TACSI
Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.........!
Annaga oo kala ah bah weynta fannaaniinta soomaaliyeed ee ku kala nool dunida dacalladeeda, waxaan tacsi tiiraanya leh u direynaa qoyskii, eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday marxuum abwaan, C/qaadir Xirsi Yamyam oo dhwaan shil gaari awgii ugu geeriyooday waddanka Mareykanka, waxaannu leenahay naxariistii janno eebbahay ha ka waraabiyo.
Magacyada fannaaniinta tacsida direysa waxey kala yihiin:-
1. Abwaan saciid saalax Axmed
2. Abwaan Singub
3. Saado Cali Warsame
4. Axmed Cali Cigaal
5. Khadiijo C/hi Daleys
6. Faadumo Cali Nakruuma
7. C/qadir Macallin Jubba
8. Sahra Axmed Jaamac
9. Aweys Khamiis Mabuuse 10.Faadumo qaasim hilowle
11.Qadra Daahir Cige
12.Faadumo C/hi maandeeq
13.Khaliif Cusmaan (sayid khaliifa)
14.Nimca Yaasiin Caraale
15.Cabdirisaaq Gaadaco
16.Maryan Cali Muudey
17.Mustafa Kiiko
18.Maryan Mursal Ciise
19.C/lla Yuusuf Hanuuniye
20.Xabiib Sharaabi Muriidi
21.Xabiibo Cabdi Maxamuud
22.Luul Jeylaani
23.Feynuus shiikh Daahir
24.C/nuur Allaale
25.Bashiir Cali Xuseen
26.Faadumo Haldhaa
27.Seynab Laba dhagax
28. C/dhuux Yuusuf Xasan
29. Axmed Nuur Jaango
30. Seynab Xaaji Cali Baxsan
31. Cabdi Muxumad Amiin
32. Maxamed Xasan Barrow
33. Cabdi Maxamed Ilkacase
34. Bashiir Ibraahim Cabdi
Damaan hoballadaasi, waxey kala joogaan Waddamada Mareykanka ,Kanada, Ingiriiska, Norway, Sweden, Denmark iyo soomaaliya.
Sidoo kale ,waxaa tacsi taa la mid ah ehelada marxuumka u diraya bahda saxaafadeed ee soomaali weyn.
TACSI
INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
Dhamaan Qooyska Reer sheekh xaamud c/laahi TACSI WASIIRKA PATROOLKA DFKM MUDANE YUSUF MAXAMUD XARARE
Waxaa maalintii Isniinta ahayd ku geeriyppday magaalada mudanaha waxaa shantii sano ugudanbeeysay kaalin xoogan ka khaatay nabadeyntii iyo dhismihii labadii dowladodd tii Carte lagu soo dhisay iyo DFKM ee WAXAA QOYSKIISII SOO GAARAY FARIIMAHAN TACSIDA AH Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed Hassan Ali Naaleeye iyo Xaaskiisa Fawsiyo. CAAQI CARTE XAAJI JIMCALE NABDOON MAXAMUUD CAWAALE CAWIIF NABDOON AXAMED SHEEKH AADAN CAYDARUUS XAAJI MAXAMED C/QAADIR MAXAMED WARSAME JINI BOQOR CORNEEL AXAMAD XAAJI MAXAMED GAAGAALE ISMAACIIL JAMHUURIYA ABDIRAXMAAN QALIIF SACIIC IYO XAASKIISA
REER AHMED MOHAMED ABDULKARIM Fadumo Mohamed Mire Sharmarke Ahmed Mohamed Ayan Ahmed Mohamed Hindisaar Ahmed Mohamed Deeqa Ahmed Mohamed Abdifatah Ahmed Mohamed Kaha Ahmed Mohamed Zeinab Ahmed Mohamed Abdillahi Ahmed Mohamed Abdirizak Ahmed Mohamed REER YUSUF AXMED BEYLE Yusuf Axmed Beyle iyo Xaaskiisa Asli Xasan iyo Dhamaan ilma Yusuf Axmed Boyle Tacsi Geeridda ku Timi AL-Marxuum, Abwaan- C/Qaadir Xirsi Yam- Yam Geeriodda ayaa Xaq ah oo Cidina Diidi Kareen Waa Xukunka iyo Qadarka Alle, Haddaba Waxaa Dalka Mareeykanka Magaaladda Ohio Ku Geeriyooday Alle Naxariistii Jano Has Siiye
Abwaankii Caanka, Curiyihii, Sugaan Yaqaankii, Aftahankii Weyn ee Somaaliyeed-C/Qaadir
Xirsi Yam-Yam.
Marxuum Yam-Yam ayaa ka mid ahaa Abwaanadda Somaaliyeed ee ku Xeel Dheeraa Curinta
iyo Aqoonta Sugaanta Somaaliyeed ee Hodonka ah, Wuxuu Shakhsi Garasho Dheer leh oo
Waayo Aragnino iyo Aqoon Guud u lahaa Taariikhda iyo Hanaanka Sugaanta Carbeed iyo
Weliba Aqoon Fiican u lahaa Diinta Islaamka iyo Luqadda Carabigaba, Marxuum Wuxuu ka
Mid ah Abwaanadda Qiiradda iyo Dareenka Wadaniyadeed lahaa. Dal Jaceylka Iyo Midnimada
Ummadda Somaaliyeed, Shir Iyo Kulo Badan oo looga Hadlaayeey Xaalada Dalka Hooyo ayuu
Ka Soo Jeediyeey Tucubyo Gabayo ah oo Qiimo weyn leh oo uu ku Tusaaleeynaayo Dadka
Somaaliyeey Ahamiyadda Qaranimadda iyo Dowladnimadda iyo Wadda Jirka Ummadeed.
Marxuumka Ayaa leh Keyd Sugaaneed oo aad iyo aad u Badan Qiimo iyo Qaayo Weyna leh
Xikmad iyo Aqooni ku Dheehan yahay oo Dhaxal gal ah, Waxaana ka mid ah oo Anigu aan Si
Weyn u Jeclahay Seeradda Rasuulka(SCW) oo uu Af-Soomaaliyeey Hab iyo Qaab Qurxoona
ku Turjumay Iyo Gabayo, Hooso Iyo Sheekooyin Qiimo leh, Shaki Kuma Jirro in uu ahaa Mid
Ka Mid ah Abwaanadda sidda Joogtadda ah ugu Howlan hanuuninta iyo Tusaaleeynta Dadka
oo Weliba Doorkiisu Muuqdo, Waxaana Nasiib Wanaag ah In Abwanku Geeriyooday iyadoo
Lagu Jirro Bisha Barakeeysan, Bisha Naxariista, Raxmadda iyo cadaab ka Xoreeynta Bisha
Ramadaanka Kariinka ah.
Anigoo ah Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab) kana Mid ah Bahdda Qorayaasha leh
Aragtidda iyo Dareenka Wadaniyadeed, Kyuna Soo Bandhiga Shebekadaha Somaaliyeed
Maqaalo iyo Qormooyin Danta Guud iyo Maslaxadda Dalka iyo Dadka Somaaliyeed ku
Saleeysan Habka iyo Hanaanka Dhex-dhexaadka ku Dhaqma, Waxaan Halkan Tacsi uga
Soo Gudbinaayaa Qoyskii, Eheladii, Qarabadii, Curiyaasha iyo Abwaanadda Somaaliyeed iyo
Guud ahaanba Ummadda Somaaliyeed Geeridda Naxdinta leh ee ku Timi Al-Marxuum Yam-Yam Waxaana Alle uga Rajeeyey in uu Ka Waraabiyo Janadda Qoyskii, Eheladii iyo Guud
Ahaanba Ummadda Somaaliyeedna Samir iyo Imaan Ka Siiyo, Aamiin, Aamiin, Aamiin.
-Geeridu Waa Xaq-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
England- 22/10/2005.
-sharifhassan50@hotmail.co.uk- Tacsi Geeridda(Dilka) Al-Marxuum- Cabdi Buraale. Taariikhidu Markay Aheyd 19/10/2005, Waxaa Bartamaha Magaaladda Hargeeysa Lagu dilay
Al-Marxuum, Cabdi Buraalle oo ahaa Nin Ganacsade ah Kana Soo Jeeda Degmada L/Canood
Gobolka Sool, Kuna Jiray Howlaha Ganacsiga Muddo Dheer, una ka Dhoofi Jiray Jabuuti iyo
Hargeeysa, Muddo Dheerna Deganaa Magaaladda Hargeeysa oo in Badan oo Qoyskiisa ahi
ku Dhaqn Yihiin.
Marxuum- Cabdi Buraale Waxaa Lagu Dhex Dilay Goobtiisii Ganacsigga Bacadlaha ama
Hargeeysa Waqti Maalimo ah oo Suuqo Camiraa, Lana Wadda Arkaayeey Kuwii Dilkaas
Geeystay oo ahaa Labo Gacan ku Dhiiglle u Dhashay Magaaladda Hargeeysa, Sidda la
Sheegaayo Boliiska ayaa Gacanta ku Dhigay Labo Nin, Laakiin Lama Xaqiijiin in eey Yihiin
Kuwii Falka Geeystay iyo Kuwo Kalle, Qaraabadda Marxuumka ayaa Cadeeyeey In Dilku
u Muuqdo Mid ku Saleeysan Naceeyb Loo Qabo Dadka ka Soo Jeeda Degaamadda Sool iyo
Sanaag Barri oo Beryahan damme ku Soo Badanaaya Dadka Reer S/Land, Suur galna ma
Noqon Karto In Fal Tuuga-nimo Ka Dhaco Bartamaha Magaaladda Waqti Maalino Cadaan ah,
Balse Waxeey Cadeeyneeysaa in Dilka uu Qorsheeysnaa(Alaa Xaqiiqada Og).
Anagoo ah Dadka Magacyadoodu Hoos Ku Xusan Yihiin, Kana Tiiraan-yiisan Falkaas Foosha Xun(Dilka Cadaanka ah) ee Loo Geeyste Al-Marxuum, Cabdi Buraalle, Waxaanu Halkan Tacsi
Uga Gudbineeynaa Xaaskii, Caruurtii, Eheladii iyo Qarabadii Marxuumka, Waxaana Alle uga
Rajeeynay in uu Marxuum Janaddii ka Waraabiyo, Xaaska, Caruurta iyo Dhamaan Eheladana
Samir Iyo Imaan ka Siiyo.
1-Oday- Xassan Nuur Aw Jibriil(Xassan Shiine) Iyo Qoyskiisa.
2-C/Risaaq Axmed Nuur Aw Jibriil.
3-Sheekh Abshir C/laahi Sheekh, Iyo Qoyskiisa.
4-Sheekha Cali Dabreeye Iyo Qoyskiisa.
5-Cabdulqaadir Ciise Oog Iyo Qoyskiisa.
6-Maxamuud Cabadikariim Macalin Abukar Iyo Qoyskiisa.
7-Shire Cali Ismaciil Guraase..
8-Cabdulqaadir Sheekh Axmed Xaaji Cali.
9-Jaamac C/Laahi Sheekh Max,d.
10-Faadumo Sheekh Axmed X.Cali iyo Caruurteeda.
11-Aamina Sheekh Axmed X.Cali.
12-Fardoowsa Xirsi Cumar Iyo Caruurteeda.
13-Qaali Xirsi Cumar Iyo Caruurteeda.
14-Cabdullaahi Qayaad Iyo Caruurtiisa.
15-Sahra Cabdullaahi Bun-dubte Iyo Caruurteeda.
16-Feysal Cali Seed.
17-Maxamed Jaamac Dubad.
18-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab) iyo Caruurtiisa.
-Geeridu Waa Xaq-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-England- 20/10/2005-
Tacsi Geeridda Al-Marxuum- Rashiid C/Raxmaan Xaaji Cigalle(Sumuni)
Anigoo ku Hadlaayo Magaca Qoyskeeyga Reer Xassan Carab, Waxaan Halkan Tacsi Tiiraan Yadeeda leh uaga Gudbinaayaa Qoyskii, Eheladii iyo Guud ahaan Beelaha daraawiishta Geeriddii ku Timi Al-Marxuum-Rashiid C/Raxmaan Xaaji Cigalle(Sumuni) oo Dhowaan ku Geeriyoday Dalka Mareeykanka Magaaladda Virginia.
Al-Marxuum, Rashiid C/Raxmaan Ayaa ka Mid ahaan Jiray Dadka Aqoonta Wanaagsan lahaa ee Ka Soo Jeedda Degaamadda Buudoodle iyo Guud ahaan Beelaha Daraawiishta, Wuxuuna Muddo Dheer ka mid ahaa Shaqaalle Dowladeed, Gaar ahaan Wakaaladdii Ganacsigga, Anigu
Shakhisiyan ayaan Aqoon Wanaagsan u lahaa Marxuumka Rashiid C/Raxmaan oo ahaa Nin
Dadnimo Wanaagsan leh, Xurmo iyo Qadarin Ummada Dhexdeeda ku lahaa, Dad La Dhaqan
Iyo Soo Dhoweeyn Milgo Gobeed ku Dheehan tahay Lahaa.
Iyadoo Geeridu Xaq tahay oo aan Aduunka Ciddii ku Hadheeyn, Lana kala Horeeynaayo
Waxaan Al-Marxuum- Rashiid C/Raxmaan Xaaji Cigalle(Sumuni), Raxm,aanka uga Rajeeyey
in uu Janadda Fardoowsa ka Waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Macaariiftii Fara Badnaa iyo Guud
ahaan Beelaha Daraawiishtana Samair iyo Imaan ka Siiyo, Aamiin, Aamiin, Aamiin.
-Geeridu Waa Xaq-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfiel-England- 07/10/2005-
GEERDII XASAN (XABASHI) OO MURUG WEYNI ku REEBTAY UMMADA REER SOMALILAND QURBAHA KU DHAQAN QORE MMA TORONTO ,ONT .CANADA Awad dooyo
This Page! |