Ra'yiga dadweynaha
bannerads/mom_MP_468x60_f_SE.gif

SUUGAAN-YAQAAN, CURIYE ABWAAN,MAXAMUD C/LAAHI SANGUB.
 
Anigoo Tixgelinaayaa Codsiyadda Faraha badan ee iga Soo gaaraaya Akhristayaasha Milgada
iyo Xurmadda iyo Qadarin weyn iga Mudan oo Dacaladda Aduunyadda ku kala nool oo aan
Weliba Halkan Raali gelein weyn uga gudbinaayo Haddii aan daahay Codsigoodii, Taxanaha
Maqaaladda iyo Qormooyinka Fanka iyo Suugaanta Somaaliyeed ayaan Cadadankan ugu
Tallo Galay Abwaan Somaaliyeed oo ka mid ah Xulka kaalimaha Koowaad ku jirra ee Ragga Curiya Heesaha, Alifa Riwaayadaha Isla Markaana ah Suugaan Yaqaan iyo Shaacin Weyn
Waa;- Abwaan- MAXAMUUD C/LAAHI SANGUB.  
 
Abwaanbka ayaa ka Soo Jeedda Dhulka Taarikhda weyn ku leh Suugaanta Somaaliyeed oo la
Oran waa Heeyga uu ka soo Alkuman-tahay Suugaanta Somaaliyeed, Degaamadda Shaacirkii
Weynaa Raagge Ugaas iyo Ugaas Wiil-Waal, Sangud wuxuu ku bilaabay Fankiisa Dhanka
Ciyaaraha Dahqanka iyo hidda Somaaliyeed (Ciyaar Somaaligga) oo ku caan ahaa Asalna u
lahaa, Sidoo kalle wuxuu ahaa Fanaan Heesaha ama heesaha ku luuqeeya, balse waxaa is
qarin karri waayeey Xikmadda iyo aqoonta Sugaaneed ee Max,ud C/Laahi Sangub iyo habka
Cajiibka ah ee Hal abuurin-nimadda Hibadda ah, Waxaana Soo Butaaceey Webiyo Heeso ah
iyo Xirmooyiin Riwaayado ah oo Heer Sarre ah, kuna fadhiyay Xikmad iyo ahnaan sugaaneed wanaagsan oo ka mid noqday kuwa ugu caansan keydka dhaxal galka ah ee Sugaanta Hooyo
ilaa hadana si weyn loo Xiiseeyo. 
 
Abwaan Sangub ayaa ka mid ah raga ugu Riwaayadaha Wanaagsan Sidda- Saxardiid Jabiye,
Axmed Suleeybaan Bide, Max,d Aden Dacar, Al-Marxuum-Kaariye, Al-Marxuum,Tukaale,
Xassan Gani, Al-Marxuum,Cusmaan Askari, Hadraawi, Cali Sugulle iyo Xassan Sh.Muumin
Iyo Abwaano kalleba, Riwaayadaha Sangub ayaa leh hanaan iyo dhibco gaar ah iyo astaamo
gaar ahaaneed oo aqoon iyo Xikmad ku Saleeysan oo Riwaayadda Siiya hab Qurxoon iyo
Siffo Faneed oo ka Soo Baxeeysa Caqliyadda Fiican, Waxaa Isaguna Abwaan Wadani ah
Abwaanka Weyn ee Cabdi Muxumud Amiin oo Halgankii Rajiimkii lagula jiray Door weyn ka
Soo Qaatay, Tuusaale Gaaban Riwaayadaha Abwaan Sangub:-
 
-Xuud Baa Laqay Jaceeylkii.
-Qabrigii Jaceylka.
-Xuskii Jaceylka, Waxaa Saddex-leeydii Cajiibka aheyd oo Tobobaatanaadkii ugu Dalka oo
Dhan ku Baahday, oo Caan Bixay Fanaaniinta:- Salaad Derbi Iyo Seeynab Cigge.
-Riwaayadii Taariikhdi aheyd ee Magaceedu ahaa;-Xoriyo Nin Gayaa Ha Guursado, oo Sidda
Weyn u bedeshay Habkii iyo Qaabkii Qadiimka ahaa ee Riwaayadaha Somaaliyeed si Cadna
u Soo Shaac bixisay Riwaayadaha Tusaaleenta ah oo Aragtidda Wadaniyadeedka leh oo si
Qeexaan loo Sheegaayo, Xoriyo waxeey Wadadda u furtay Riwaayadaha Siyaasadeed oo sida
la wadda ogyahay habka Sarbeedta markii horre loo dhigaayeey, Waxaa La wadda Xusuustaa Habk Sarre ee Jilineed- ee Fanaanadda,Saado Cali Wasarme, Max,d Axmed Kuluc, Saalax
Qaasim, Feeynuus Sh.Daahir iyo Dhammaan Badii Riwaayadda.
-Waa Maadeysi Aduunyadu Dadkuna Weey Meteleyaan, Top Iyo Top ayaan oran karaa.
-Riwaayadaha Xiligga Burburka iyo Kala Baahiddana waxaa ka mid ah- Qabyo 1-2 oo aan Gaarsiisaneyn Habkii looga Bartay Abwaanka Weyn. 
 
Abwaan Maxamuud C/Laahi Sangub ayaa leh Heeso aad iyo aad u fara badan eeyna ku
Luuqeeyaan Fanaan Caan ah, ama Fanaaniinta Somaaliyeed intooda badan Heeso uu
Leeyahay Abwaanka weey ku luuqeeyeen Sidda:-Tusaale ahaan.
 
-Isu Samir-    Baxsan iyo Cali Gaab.
-Webigii Qaadayoow-  Fanaanka Axmadeey Abubakar.
-Ina Ogid-   Fanaanka Caanka ah saalax Qaasim Naaji.
-Cindi Nuuriyaa,   Fanaanka Weyn Xassan Aden Samatar.
-Jaalaleey.  Salaad Derbi Iyo Seynab Cigge.
-Heeri Maahee,  Salaad Iyo Seeynab Cigge.
-Heegaan,   Xassan Diiriye Faarax.
-Bartamaha Habeenkii,  Khadiija Foodeey.
-Ubax Jaceyl, Salaad Derbi Iyo Maandeeq.
-Hadii Beerku Qeybsamo,  Sahra Axmed Dhabarloow.
-Heesihii Riwaayadii Xoriyo.
-Heesihii Riwaayadii Maadeeys, Iyo Heeso kalle oo Fara Badan oo Qiimahood leh. 
 
 
-Abwaan Sangub lama Soo Koobi karro doorkiisii faneed iyo kaalinta uu ku leeyahay
Taxana Sugaanta Somaaliyeed, waa Xidig weyn oo leh Maqaamkiisa iyo Doorkiisa iyo Xurmadiisa Gaar ahaaneed, waa Abwaan caadi ah oo Dad la dhaqan Wacan leh si weyn
ugu Xiran bahda Fanka Somaaliyeed oo Weliba Ururiye ah, Wadani ah oo Damiir iyo
Garsho wanaagsan leh, Abwaanka ayaa si weyn uga gubanaaya Dhibaatadda iyo qaska
Curyaamiyeey Dalka Hooyo iyo sidda Ummaddii Walaalaha aheyd u kala baahday oo
Weliba u Coloobeen iyo Dagaaladda Sokeeye ee Khasaaraha badan geeystay, Dameerka
Sangub ayaa ah mid ku Saleeysan Qaranimadda iyo Helitaanka Hanaankii Dowladeed ee
Dalka iyo Dadka Hooyo, Wuxuuna ka mid ahaa Ragii sidda weyn u Dhaliilay Xukunkii Dalka
ka jirri jiray ee Rajiinkii Al-Marxuum-Siyaad Barre ee Maamul Xumadda iyo Cadaalad Darada
ku Dhisnaa, una Sabab ah Burburka iyo kala Fogaanshaha Ummadda Somaaliyeed. 
 
Gunaanadka, Anigoo si weyn uga Cudur daaranaaya Maqaalkan Kooban oo aan Buuxin
Kareen Kaalintii iyo Maqaamka Abwaanka Weyn ee Caanka ah ee Maxamuud C/Laahi
Sangub iyo Meesha uu kaga jirro Fanka Somaaliyeed, Waxaan u rajeeyeey Cimri dheer,
Samal Suuban iyo Horumar Joogto ah iyo in uu Suugaanta Wanaagsan Asluubta iyo
Anshaxa ku Saleeysan Halkaas ka Sii Wadda oo Weliba Waqtigan Xasaasigga ah ku
Dadaalo Abuuridda Riwaayado iyo Heeso Wadani ah oo Qiiradda Qarameed ku Fadhiya
Ummadda Somaaliyeed Wanaaga, Wad Jirka iyo Qiimaha  Dalokooda u Tilmaama, Ana
Salaan Wacan, Xurmo iyo Milgo Gobeed iaga Guddoom Abwaan-MAX,D C/LAAHI SANGUB.
 
 
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield-England- 15/09/2005-

 

Xasuusin: Hadii aan nahay bahda Somaliweyn waxaan dadweynaha u sheegaynaa fikrada dadweynaha in anaan anaga masuul ka aheen, uu masuulayadeeda ay saaran tahay shaqsiga soo qoro Ra'yigiisa.
Mahadsanidiin

HLX Immobilien suchen und anbieten Click here


This Page!