009

Today's News 22-Mar-2009

المحاكم الإسلامية تكتشف مقابر جماعية في مدينة مقديشوا
(Read more) 22-Mar- 2009

الإرياني:هناك قوى لها مآرب سياسية من القرصنة والحشد العسكري قد يولد قرصنة تهدد العالم
(Read more) 22-Mar- 2009

الأبرش يبحث ووفد صومالي سبل تطوير العلاقات البرلمانية
(Read more) 22-Mar- 2009

القراصنة الصوماليون يطلقون سراح سفينة هندية
(Read more) 22-Mar- 2009

Today's News 19-Mar-2009

ابن لادن يحث الصوماليين علي الإطاحة بالرئيس الجديد
(Read more) 19-Mar- 2009

 افتتاح مركز تسجيل اللاجئين الصومال
(Read more) 19-Mar- 2009

Today's News 17-Mar-2009

وفاة 72 شخصا معظمهم من الاطفال بسبب اسهال حاد في الصومال
(Read more) 17-Mar- 2009

الأمم المتحدة ترحب بالإفراج عن موظفيها الذين اختطفوا في الصومال وتؤكد مواصلة عملياتها هناك
(Read more) 17-Mar- 2009

أعلن السفير الأثيوبي في موسكو أن سلطات أثيوبيا تواصل تقديم المساعدة لحكومة الصومال الانتقالية
(Read more) 17-Mar- 2009

مجموعة الإتصال الدولية تعقد إجتماعا في القاهرة لمكافحة القرصنة
(Read more) 17-Mar- 2009

Today's News 16-Mar-2009

مدينة مقديشو تشهد مظاهرات تندد بحكم المحكمة الدولية ضد الرئيس السوداني 
(Read more) 16-Mar- 2009

Today's News 14-Mar-2009

إصابة عمدة بلدية ودجر بعبوة ناسفة بالقرب من مطار مقديشوا الدولي 
(Read more) 14-Mar- 2009

جماعة أهل السنة تسيطر علي عدة بلدات في إقليم قلقذود بوسط الصومال
(Read more) 14-Mar- 2009

Today's News 12-Mar-2009

البرلمان الصومالي يفتتح أولي جلساته في مقره الجديد بمقديشوا 
(Read more) 12-Mar- 2009

البرلمان الصومالي يفتتح أولي جلساته في مقره الجديد
(Read more) 12-Mar- 2009

مخاوف من تجنيد أمريكيين صوماليين لتنفيذ هجمات إرهابية
(Read more) 12-Mar- 2009

الاتحاد الإفريقي يمدد بقاء قواته في الصومال
(Read more) 12-Mar- 2009

Today's News 11-Mar-2009

مقتل أربعة أفراد من  الشرطة الصومالية  بإنفجارعبوةناسفة  في مقديشوا صباح اليوم
(Read more) 11-Mar- 2009

مركز الجزيرة ينظم ندوة عن الصومال وملامح المرحلة القادمة
(Read more) 11-Mar- 2009

الناتو يوافق على تشكيل مهمة جديدة لمحاربة القرصنة
(Read more) 11-Mar- 2009

قوات حفظ السلام الافريقية تبقى في الصومال ثلاثة شهور إضافية
(Read more) 11-Mar- 2009

Today's News 10-Mar-2009

رئيس البرلمان شيخ أذن مذوبي ش يتسلم مقر البرلمان الصومالي المؤقت
(Read more) 10-Mar- 2009

الرئيس الصومالي يتوجه إلي أوغندا ضمن  زيارته  الإفريقية
(Read more) 10-Mar- 2009

Today's News 9-Mar-2009

سقوط طائرة عسكرية متجهة إلي الصومال في مدينة كمبالا مخلفتا عشرة قتلي
(Read more) 9-Mar- 2009

رئيس الجمهورية الصومالي   يلتقي مع نظيره الكيني في مدينة نيروبي في جولته  لعدة دول إفريقية
(Read more) 9-Mar- 2009

ليبيا: بيرلسكونى يدعو القذافى لحضور القمة المقبلة للدول الثماني الصناعية الكبرى.
(Read more) 9-Mar- 2009

الأمن الشخصي تغلب على الأمن القومي فأهملنا الصومال وتناسينا مخاطر القراصنة على قناة السويس.
(Read more) 9-Mar- 2009

ماهو سر ودوافع  إهتمام جريدة الشرق الأوسط بالقضية الصومالية في ظل إهمال وسائل الإعلام هذا الشأن :
(Read more) 9-Mar- 2009

English News
Today's News 24-Mar-2009
Somalia: Uganda deploys more peacekeepers in volatile Somalia (Read more) 24-Mar- 2009

Somalia: Al-Shabab bans Khat and cars with opaque glasses in Baidoa  (Read more) 24-Mar- 2009

Somalia: 10 died in a lorry accident 14 others wounded in central Somalia (Read more) 24-Mar- 2009

Somalia: Bula-Hawo district authority sends warning signal to Kenya (Read more) 24-Mar- 2009

Somalia: Foreign Minister Omaar notes deployment of foreign troops (Read more) 24-Mar- 2009

Somalia: Hizbul-Islam remarks upon the defect members (Read more) 24-Mar- 2009

Somalia: Somali owned 5 star hotel turned to ashes (Read more) 24-Mar- 2009

Somalia not seeking Sudanese peacekeepers - president (Read more) 24-Mar- 2009

Somalia: AU Hails Somalia Milestone; Donor Conference Planned (Read more) 24-Mar- 2009

Today's News 23-Mar-2009
Somalia: Prominent Somali cleric detained in Puntland Tension High (Read more) 23-Mar- 2009

Hijab debate lifts veil on limits of Norway's tolerance (Read more) 23-Mar- 2009

Somalia: 18 students died in a road accident in Kenya 9 (Read more) 23-Mar- 2009

Somalia: Hisbul-Islam endorse the efforts of the clerics (Read more) 23-Mar- 2009

Somalia: Islamic Courts Union takes control of Shibis district (Read more) 23-Mar- 2009

Somalia: A Somali girl kidnapped by Somalis in Mogadishu (Read more) 23-Mar- 2009

Somalia: Sudanese president calls for support for new Somali gov't (Read more) 23-Mar- 2009

Somalia: Japan says pirates fire on ship off Somalia (Read more) 23-Mar- 2009

Today's News 22-Mar-2009
The skeletons of 5 people found in Mogadishu (Read more) 22-Mar- 2009

No deployment of Extra Troops Information Minister (Read more) 22-Mar- 2009

Statement by the UN Special Representative for Somalia Mr Ahmedou Ould-Abdallah  (Read more) 22-Mar- 2009

Somalia: “No single government soldier surrendered” governor (Read more) 22-Mar- 2009

Somalia: “Demanding for extra troops would jeopardize stability” Elder Diriye (Read more) 22-Mar- 2009

Somalia: Insecurity at Bulahubey a section of Wadjir district (Read more) 22-Mar- 2009

Somali: pirates free hijacked ship with 16 Indians (Read more) 22-Mar- 2009

Somalia: open meeting on Somalia (Read more) 22-Mar- 2009

Today's News 21-Mar-2009
Somali FM Says Peace and Security New Government's Top Priority (Read more) 21-Mar- 2009

Ecoterra – Somali Marine & Coastal Monitor - Part VI. The Latest Piracy News from Somalia, Kenya (Read more) 21-Mar- 2009

Today's News 19-Mar-2009
Somalia: World Food Program contractor gunned down in Mogadishu (Read more) 19-Mar- 2009

Somalia: UN debates bolstering African Union peacekeeping (Read more) 19-Mar- 2009

Somalia: UN chief says defeating piracy requires restoration of law in Somalia (Read more) 19-Mar- 2009

Today's News 18-Mar-2009
Somalia: Al-Shabab commander says 16 killed in daybreak battle (Read more) 18-Mar- 2009  

Somalia: Ferocious battle at Rabdhure district in Bakool region (Read more) 18-Mar- 2009  

Somalia: AU Peacekeepers wounded in twin blasts (Read more) 18-Mar- 2009

Somalia: ETN TV director is not arrested for his journalism line of work (Read more) 18-Mar- 2009

Swedish citizen senior leader of Somali terror alliance (Read more) 18-Mar- 2009

Today's News 17-Mar-2009
Somali Olympics committee to elect a new leadership this week (Read more) 17-Mar- 2009

Somalia: MPs condemned fighting at Galgadud region in central Somalia (Read more) 17-Mar- 2009

Somalia: 15 people died starvation in lower Shabelle region (Read more) 17-Mar- 2009

Somalia: Justice Minster meets with the administration of central jail (Read more) 17-Mar- 2009

Somalia: Former Somali officer surrenders to Al-Shabab (Read more) 17-Mar- 2009

Somalia: 4 kidnapped UN personnel released (Read more) 17-Mar- 2009

Abducted UN staff in Somalia released safely (Read more) 17-Mar- 2009

Today's News 16-Mar-2009
Statement from the United Nations in Somalia on abduction of UN staff in South Central Somalia (Read more) 16-Mar- 2009

Local teens look up to Somali hip-hop artist (Read more) 16-Mar- 2009

FSAU : Release of NEW monthly Climate Data Update (Read more) 16-Mar- 2009

Demonstration against the warrant arrest of Al-Bashir in Mogadishu (Read more) 16-Mar- 2009

Somalia: 4 UN officers kidnapped in at Wajid district in Bakool region (Read more) 16-Mar- 2009

 

Somaliweyn Media Center (SMC)
Muqdisho Somalia

Google
 
Web You Domainame
Somaliweyn Media Center (SMC)