Ra'yiga dadweynaha
Qaadka iyo dhibaatadiisa

Dadka qaadka cunaa had iyo jeer waxay la tacaalaan oo
aad iskugu mashquuliyaan inay helaan malin walba qaad
badan sidda ay doonayaan ugu keyfaan, iyadoo laga
yaabo inanay helin quutaldaruurigoodii, kii
caruurtooda iyo kii waalidiinta jelicsan ay ku
daryeeli lahaayeen.Qaad cunidda ayaa waxay dhibaato
xoog badan ku haysaa dadka soomaaliyeed meelkasta oo
ay
dunidda ka joogaan.Dalka Marykanka dadka qaadka cunaa
waxay la kulmaan xadhig hadii lagu qabto , sidoo kale
dadka kunool khaliijka ayaa iyana lakulama xadhig
dheer hadii lagu qabto qaad ay sitaan ha cuneen amba
ha ka baayacdmushtareene[ ha iibiyeen].Hadaba , dadka
Soomaaliyeed meel walba ay joogaan waxay ku balamaan
qolal lagu qayilo oo waqti dheer loo fadhiisto oo huu,
balaabalaa iyo haadu badato, markey marqaamaana
hadalku ka dheerdheeraada, oo faan iyo qabyaalad ka
hadal loo kala jeesta.Labaatan sano ka hore dadka
qayilaa waxay ufadhiisan jireen waqti gaabaan, intaa
ka dibna waxa ufoofi jireen dantooda, isla markaana
dumarka qaadka cuni jirey way yaraayeen, laakiin hada
iyagaa raga ugadhereeya qadka waney soo badanayaan
hada.Marka hooyada iyo aabuhu labadooduba ufadhiistaan
jaadka malinwalba, muxuu qoyska dhaqaalihiisu ku
danbeynayaa? Sidee ayuu waalidku caruurtiisa u
xanaaneyn kara marka la soo qaato dhinaca nolosha ,
tacaliinta , cafimaadka iyo xaga fikirkaba ee ilmaha.
Waxaan hubaa weelka ama gabadhaba yar inaan himiladood
sidaa u sii waynaaneyn,marwalba waxay arkayaan
waalidkooga oo qayilaaya ama qaadi ibinaaya, markaa
qofka yar cadi ayey u noqonay saa inuu ku daydo dadka
ka waa weyn oo maalinta danbe ayuu samanayaa wax ku
dayasho ah.Waxaa ka sii khatarsan arimaha aan kor ku
xusnay fiditaanka CUDURADDA ku wood fidda ee la is ku
qaad siin karo neefsashadda amaba galmada, sidda Cudur
dilaaga ah JOONOSKA loo yaqaan amaba loo yaqaan indha
caseeye xagga koonfurta Soomaaliya.Waxa sidoo kale ku
fidda CUDURKA QAAXADA[TB] LABAD CUDURBA WAXAY
SOMALILAND KU HAYAAN FARABAAS.
QAADKU waxuu keena arimo aad u waaweyn sida dubu dhaca
dhaqaalaha dalkeena oo maalin walba dalkeen ka baxado
lacag adag oo farabadan oo Doolarka Mareykanka ah,
waxaa soo badanaaya furniinka qoyska , sidookale waxa
kor u kacaaya denbiyadda ay dhilinyaradu gasho ,
waayo? Maalin walaba waxa ay doonayaan inay qayilaan ,
hadii ay waayaana wax bay dhacayaan amaba dilayaan si
ay uhelaan mijinta jaadka ah.Sidoo kale waxaa soo
badanaaya sabool nimada mujtamaca waayo? waxa kayd
ah[saving ] ma samaystaan ee malinwalba waxay gubaan
waxii soo gala.Dhinac kale waxuu qaadku reed xun ku
reebaa dhinaca siyaasada dalkeena hooyo waayo? qololka
la gu barjeeyo waxaa lagu falaqeeya qabyaalad iyo af
miishaarnimo arimahaasina waxay dhabarka ka jebiyaan
horuumarka dalkeen.Ninkii doonaya inuu arko
dhibaatooyinka qaadka, qabyaalada iyo SULDAANADA
BADAN, ha eego dalka YEMEN . Yamaniintu waa dad
taariikhtood dheertahay, hadan waxay ku noolyihiin ,
nolashii qarnikii LABIYO TOBNAAD[12th.century].Taasna
waxa ugu wacan qaadka. Waxaad arkeysaa reerkuligii
isasoo horfadhiisanaaya oo ka kooban abihii, hooyadii
inantii, iyo inankiiba. Waxa , la yaab leh sida
geeska africa uu ugu sii fidaayo qaadku ee qoomiyada
kale ay iyana u sii baranayaan qaadka unitaankiisa
.Waar miyaan la odhan karin
arintu waa geel ba'oo yaa ku leh. Dalkeenuna halkaas
uun buu ku danbayn doona hadii aan si degdeg ah
arrimaha wax loo ga badalin. Hadaba , waxaan ku soo
gunaanadayaa si qudha ee lagu joojin karaa ay tahay
sida soo socota: IN uu UNKU [UNITED NATIONS] Iyo
BAANKA ADUUNKU ay sameeyaan sanduuq ay aduunka oo
dhami lacago ku shubaan, markaan lacagahaas mag dhow
loo siiyo dadaka beeraleyda ah ee qaadka beerta, oo
marka la jaro oo qunta laga gooyo dhirta qaadkaoo
dhan; sidaas oo qudha ayaa dhibaatooyinka qeeska
afrika ee qaadku geysto lagu xalili karaa.

waad mahad santihiin.

Abdillahi Qarshe.

p.o.box 531291
san diego
ca. 92153
USA.
Abdillahi Nur
nadiif2000@yahoo.com>

Xasuusin: Hadii aan nahay bahda Somaliweyn waxaan dadweynaha u sheegaynaa fikrada dadweynaha in anaan anaga masuul ka aheen, uu masuulayadeeda ay saaran tahay shaqsiga soo qoro Ra'yigiisa.
Mahadsanidiin

This Page!