Ra'yiga dadweynaha
bannerads/mom_MP_468x60_f_SE.gif
Laascaanood 3 sano ka hor iyo xaalada maanta ay ku sugantahay:
Dagmada laascaanood waxa ay ku taala bariga Somaliland gobolka Sool qiyastiina waxa daga ku dhawaad 5000 kun, magaaladu dhismayaal sidaas u sii bilicsan malaha waxayna aad u dhismatay intii uu maamulka somaliland gacanta ku hayay.
Magaaladu malaha wadooyin dhex mara gudaha magaalada waa halkaa wado ee isku xidha Somaliland iyo somalia.
Sadex sano ka hor:
waxa dagmada Laascaanood ka jiray maamulka Somaliland madaamo ay tahay dagmo ka tirsan dhulka Somaliland.
hadaba intii uu gacanta uu ku hayay maamulka Somaliland waji ceenkee ah ayay laheed dagmada Laascaanood?
Magaaladu dhamaan way u dhamaayeen agabkii dawladnimo haday ahaan laheeyd madaxdii dagmada iyo kuwo gobolka oo dhamaantood xaadir ku ahaayeen dagmada Laascaanood waxa lagu qiyaasaayay shaqaalaha dawlada hoose ee Laascaanood 300 oo shaqaale ah kuwaas oo ka hayay dhamaan hoowlaha dawlada hoose xafiisyada kala gadisan ka hool gali jiray wax intaa sii dheera shaqaale maaimeedka oo aan qiyaas laheen oo ahaa maalinba intii loo baahdo waxa intaa sii dheera shaqaalaha gobolka oo dhan ka hoowl gala maadaamo ay tahay magaalo madaxdi gobolka iyaguna waxay dhamaayeen 20 shaqaale, waxa ka jiray dagmada sedex iskuul oo ay gacanta ku haysay wasaarada waxbarashada ee somaliland waxaana ka hoowl gali jiray sedexdaa iskuul isu geyn 22 macalin marka lagu daro sedexda maamule iyo ku xigeen ee sedexda iskuul iyo waaxda wasaarada waxbarashada ee dagmada oo ay wahliso waaxda waxbarashada ee heer gobol oo dhamaa 17 shaqaale waxay dhamaantood hoos iman jireen oo mushaharkoodu ku xidhna wasaarada waxbarashada ee somaliland dagmaduna markaa way ka haqab tirneed hanaanka waxbarashada waxyna isku duruus ahaayeen iskuulada kale ee wadanka sida kuwa Hargeisa oo kale waxaana u dhamaa hagabka wax barasho guryaha iskuulada oo dhisnaa kuraasta bugaagta iyo tamaashiiraha dhamaan hagabka wax barasho.
Waxa dagmada ku yaalay hal cusbitaal o ay maamuli jirtay wasaarada cafimaadka iyo shaqada ee somaliland iyo ganacsatada dagmada oo iska kaashan jiray, waxaana cusbitaalka ka howl gali jiray qiyaasti 13 dhakhatar iyo waxaada wasaarada cafimaadka iyo shaqada ee heer degmo iyo mid gobolba.
Waxa ka furnaa laba saldhig waxaana ka howl gali jiray cidamada boliska oo aad iyo aad u tiro badna laakin dagmada laascaanood iyo nawaaxigeeda may joogin ciidamada qaranka ee Somaliland.
Hadaba maaha wax aan soo koobi karo shaqaalaha dawlada ee ku sugnaa dagmada laascaanood warqadan sedex sano ka hor.
Bulshada dagmadu way ku calool fayowaayeen maamulka dagmada maadaama ay ka helayaan waxyaalihii bulshada u daruuriga aheeed iyo nabad aad u macaan oo aanay hada haysan.
dadka dagmada iyo shaqalaha dawladu waxay ahaayeen kuwo isla socon jiray kolba xaalada dagmada had iyo jeerna wax walba waxay u wada qabsan jireen iskaa wax u qabso.
cuqaasha iyo indho garadka dagmada oo had iyo jeer shaqaalaha dawlada ee goblka ka howl gala u fududayn jiray howlaha dhankooga kaga soo beegma inaga oo odhan karna bulshada reer laascaanood iyo shaqalaha dawlada oo dhamaantood ahaa reer laascaanood wax ay fahmeen siyaasada lagu hago wadanka ee ah dimquraadiyada raali galinta shacbiga ee ku dhisan isku naxariisiga kolba kii taag daran sidaas oo ay kolkaas ay laascaanood ku gaadhay heer ka heer sareeya dagmooyin badan oo ay ku jirto magaalo madaxda somaliland laakin ay maanta kala yihiin magaalo iyo cadaabti ifka.
Sadex sano kadib:
Wax hal subax bulshadi reer laascaanood ee ku nooleed nabada iyo barwaaqada ay la kowsadeen fowdo iyo dagaal ka dib marki gabi ahaanba ay gacanta ku dhigeen maleeshiyo ka soo duushay Somalia gaar ahaan gobalada soo xiga xadka somaliland.
Waxa gabi ahaanba ka dhacay dagmadi jahwareer qabsaday bulshadi hubka fudud iyo ka culusba oo magaalada si naxariis daro ah laagu burburiyay dhamaanshaqaalihi dagmada iyo gobolkaba qaarkood la laayay halka qarna ay ka soo baxsadeen o ay soo galeen dagmoyinkii kale ee gobolka Sool.
Wax si naxariis daro ah loo gumaaday shacabkii dagmada ku noola halka ay wax dabeeciya iska noqotay jidh dilka kufsiga bahdilka bulshada magaca ku leh dagmada ciqaabta IWM.
Wax dhamaan hawada ka baxay waxyaalihi ay bulshadu u baahneed e daruuriga nafta u aheed.
Waxa maqaar saar looga dhigay rag dagmada u dhashay oo aan dhiig iyo damiirnimo aan laheen kuwaas oo kala ah ka ay u magacaabeen maleeshiyadaasi in uu noqdo badhasaabka gobolka duqa dagmada iyo horjoogaha maleeshiyada oo ah nin u dhashay Somalia wax kale oo shaqaala oo ka howl gala ma jiro aan aheen sadexdaas uun mooyiye wax ay yagleeleen idacad yar oo ku hadasha afkooga aad is odhan karto ma taarki maleeshiyada ay fidin jirtay borobogaadad.
Shacabkaas masaakiinta oo wali hada ku sugan xaaladaas qalafsan ee aynu ku matali karno xaaladi ay kal hor ku sugnaayeen bulshada daarfur oo wixi ka dhacay ay caalamko dhami markhaati ka yihiin. waxaan ilaahay uga baryaya in uu mar uun ka qaado fidhiidhka cunsurnimada iyo cadiifada qabiil ku burburinaaya shacabkaas ay gabtay dawladoodu ay u hanwaynaayeen ee somaliland laakin waxaan leeyahay samra marlabaad kolayw aydinkii soo samri tii afwayne tana guul ayay ku dambayndoontaaye.
Sidee ayaa la iskugu diray bulshadi wada dhalatay ee dagneed dagmada laascaanood ee ahyd halka qabiil oo kaliya:
Hadaba dadweynaha magaalaas Laas-caanood ku nool ayaa sanadihii u danbeeyay waxaa soo foodsaaray dilal la xidhiidha Aarsi iyo Aano qabiil oo beelahaasi ay dhexdooda iska dileen nin doorkii iyo aqoonyahankii faro ku tiriska ahaa ee Laas-caanood ku sii hadhay.
Dhiigga faraha badan eek u qubanayay Magaalada Laas-caanood waxay keentay in shacbiga kale ee daga somaliland ay u dulqaadan kari waayeen iyaga oo dawlada faray in ay si dag dag ah ay dadkaas walaalahayaga ah u badbaadiyaan.
Dhiiggan sida mano la’aanta ah ugu qubanaya Maagalada Laascaanood oo ay ka dambeeyaan maleeshiyada haysata dagmada iyaga oo reer reer afka isku galiyay si ay u wiiqsato quwada shacbigu.
Dilalka ay is dilayaan bulashadu ayaa maalinba maalinta ka sii dambaysa sii badanaaya iyada oo ay magaalada ay moodid xeero ciidan sababto ah shacbiga oo dhamaantood wada sita noocyada kala gadisan ee hubka.
Hadaad joogtid magaalada waxa aad hadh iyo habeen maqlaysa dhawaaqa rasaasta kuwaas oo badana ay isku ridaan shacbiga dhexdiisa iyo iyaga oo badana weerara maleeshiyada xooga ku haysta.
Iayada oo badana aanay magaaladu isku socod badan aanay laheen sabab aawadeed anooyinka dilka oo aad moodid in qofba qof eeganaayo, marka muuqaalka guud ee ay laascaanood hada ku sugantahay aad indho naxariis leh ku eegtid waxa aad is way diinaysa talow meesha aad joogta ma Baqdaadba.
Hadal iyo dhamaanti waxaan ilaahay uga baryaya bulshadaas xuquuqdoodi lagu tuntay ee aan awood ay iskaga caabiyaan nacabkooda aan laheen dawladi ay lahaayeene ay ka cago jiidayso inaga oo sabab uga dhigi karna inay uga yara gaabsanayso ama uga baqanayso in laga bixiyo sawir kale.
Hadaba waa bil rabadaane waxaan ilaahay uga baryaya in ay dhawaan la qeebsan doonan nolasha nabada ku dhisan iyo barwaaqada ay ku noolyihii walaalahooda kale ee jamhuuriyada somaliland.
Aaaaaaaaamin Aaaaaaaaaaaaaaamin.
Abdifatah O. Abdi (Abdi Qaraab)
torto20021@hotmail.com

Xasuusin: Hadii aan nahay bahda Somaliweyn waxaan dadweynaha u sheegaynaa fikrada dadweynaha in anaan anaga masuul ka aheen, uu masuulayadeeda ay saaran tahay shaqsiga soo qoro Ra'yigiisa.
Mahadsanidiin

HLX Immobilien suchen und anbieten Click here


This Page!