Marka hore waxaan mahad u jeedinayaa shabakadaha internetka ee fursada noo siiyay in aan soo bandhigno warbixintan iyo araktiyada dadweynaha.
Maqaalkan waxaan si faahfaahsan ugu qaadaa dhigayaa xaqiiqada dhabta iyo xaaladda murugada leh ee uu ku suganyahay halganaka shacabka Somaligalbeed iyo sida loo marin habaabiyay masiirka shacabkaas sharafta iyo taariikhda dheer leh.
Waxaana igu kelifay inaan qoro maqaalkan ka dib markii qaramada midoobay ay soo saartay warbixin ama warar aan awalba ogeyn oo ah xidhiidhka ka dhexeeya madaxda ONLF iyo beesha Habargidir ee Cabdi Qassim salaad Xassan, Yusuf Indhacadde iyo Dahir Aways.
Maqaalkan waxaan kaga hadlayaa xidhiidhkaas madaxda ONLF ee uu hormuudka u yahay Maxamed Cumar Cusmaan iyo burcadda hortaagan in uu qaran somaliyeed soo noqdo ? sidoo kale wuxuu maqaalkan ka hadlayaa xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeyay ONLF iyo USC oo ka biloowday shirkii Baardheer 1992, xiriirkaas oo ay markhaati u tahay kulankii u dambayay ee bishii oktoober 2005 magaalada Lund ee Sweden ku dhexmaray Gudoomiye xigeenka ONLF Caddani Hirmooge iyo Col. Cabdi Qaybdiid oo ah ninkii ay booliska Sweden xabsiga u taxaabeen ka dib markii booliska la soo hordhigay cadaymo ah in uu ku lug lahaa xasuuq loo gaystay shacab reer Jubbada hoose ah .
Haddaan ku horeeyo xiriirka ONLF iyo USC gaar ahaan beesha Habargidir ma aha arrin cusub oo waxaa xusid mudan shirkii Baardheere Agosto 1992 ee lagu aasaasay ururka SNA, oo ay ka qayb galeen ururada USC- General Maxamed Farax Caydiid, SPM- Col. Axmed Cumar Jees iyo Cabdiraxman Sheekh Maadeey oo markaas ahaa SPM, SSNM- Col. Cabdi Warsame Isaaq, SDM- Maxmed Nuur Caliyow iyo wafdi sare oo matalayay ONLF .Shirkaas wuxuu General Maxamed Farax Caydiid u ballan qaaday ONLF taageero iyo iskaashi dhan walba ah, taas oo sabab u ahayd in wafdi uu horkacayay xubin ka tirsanaa golaha dhexe ee ONLF oo hadda ah gudoomiye xigeenka ONLF Mr. Caddaani Hirmooge in uu muddo sadeex bilood ah uu ku sugna guriga Col. Cabdi Qaybdiid oo markaas ahaa gacan yaraha koowaad ee General Farax Caydiid .
Waxaan la yaabay war aan ku arkay shabakadda Somalitribune oo uu Caddaani dafiray in isaga iyo Cabdi Qaydiid haba yaraatee aqooni ka dhaxayso. Cabdi Qaybdiid oo ah ninkii ay xilli dambe bishii ina dhaaftay ee okt. Xabsiga u taxaabeen ciidamada Sweden, oo sida ay qoreen jaraidka Sweden lagu soo eedeeyay dembiga ugu weyn caalamka oo ah xasuuq fool xun oo uu gaystay dad shacab ah. Wargeysyaada Sweden oo hadaladooda sii wata ayaa waxay sheegeen in la hayo cajalado video ah oo muujinaya dembiyada uu galay Cabdi Qaybdiid iyo waliba dhaqdhaqaaqiisa guud, sida shirarkii uu la galay ururada kala duwan ee ay ka mid yihiin ONLF, SDM, SSNM iyo Al-Itixaad iyo waliba cajalado video ah oo muujinaya gummaadkii ay gaysteen qaar ka mid ah jananadii soomaliya.
Cabdi Qaybdiid oo ay kooxaha Muqdisho u magacaabeen taliyaha booliska somaliyeed, wuxuu hadda xulufo la yahay Yuusuf Indha Cade iyo hogaamiyo kooxeedyada jooga Muqdisho ee uu ka mid yahay Cabdi Qassin Salaad Xassan iyo Dahir Aways.Warbixintii ay soo saartay Qaramaada midoobay bishii oktobar ayaa lagu xusay Cabdi Qaybdiid iyo hubkii uu soo gaday mudooyinkan dambe.
Dhanka kale shirkii uu gudoomiye xigeenka ONLF Caddaani Hirmooge, oo isna horay u ahaan jiray taliyaha ciidanka boliska gobolka Somalida Itoobiya uu kula yeeshay magaalada Lund ee dalka Swden Col.Cabdi Qaybdiid ayaa wali ayan caddayn waxa ay ka wada hadleen, haseyeeshee ila xogogaal ah oo u dhuun duleela arimaha ONLF waxay sheegayaan in ujeedada shirkaas ay ahayd in dardar cusub la galiyo qaaraanka ay jaaliyadaha dibadda ee beelaha Habargidir iyo xulafadoodu u aruuriyaan ONLF iyo in uu uga mahad celiyo taageerada ilaa iyo hadda soo gaadhay!
Xiriirka madaxda ONLF iyo beesha Habargidr ee Cabdiqassim, Indhacadde iyo Dahir Aways waxaa si faahfaahsan loogaga hadalay warbixinta ay qaramada midoobay ka soo saaratay bishii oktober, iyadoo warbixintu ay sheegtay in beeraha maandooriyayaasha ama daroogada ee uu leeyahay Yusuf Indhacadde oo lagu qiyaasay 10 beerood oo ku yaalaan Janaale, Shalanbood, Qoryoolay, Buulo Mareer iyo Kurtun Waaray- Yuusuf Indhacade oo sheegta guddoomiyaha gobolka shabeelada Hoose, asal ahaanna ka soo jeeda gobolka Galguduud, gaar ahaana magaalada Dhuusamareeb ,waxay xaruntiisu ka taal tuulada Buule Mareer, Wuxuuna si baniaadnimada ka baxsan u xukumaa dhul balaadhan oo ay ku jiraan dekedaha Marka iyo Baraawe. Indhacadde wuxuu leeyahay ciidan beeshiisa ah, oo aad u xoogaysatay ka dib markii Cabdiqaasin lagu doortay magaalada Carte ee dalka Djabuuti. Dakhligu uu hubka ku soo gato waxuu ka helaa ganacsatada , dekedaha Marka iyo Baraawe, isbaarooyinka, Beeraha daroogada , baada laga qaado hayadaha samafalada, daabacaadda shilin soomaliga oo inta badan loo suuq geeyo deegaanka somali galbeed iyo afduubka maraakiibta kaluumaysiga. Sidoo kale xiriirka Indhacade uu la leeyahay ONLF iyo Ereteria ayaa waxaa ka soo gala dakhli isugu jira dhaqaale iyo hub aad u fara badan.
Waxaa mitaal ahaan loo soo qaadan karaa daadgurayntii u dambaysay ee dhallinyaradii reer Ogadeenia ee laga soo daadgureeyay Ereteria, lana keenay Dhuusamareeb oo ay Indhacadde iyo madaxda ONLF ka soo gashay lacag gaaraysa 500,000 oo doolar.
Xiriirka ONLF iyo SNA oo hakad galay muddooyin dhexe ayaa dib u bilaabmay ka dib markii Maxamed Cumar Cismaan uu noqday guddoomiyaha jabhada ONLF.
Warbixinta qaramada midoobay waxay cadeenaysaa in Ereteria ilaa iyo 8 jeer ay gaysay magaalada Dhuusamareeb hub iyo saanad laga soo bilaabo dhamaadkii bishii Febaury 2005 ilaa badhtamihii bishi May 2005. warbixintu waxay leedahay hubka waxaa Dhuusamreeb ee gobolka Gal Guduud lagu geeyay dayuurado ay leedahay Ereteria, isla dayuuradaahaas ayaa lagu daad gureeyay dhallinyaradii reer Ogadeenia ee inta beenta loo sheegay jaamacdaha dalkoodii laga soo saaray , loona ballan qaaday in hal dagaal ka dib ay ka heli doonaan deeq waxbarasho dalal Yurub ah oo ay jabhaddu aqoonsi iyo xafiisyo ku leedahay. Waxay kale oo warbixintu sheegaysaa in hubka xoogiisa uu qaatay Xasan Daahir Uways oo ay warbixintu ku sheegtay in uu yahay hogaamiye ururka “Al-Itixaad”. Sidoo kale waxay warbixintu sheegaysaa in Daahir Aweys uu u socdaalay gobolada dhexe isla markaaana uu halkaas kula kulmay madaxda ONLF.
Warbixintu waxaa kale oo ay sheegtay in bishii April ee 2005 ay ugu yaraan 270 askari oo tababaran oo ONLF ahi ay kasoo dageen magaalada Dhuusamareeb. Askartani waxaa waday 3 duulimaad oo dayuuradeed, oo ay Dahir Aways iyo Indhacaddeba dallaal fiican ka heleen. Ciidankan ONLF ta ee ay warbixinta Q/Midoobay sheegayso waa dhallinyarada sida la wada ogsoonyahay harradku ku laayay inta u dhaxeeysa Shilaabo iyo Dhoobowayn 15 April 2005.
Ma aha markii u horaysay ay jabhadda ONLF hub uga soo dagaan gobollada koonfurta Somaliya, oo waxaa xusid mudan shixnaddii hubka ahayd ee janaayo 1999 ka soo degtay Hobyo, Ballidoogle iyo dekedda magaalada Marka, oo ka kala timid Libiya iyo Ereteria oo aad u farabadnayd ayaa in ka yar 5% ay jabhaddu ka heshay waxaa hubkaas intiisii badnayd qaatay maleeshiyada Xuseen Caydiid, ganacsadaha Cabdirashiid Ilqayte oo xoog ku haaysta SomaliFruits iyo shirkadda Al-Barakaat. Hubkaas oo qayb ka mid ah hubkii lagaga dagaal galay laguna qabsaday magaalooyinka Kismayo iyo Baidhaba ayaa intiisa badan laga iibiyay maleeshiyooyin kala duwan, inkastoo madaxda ONLF ay warbixintooda ku sheegeen in hubkaas laga dhacay !!
Ilaa iyo iminka lama oga dhaqaalaha Maxamed Cumar Cusman iyo kooxda ONLF ka soo galay xiriirka ay la leeyihiin Cabdiqassim iyo ganacsatada beesha Habargidir, laakin waxaa hubaal ah in dhaqaale ilaa iyo xad aad u fara badan uu ka soo galay.
Warbxintan oo ay Oktober 5teedii soo saartay guddi ay qaramada midoobday u saartay in ay u kuur galaan xaalaada soomalaiya oo dhinacyo badan taabnaysa ayaad ka arkaysaa in diinta, xornimadoonka iyo wadaadnimada la sheeganayo ay tahay mid ujeeda badan ah oo arrimo badan lagu qarinayo. Yuusuf Indhacade iyo Dahir Aways waxay sheegtaan inay yihiin niman wadaada ah oo raba in islaanimo dalka lagu xukumo, meesha madaxda sare ee jabhada ay sheeganayaan in ay Ogaden xoreenayaan, hase yeeshee falalkoodu waxay ka turjumayaan ujeedooyin ka fog arimaha ay sheeganayaan..
Sida la wada xusuusto bishii September ee sanadkii hore ayaa ciidanka Indhacadde iyo Dahir Aways waxay weerar ku qaadeen magaalaad Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose oo ay dab qabadsiiyeen ceelashii biyaha iyo goobihii caafimaadka , waxbarashada iyo baayacmushtarka.. Hadaba suaasha meesha taala waxay tahay sidee la isu qabadsiin karaa beesha Cabdiqassim iyo Indhacadde inay xoog iyo xaaraan ku haaystaan qayb ka mid ah Jubbooyinka, oo ah deegaanka beesha Absame ay ka degaan Somaliya, isla marakaana maalin walaba ay wiilal yaryar oo wax ma garad ah ka soo abaabulaan Dhuusamareeb iyo Xamar si ay dab u galiyaan guryohooda. Arrintan waxay xaqiijinaysaa warar in muda ahba la isla dhex marayay oo sheegaya in uu jiro xidhiidh qoto dheer oo ku salaysan iskaashi dhaqaale in uu ka dhaxeeyo madaxda Jabhadda ONLF iyo qaar ka mid ah dagaal oogayaasha iyo ganacsatada beesha Habar Gidir oo ay labadoodaba Eritrea hub siiso, shirkana ay ku yihiin dhaqaalaha ka soo gala daroogada, hubka iyo suuqgaytna lacagta been abuurka ee shilin soomliga, oo sidaan horayba u xusay loo suuq geeyo deegaanka somali galbeed.
Ugu damabayn waxaan ogsoonahay in madaxda ONLF iyo carrurtooduba ay qaxooti ku wada joogaan wadamada reer galbeedka sida Maxamed Cumar Cusman, Cabdiraxman Maadeey, Dhiirane Cabdi Yaasiin , Maxamed Siraad Doolaal oo jooga UK, Caddaani Hirmoge iyo General Cabdullahi Mukhtaar oo jooga Denmark , Maxamed Ismaaciil oo jooga Australia iyo qaar kaleba , iyadoo waliba intooda badan ay ku joogaan magacyo iyo sheekooyin been ah, ayaa hadana waxay shaqo ka dhigteen in ay ku dawarsadaan magaca halganka iyo masiirka umadda reer Ogadeenya, taas oo ay hadda dheertahay sida ay caddaysay warbixinta qaramada midoobay danaysi iyo abuuris dhaqaale shakhsi ah oo ku salaysan dhaqaalaha xaaraanta ee laga helo beeraha daroogada, hubka, iwm ee ka dhaxeeya janandii Somaliya ee ONLF iyo burcadda hortaagan in uu qaran somaliyeed soo noqdo, sida Yusuf Indhacadde, Cabdi Qassin, Dahir Aways iyo General Morgan oo hadda ah mulkiilaha laba beerood oo lagu beero xashiishadda, mid ka mid ahna uu isagu horay u lahaan jiray.
Hadaba suaasha meesha taala waxay tahay waa maxay tallaabada la gudboon in ay qaadan dadka reer Ogadeenia ? Wax garadka reer Ogadeenia ma dareesanyahay miisaanka warbixinta qaramada midoobay iyo saamaynta ay ku leedahay masiirka ummadooda ? Haddaad tahay waddani diyaar u ah in uu dadkiisa wax u qabto, haddaad tahay waddani diyaar u ah in masiirka umadda laga badbaadiyo burcadda Muqdisha iyo danysatyaasha marin habaabiya masiirka umadda , haddaad haayso warar la xiriira madaxda ONLF ee qaxootiga ku ah dibadaha ee shacabka masaakiinta ah dabka galinaya, haddaad haayso dacwad shakhsi ah oo ku lid ah madaxda onlf, haddaad leedahay damiir danqada oo daacad ah, fadlan la soo xiriir oo warkaaga u soo dir emailka hoos ku qoran.
Mahadsanid-
Maxamed Rashiid Macallin Ibrahimi –
United Kingdom
Email.: shilaabo@hotmail.co.uk